Xukuumada Somaliland oo ka hadashay khasaaraha soo gaadhay ganacsadii uu u rarnaa markii degay:-

 


Aniga oo ku hadlaya magaca wasaarada maaliyada,waxaan aad iyo aad uga xumahay khasaara ha..
 


Hargaysa (TNN):-Dawlada Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay khasaarihii ka soo ga adhay ganacsatadii uu u rarnaa markabkii ka soo kicitimay magaalada Dubai ee ku degay xeebta dalka Cummaan,markabkaasi oo siday badeecooyin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen  Baabuurr o,alaabaha dhismaha,bagaash iyo waxyaabo kala duwan.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war saxaafadeed kooban oo uu manta soo saaray wasiirka  wasaar ada Maaliyada Jamhuuriyada Somaliland Md Maxamed Xaashi Cilmi,war saxaafadeedkaasi ayaa  la gu cadeeyay in xukuumada Somaliland ay si aad ah uga xun tahay markabkaasi degay khasaaraha balaadhan ee ka soo gaadhay ganacsatada reer Somaliland ee uu u rarnaa,waxaana uu wasiirka maaliyadu Illaahay uga baryay ganacsatada uu khasaaruhu soo gaadhay in uu bedel khayr qaba siiyo.

War saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan “ aniga oo ku hadlaya magaca wasaarada  maal iyada,waxaan aad iyo aad uga xumahay khasaaraha soo gaadhay ganacsatadayada baddeecadii uu kala degay markabkii uu magaciisu ahaa MV Barmaati,ee laga soo raray Dubai kuna degay  xee bta dalka cummaan.

Waxaan Illaahay uga baryayaa in uu cawil naq ka siiyo ganacsatadaasi khasaarahaas soo gaadhay maalkoodii”.

ALLaa mahadle wasiirka wasaarada maaliyada Md Maxamed Xaashi Cilmi.

 



Khadar cabdi Muuse
Timacade News Desk
Hargaysa Somaliland