Xukuumadda Jabuuti Oo Ka Hadashay Aqoonsiga Somaliland Iyo Cilaaqaadka labada Dal

 

 

Md. Cali Cabdi Faarax



Jabuuti  , April 8th, 2011 (TNN)-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo Isgaadhsiinta ahna Afha yeenka xukuumadda Jabuuti Md. Cali Cabdi Faarax, ayaa sheegay in Somaliland geeska Afrika kaga tilmaa man tahay waxqabsigeeda iyo nabad gelyada ka jirta.

Wasiirku waxa uu si qoto dheer uga hadlay xidhiidhka iskaashi ee ka dhaxeeya dalalka Somaliland iyo Jab uuti.Md. Cali Cabdi Faarax waxa uu sidaasi ka sheegay maanta ka dib markii uu codkiisa ka dhiibtay doora shadii madaxtinimada dalkaasi.

Wasiirka oo ka sharaxaad ka bixinayay xidhiidhka labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland wuxuu  yidhi“Ana ga Somaliland cid walba waanu uga dhow nahay iyaduna cid walba way nooga dhowdahay, waanu muujiynay waana aanu ku khasban nahay inaanu Somaliland wada noolaano. Somaliland inay fiicnaato oo ay nabad danta jabuuti ayaa ku xidhan.

Somaliland waa dalka ugu dhow Jabuuti ma aha xaga qalbiga uun ee xuduudkana waxa xadka Somaliland 16km ayuu halkan Jabuuti uu u jiraa. Haddii Somaliland fiican tahay Jabuutina way fiicnaanaysaa, haddii sida Soomaaliya ay Somaliland olalaysana Jabuutina way olali. Waan ku khasban nahay haddii aanu nahay labadan qaran inaanu wada jirno oo wada noolaano.”

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka Iyo isgaadhsiinta Jabuuti oo ka hadlayay aqoonsiga Somaliland wuxuu yidhi “Somaliland waxa ugu weyni waa aqoonsiga,markii aan Somaliland tagay xiligii caleemo saarkii  Mad axweyne Siilaanyo waxaan sheegay in Somaliland iyadaa is aqoonsatay. Somaliland maanta way ka tilm aaman tahay Geeska Afrika way ka tilmaaman tahay iyadoo aanu aqoonsan UN-ku, waxay kaga tilmaa man tahay waxay kaligood qabsadeen. Aqoonsi ka maqani ma jiro dhul ahaan,”

“Waxaan aaminsan nahay in Aqoonsigu uu iska iman doono oo lagu khasban yahay,”ayuu yidhi Md. Cali Cabdi Faarax.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in ummadda reer Jabuuti ay laabta ku sitaan oo ay taageersan yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle.



Source:Somaliland.Org