Xukuumada Oo Soo Afjartay Shaqaaqadii Yagoori Iyo Wasiiro Socdaal Ku Tagay Laascaanood

 



Laascaanood (TNN)- Waxa Magaalada Laascaanod soo gaadhay shalay oo Jimce ahayd labada wasiir ee kala ah Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga JSL Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Wasiir ka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Md. C/risaaq Khaliif Axmed.

Wasiiradan oo ay Laascaanood ku soo dhaweeyeen Badhasaabka gobolka Sool Maxamed Max amuud Cali (Jeeni Yare), Taliyaha Qaybta booliska gobolka Sool Yuusuf Iidaan iyo Duqa Degm ada Laascaanood Keyse Maxamuud Xaaji Xuseen.

Ujeedada socdaalka ee labada Wasiir ayaa la sheegayey inay u socdeen arimo la xidhiidha dil alkii dhawaan ka kala dhacay magaalada yagoori iyo tuulada Guumays oo ka tirsan degmada Yagoori ee gobolka Sool oo lagu kala dilay askari ka tirsan Saldhigga 7 aad ee ciidanka qaran ka iyo nin ganacsade ahaa oo baabuur ugu kala shaqayn jiray Burco iyo Laascaanood.

Labada wasiir ayaa la sheegay in loo soo kala xil saaray xal u helida arrimaha labadaa marxuu m ee la dilay-iyadoo wasiirka wasaarada gaashaandhigga Axmed Cali Cadami uu isagu askarigaa ka tirsanaa ciidanka qaran oo askari kale dilay ay magtii oo dawladu bixisay uu u keenay xaqlihii magtaas lahaa oo marxuumka aabihii ahaa oo la yidhaahdo Ex-Corn C/laahi X. Jaamac Cabdi Calas.

Magtan ayaa xukuumada Somaliland bixisay kadib markii marxuumkaas aabihii iyo jifidii arintiis u ka go’aysay laga helay ogolaansho, sida uu wargeyska Dawan u xaqiijiyay Oday Cabdillaahi oo ah aabihii dhalay Marxuuka Dhintay. isla markaana ay cadeeyeen inaan Loo aanayn karin wiilkooda dilkii ka dhacay tuulada guumays ee lagu dilay darawal aan waxba galabsan, isla mar kaana ay sheegeen in qoyskiisu aanay wax lug ah ku lahayn dilka guumays, Wasiirka gaashaa ndhigga ayaa Laascaanood ku sugnaa uu magtii ku wareejinayey Marxuum C/samed C/laahi aabihii dhalay iyo jifidoodii.

Dhinaca kale, Wasiirka ganacsiga C/risaaq Khaliif Axmed ayaa isna la sheegay inuu u socday arinta ninkii ganacsdaha ahaa ee isagoo baabuur ku sii wata Burco lagu dilay tuulada Guumays, iyadoo la sheegay in gacan ku dhiigleyaashii dilkaa geystay aan la qaban oo ay baxsadeen .

source:somaliland.org