Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye oo isku mari waayay kulan Qasriga Madaxtooyadda caawa ku dhexmaray oo qorshe loogu dajin lahaa Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo uu Loolan adagi ka taagan yahay

 

 



Muuse Biixi oo laga diiday inuu soo xulo rrgooyinka shirweynaha iyo inaanu Samaale-na la tar tamin isagoo wasiir ah

Hargeysa (TNN) Kulan kulul oo ay isku waajaheen Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Golaha Wasiir adda oo uu Gadh-wadeen ka ahaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siil aanyo ayaa la siku mari waayay kadib markii uu Muuse Biixi iyo Hogaanka Kulmiye iyagoo ka cadhaysan Qado sharafeed uu Wasiirka Maaliyaddu u qabtay Beesha Sacad Muuse, kaasoo uu ku cadeeyay in uu u taagan yahay Musharxnimada Jagooyinka Guddoomiyaha iyo Madaxtinimada.

Kulanka Caawa oo ka dhashay xanaaq ay Muuse Biixi iyo Maxamed kaahin ka qaadeen Loolan ka kaga socda Wasiir Samaale ayaa kaliftay inay saaka isku shubaan Madaxtooyadda isla mar k aana ay Madaxweyne Siilaanyo ka codsadaan inuu Wasiirkiisa ka qabsado, hase yeeshee wa xa la sheegay Madaxweyne Siilaanyo inuu ka gaabsaday isla markaana Muuse u tilmaamay ina anu Madaxweyne ahaan ka joojin Karin Damaca Samaale.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay markii uu qancin kari waayay Muuse iyo Maxamed Kaa hin in uu saaray isla saaka Guddi ka kooban Xisbiga iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa, kuwa asoo qaban qaabiyay Kulanka Caawa Madaxtooyadda ka dhacay.

Kulanka oo ahaa mid kulul ayay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin soo jeediyeen in ay iyagu Erg ooyinka Shirweynaha Soo xulaan, iyagoo Samaale-na soo jeediyay isagoo aan wasiir ahayn in uu la tartamo, balse labada soo jeedimood ayay Golaha Wasiiraddu ka diideen, waxaanay she egeen Muuse Biixi inuu yahay Guddoomiye ku-meel gaadh ah oo aan awood u lahayn in uu soo xulo, halka soo jeedinta kalena ay ku sheegeen inuu Samaale Xaq u leeyahay.

Soo jeedinta Wasiiradda ayay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ka biyo diideen waxaanay xaal addu gaadhay in ay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ku dhawaaqaan Erayo af-lagaado iyo diid mo isugu jiray, kuwaas oo sababay in shirkii lagu kala dareero iyadoon wax natiijo ah laga gaa dhin qorshihii uu Muuse Biixi watay.

Arrintan ayaa circa ku sii laalaysa khilaafkii marka horeba u dhaxeeyay labada dhinac waxaan ay sababi kartaa in Shir Gole Dhexe oo Deg deg ah la qabto si qorshaha Shirweynaha halkaas looga abaabulo, shirkaas oo aan la garan doonin waxa ay labada dhinac ku kala mudan doona an.

 

Source: Waaheen