Xukuumada Somaliland oo ka dhawaajisay in Dugsiyada Hoose iyo Dhexe lagu dhigan doono lacag la'aan
 


Hargeysa January 16, 2011 (TNN)- Xukuummada Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday inay ka deysay lacagtii laga qaadi jiray ardeyda dhigata Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Xukuumada laga bilaa bo bisha February ee sanadkan 2011.

Sidaa waxa bayaamiyey Wasiirka Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo maanta  Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.

“Waxaanu idin ogaysiinayna in aanu joojinay ardeydii laga qaadi jiray lacagaha ee dhigan jiray  Dugs iyada Hoose/Dhexe ee Xukuummada, taas oo dhibaato ku ahayd qoysas tiro badan. Maanta oo  dan yartii looga tagay Iskuuladii dawlada”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadu Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Mar uu Wasiirka maaliyada Somaliland oo ka hadlayey sababta keentay in lacagta laga qaado  ardey da Dugsiyada laga daayo wakhtigan waxa uu yidhi“1500 oo macalin ayaa qaadan jiray Gunada laga qaado ardeyda, taas oo keentay in la eryi-waayo ardeygii akhlaaqda xumaa oo la eegto laccagta  la ga qaadayo, iyo in Glass-yadu buuxsamaan, waxyaabahaas oo dhami waxay hoos u dhigeen tayadii waxbarasho ee Dugsiyada Xukuumamda, taas oo keentay in qofkii lacag heystay ardeydiisa geysto meel kale”

Talaabadan ayaa ah mid horumar ah oo ay xukuummada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ku talaabsatay mudadii lixda bilood ahayd ee ay xilka haysay, Sidoo kale waxa iyaduna talaabo lagu diirsaday ah talaabada ay xukuummadu lacagta ugu kordhisay Ciidamada iyo  shaqaala ha dawlada.
 

Source:Horn Cable TV