WAR-SAXAFADEED
Xukumadu waa in ay xal u heshaa arinta Haatuf iyo Hubaal
Nin wasiir ah ayaa laga soo sheegay in dulmiga ay xukumadani ka
gashay Haatuf iyo Hubaal uu dulmiga ay xukumadani ku hayso saxaafada
guud ahaan ka dib dulmigii aan xadka lahayn ee cadaanka ahaa ee
doorashooyinkii ugu dambeeyay, xukumadani iya da ayaa isu qoday oo
isku riday bohol daran oo liidata. In badan ayaynu u soo taagna yn
dawlad Afrikaan ah oo dariiqa toosan in tay ka leexato qardajeex
dhiidhi iyo dhoo bo ay ku dhex bakhtido.
Dhawr arimood ayaa jira oo aduunku maanta fiira gaara u leeyahay.
Waxa ka mida ari maha saxaafada,arimaha haweenka,arimaha dadka laga
tirade badan yahay iyo arimo dhaqan. Kuwa dambe aduunka waa lagala
doodi karaa qaababkooda iyo qorshahooda. Laakiin arimaha saxaafada
aduunka waxa uga yaal nidaam mudo dheer la soo tijaabiy ay oo cid
kasta faa’iidoo u ah.
Sababta oo ah xoriyada saxaafadu waxa ay ka kaw tahay xoriyatul
qawlka oo iyaduna kaw ka ah xoriyada iyo xurmada aasaasiga ah ee
bilaw aadmiga oo dhan. Laba arimoo d oo aasaasi ah ayaa seegay
xukumaduna, markii ay xidhay wargeesyadii Haatuf iyo H ubaal.
Kaw, waxa seegtay inay xukumadu baadhitaan madaxbanaan oo shicibku
ku kalsoona an karo ku sameyso eedeymihii ay wargeesyadu u soo
jeediyeen. Baadhitaankaasi ha dii uu u markhaati furo wargeesyada,
wargeesyadu abaalgud ayay leeyihiin. Hadii se baadhitaankaas
madaxabanaani uu cadeeyo inaanay wargeesyadu qorin eedeymo sa x ah, ama aanay ku qaldamin arinta ayaga oo ka daacad ah . waxay ahayd in
markaas arintooda loo maro xeerka, saxaafada ooy ku muteysan karaan
ganaax mudaysan.
Imika iyo haatan, xukumada waxa waajib ku ah inaanay qaladkeeda ku
adkaysan ee a y sida ugu dhakhsaha badan u soo deyso madaxa Haatuf ee
dulmiga ku xidhan iyo ina y xayiraada ka qaado labada wargees ee
Haatuf iyo Hubaal.
Gudoomiyaha Ururka Xaqsoor
Xasan Ciise Jaamac
|