Xukuumada Somaliland oo Beenisay in ay Olole Ka Bilowday Gobollada Dalka

 

Aniga oo tix-raacaya wararkii ay saaka wargeysyada qaarkood ku soo qoreen Bogga hore , kuwaasi oo ku eedeeyay in olole siyaasadeed ay ka bilowday xukuumadu gobollada dalka.

Wargeysyadaasi oo ka soo xigtay wararkaasi waa sida ay hadalka u dhigeene, Madaxda Asxaabta Mucaaridka qaar ka mid ah.

Marka hore waxaanu leenahay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, marka labaad wufuuda Wasiirada ah ee hadda ku sugan gobollada qaarkood, xukuumaduna ay u dirtay waxa ay halkaasi u joogaan in ummada ay ku wacyi geliyaan ahmiyada weyn ee diiwaan gelintu ay u leedahay Qaranimada Somaliland, waana waajib saaran Xukuumada in ay ka hawl gasho ummada ku wacyi geliso.

Diiwaan gelintu sida aynu la socono waa arrin inagu cusub oo aan dalkeena hore uga dhicin, waxaana xilka ugu weyni ka saaran yahay Xukuumada in ay sida ugu haboon uga qabsoomaan diiwaan gelintu gobollada Somaliland oo
dhan.

Ololaha doorashooyinku waxa ay leeyihiin wakhti cayiman oo loo qoondeeyay sida ku cad xeerka komishanku ay dajiyeen.

Haddaba, kuwa u hamuumaya ololaha siyaasadeed iyo doorashooyinka dalka ku soo fool leh, waxa aanu kula talinaynaa in wakhtigeeda ay sugaan oo aanay ka hor dhicin, haddii kale waxa ay ummada ku abuurayaan Jaha wareer iyo
Fawdad.

 

 


Alla Mahad leh


Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland