Xukuumadda oo Bilowday Tallaabooyin ay Kaga Aargudanayso Shaqaalaha
Dawladda ee la Saftay Garabka UDUB ee Darawal
Xukuumadda Somaliland, ayaa
bilowday tallaabooyin isugu jira hanjabaado iyo caga-juglayn ay kaga
aargudanayso shaqaalaha ka hawlgala hay’adaha kala duwan ee dawladda
ee lagu tuhmo in la safan yihiin ama gacan-saar la leeyihiin garabka
xisbul-xaakimka UDUB ee ka soo horjeestay shirweynihii labaad ee
xisbigu ku doortay murrashaxiinta uga qaybgeli doona tartanka
doorashada madaxtinimada ee dhowaan dalka ka qabsoomi doonta.
Qaar ka mid ah shaqaalaha dawladda ee tallaabadan aargudashada ahi
saamaysay oo Jamhuuriya la soo xidhiidhay shalay, ayaa xaqiijiyey in
masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumaddu ugu hanjabeen in shaqada
laga caydhin doono ama tallaabo adag ka qaadi doonto haddii aanay ka
hadhin taageerada ay siiyaan garabka UDUB ee hoggaamiyaan
siyaasiyiinta ku dhawaaqay in Madaxweyne Rayaale kula tartamayaan
murrashaxnimada jagada madaxweynaha xisbiga dhexdiisa.
Xubnaha shaqaalaha ee arrintani taabatay oo ka cudurdaartay in
magacooda la shaaciyo, ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid u muuqata
amar-ku-taagleyn, gef iyo meel-ka-dhac lagu sameeyey xuquuqda
aasaasiga ah ee muwaadin ahaan leeyihiin, isla markaana si weyn uga
horimanaysa geeddi-socodka hawlaha dimoqraadiyadda ummadda
Somaliland ka iibinayso beesha caalamka. Waxa kale oo
hawlwadeenadaasi xuseen in tallaabadani jabinayso qodobka qastuurka
ee qayaxaya In muwaadika uu cidduu doonayo dooran karo, isna la
dooran karo.
Sidoo kale, xukuumadda Somaliland ayaa dhowaan ugu hanjabtay
huteellada magaalada Hargeysa in aanay martigelin karin shir ka dhan
ah ka UDUB ee hoggaaminayo Madaxweyne Rayaale, iyadoo dastuurku
dhigayo in nidaamka suuqa ganacsiga xorta ah oo aan cid gaar loogu
xidhi karin.
Jamhuuriya Online
|