WAR-SAXAAFADEED

Jamhuuriyadda Somaliland waxay si weyn ula socotaa in Xukuumadda ka
talisa Villa Somalia oo uu ugu horreeyo M/weyne Xasan Shiikh
Maxamuud ay si toos ah iyo si dadbanba gacan ta ugula jiraan arrimo
ka dhan ah nabadda, wada jirka, horumarka, dhaqaalaha iyo siyaas adda
Qaranka Somaliland.
Waxaannu
ognahay in ay soo abaabulaan kooxo ay ugu talo-galeen inay khal-khal
geliyaan nabadda iyo deganaanshaha Somaliland, isla markaana ay
carqaladeeyaan tallaabo kasta oo uu Qaranka JSL xagga wanaagsan u
qaado.
Dawladda Somaliland waxay si cad u cambaaraynaysaa hadalkii Riyada
iyo Indha-adayga a haa ee ka soo yeedhay Xasan Shiikh 21/9/2016 ee uu
kaga hadlay in Xukuumaddiisu aana y waxba kala socon heshiishka ay
Shirkadda DP World ku maalgelinayso kuna casriyeynay so Dekedda
Berebera kaasoo ay 05/9/2016 kala sexeexdeen Jam. Somaliland iyo
Dawladda Midowga Imaaraadka Carabta (UAE) oo ay wakiil uga tahay
Dubai.
M/weyne Xasan Shiikh waxaanu leenahay: “Jam. Somaliland oo ah Qaran
ka madax banna an dalkii la isu odhan jiray Soomaaliya, ayaa
Xukuumaddiisa oo ku fadhida codka iyo kalso onida shacabka u igmaday
inay gasho oo ay sexeexdo heshiiskan Caalamiga ah. Sidaa dart eed,
Heshiiska Maalgashiga Dekedda Berbera maaha mid adiga laguu daba
fadhiisanayo,am a aad wax ka bedeli karto ama ay meeli uga bannaan
tahay adiga iyo Xukuumadaada too na.”
Sidoo kale, Dawladda Somaliland waxay si adag u cambaaraynaysaa
hadallada xaqiiqada ka fog ee ka soo yeedhay Madaxweynaha Xukuumadda
Soomaaliya ee uu ku sheegay in Dekedda Berbera ay tahay hanti ay
leeyihiin waxa uu ugu yeedhay ‘Qaran Soomaaliyeed iyo Ummad
Soomaaliyeed’. Hadalladani waxay markhaati cad u yihiin fara gelinta
qaawan ee joogtada ah ee ay Xukuumadda ka talisa Villa Somalia ku
hawso dalka, dadka iyo danaha Jamhuuriyadda Somaliland.
M/weyne Xasan Shiikh waxaanu mar kale leenahay: “Hanti uu leeyahay
Qaran Soomaaliye ed ama ay Ummad Soomaaliyeed wada leeyihiin waxa ugu
dambaysay Jan. 1991, burburkii Xukuumaddii dhibka laga dhaxlay.
Haddii Soomaalidu xisaabtantana cidda ay hantidii Soo maali ka
dhaxaysay ku maqan yihiin ee daalaca loo raacayo waa adiga. Hadalkan
aad Dek edda Berbera ku sheegtay hanti Soomaaliyeedna wuxuu la mid
yahay fikirkii male-awaalka ahaa ee lagu hungoobay ee SOOMAALI WEYN???!!!
Dekedda Berbera maaha hanti uu leeyahay Qaran Soomaaliyeed ama ka
dhaxaysa Ummad Soomaaliyeed. Berbera waxa leh aayaheeda iyo
hurumarkeedana ka talin kara Dawladda iyo Shacabka Jam. Somaliland.”
Jam. Somaliland waxay Xukuumadda Muqdisho uga digaysaa fara gelinta,
sheegashada iyo dacaayadaha raqiiska ee ay isku maaweelinayaan.
Waxaanu idiinka digaynaa in aydaan ma rnaba ku mashquulin arrimaha
dalkayaga, waayo Jam. Somaliland waa Qaran ku guulaystay inuu
dadkiisa u horseedo Nabad, Degenaansho, Horumar, Dimuqraadiyad iyo
Dawlad Wana ag. Xukuumadda Muqdisho waxaanu leenahay ka kora riyada
aad ku nooshihiin oo runta u soo noqda!! Ka taliya aayaha ummaddiina
iyo sidii aad dadkiina iyo dalkiina Nabad iyo Dege naansho aad ugu
samayn lahaydeen.
Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Somaliland:
Jam. Somaliland waa dal madax bannaan oo aan sinaba uga mid ahayn
maamul goboleedy ada la doonayo in lagu middeyo waxa loogu yeedho
Nidaamka Federaalka. Jiritaanka Jamhu uriyadda Somaliland maaha wax
ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse waa mid ka turjumay sa xaqiiqada
dhabta ah iyo go’aanka ay qaateen shacbi-weynahayagu. Sidaa darteed,
wax aa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka
Shacbiga Somaliland.
Dhinaca kale, ummadda Somaliland waxaa matala oo kaliya, kana
mas'uul ah Madaxweyne iyo Gole Baarlamaan oo aan cidi shacabkaya u
doorin balse ay iyagu si xor iyo xalaal ah u doorteen. Dalka iyo
dadka Somaliland ma meteli karaan shaqsiyaad danaystayaal ah oo
hudheellada iyo xaafadaha Muqdisho laga soo ururiyey. Waa gef, maan-gad
iyo meel ka dhac qaawan in magaca Qarankayaga loo cumaamado cid aan
haysan kalsoonida iyo codka shacbi weynaha oo aanay iyagu hawl u
diran.
Somaliland waa dal muddo dheer ku naaloonayey nabadgelyo,
degenaansho iyo dimuqraadi yad taam ah oo ku abtirsata nidaamka soo
jireenka ah ee ummaddayadu ay dhaqanka u le eyihiin kaasoo ah
wada-tashi, is qancin, isu-tunaasul iyo talo-wadaag. Shacabka iyo
Dawla dda Somaliland cidina uma yeedhiso sida ay doonayaan iyo waxa
ay yeelayaan. Anaga aya a leh go’aaminta halka ay ku jiraan danaha
iyo maslaxadaha ummaddayadu.
Sidaa darteed, Dawladda iyo Shacabka Somaliland waxay si cad ugu
sheegayaan Xukuuma dda Xasan Shiikh in aanay soo fara gelin arrimaha
Doorashooyinkayaga. Somaliland idiinka ma baahna taageero, talo iyo
tusaale midnaba: “Tiisaba Daryeelaa, tu kalena ku dara!!”
Colaado sokeeye, Cadaalad daro iyo Caqli gurracani waa arrimaha
Soomaali kala irdheeyey ee dhex dhigay aafada, aramida iyo utunta.
Sidaa darteed, Jamhuuriyadda Somaliland wax ay u aragtaa in danta iyo
maslaxadda Ummadda ku hadasha Afka-Soomaaliga ee ku dhaq an Geeska
Africa ay ku jirto xasarad la’aan, is xaq dhowr iyo in lagu wada
noolaado nabad, niyad sami iyo deris wanaag. Hore ayaa loo yidhi
“Belo daaman la qabto ayey leedahay ee dabo la qabto maleh’’.
Dawladda Somaliland waxay ka digaysaa in dib loo huriyo colaado uu
dhiig ku daato iyo dadka dhibaato la dhex-dhigo.
Guntii iyo geba-gabadii, Jam. Somaliland waxay ugu baaqaysaa
Xukuumadda Muqdisho inay xil iska saaraan xal u helida
dhibaatooyinka muddada rubuc qarniga ka badan hadheeyey dhulkooda.
Dawladda Somaliland marnaba u dulqaadan mayso farogelinta aad ku
haysaan ciidayada iyo jiritaanka Qarankayaga. Xaqa aayo-ka tashiga
dadkayaga iyo Xurmada Mad ax bannaanida dalkayaga cidina kuma xad
gudbi karto. Xuquuqda aasaasiga ah iyo Xuduu daha Jamhuuriyada
Somaliland waa lama taabtaan, ummaddayaduna waxay mar kale diy aar u
yihiin in ay nafta u huraan difaaca dhulkooda hooyo.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|