Xubno ka tirsan Haweenka aqoonyahanka JSL, ayaa xalay shahaado sh araf ka turjumaysa dadaalada wax-ku-oolka ah ee ay ka gaysatay ho r umarinta qaybaha kala duwan ee dalkeeda JSL gudoonsiiyey Marwo Edna Aaden Ismaaciil

 


Hargeysa (TNN)-Gudoonsiinta shahaado sharaftaas oo loo sameeyey xaflad si weyn loo soo agaasimay, ayaa  w axa lagu soo bandhigay waxqabadka iyo guud ahaan taariikh nololeedka Marwo Edna Aaden oo laga soo  bilaab ay ilaa wakhtigii ay bilowday shaqada la xidhiidha caafimaadka oo ku sinayd 1953-kii ilaa maanta oo ay wali ku dhex jirto taakulaynta shacabka ee dhinaca caafimaadka, ayaa waxa ka soo qayb galay dad door ah oo iskugu jira siyaasiyiin, aqoonyahan, dhakhaatiir iyo dhalinyaro doonaya in ay Marwo Edna Aden ay u noqoto tusaale ay ku daydaan.

Xafladan oo daba socotay bilad sharaf dhawaan Madaxwaynaha dalka Faransiisku ku maamusay Marwo Edna oo lagu guddoonsiiyay Magaalada Hargyeysa, ka dib markii ay diiday in meel kale lagu siiyo iyadda oo dhowraysa qiimaha dalkeeda Somaliland leedahay, ayaa waxa lagu guddoonsiiyay shahaado sharaf iyo abaal marin kale.

Xaflada oo ka hadleen shakhsiyaad faro badan ayaa waxa ugu horeyn halkaas ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu hadalkiisa ku bilaabay  "Taarik hda Edna haddii la wado lagama baxayo, Edna waa qof aad iyo aad u magac wayn hawlaha badan oo dhinaca bulshada ah oo ay ka mid tahay ta caafimaadka, ta siyaasada, ta xagga bani aadaminimada haddii ay tahay dhinac walba door aad iyo aad u wayn ayay ka soo qaadatay."

Md Siilaanyo waxa uu tilmaamay inuu si gaar ah abaal ugu hayo marwo Edna, waxaanu yidhi "Dad badan ayaa ka sheekeeyay abaalka ay u hayaan marwo Edna ee ah wixii ay tartay, hadaba marka laga yimaado waxa ay  qaran ka tartay haddii ay tahay iyo magacaa wayn ee ay u soo hoysay umadda, taas ay hawsha u hayso, haddii ay tababarada kalkaalisonimada tahay, haddii ay cisbitaalka tahay, haddii ay wax qabadka badan tahay, haddii ay siyaasada dhinac walba ah ahayd, aniga Edna abaal badan ayay igu leedahay, shan carruur ah ayaan leeyahay afar iyadda ayaa ka dhalisay." Ayuu yidhi Guddomiyaha KULMIYE isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray "Markii iigu horeysay ee aan England tagay aniga oo geesa leh oo taygii Hargeysa la iiga sii xidhay, iyadda iyo Aaden dhakhtar ILAAHAY ha u naxariistii ayaan ugu tagay, tukaankii iigu horeeyay iyo ilbaxnimadii iigu  hore ysay Aaden dhakhtar ayaa I geeyay Edna-na dadkii na tababaray ayay ahayd ee na ilbixiyay ee indhaha noo furay ayay ahayd, shaqooyin badan iyo hawlo badana waanu iskugu nimid oo saaxiibtinimo ah, markaa aniga iyo reerkaygu waxaan u haynaa abaal la mid ah ka dadku u hayaan."

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "Runtii marwo Aaden shakhsiyaadka Somaliland ku faanayso ama Soomaliduba ku  fa anayso." Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Waxaan qirayaa inay marwo Edna Aden munaasibad tan ka wayn ayay inaga gaydaa, milgo intan ka badan ayay inagu leedahay, laakiin waxaan rajaynaa inaynu wakhtiga ku haboon siin doono, si aynu u siino milgaha iyo sharaftaa." Ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan, isaga oo hadalkiisii ku soo ururiyay mahadnaq uu u jeediyay haweenka soo diyaariyay munaasibada ee shahaadadana ugu tallo-galay.

Munaasibada waxa kale oo ka hadlay Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ka mid ah culimada waawayn ee reer  Somal iland, waxaanu wax ka tilmaamay aqoonta uu u leeyahay marwo Edna Aaden iyo waxqabadka shakhsiga ee ay ka wado dalka Somaliland.

Sheekh Xasan Cabdisalaan, waxa uu sheegay in Edna ay ahayd shakhsigii ugu horeeyay u dhiiba buug iyo qalin, isla-markaana uu abaal wayn u hayo.

Madaxa xafiiska xidhiidhka dadwaynaha ee shirkada Telesom Mr Cali Maxamed Cajab oo ku hadlayay magaca  ga nacsatada ayaa isna tilmaamo ka bixiyay Marwada isaga oo si gaar ah carabka ugu adkeeyay abaal ay u gashay isagu gabadh uu dhalay oo ilaa hadda ku jirta iskuulka barashada kalkaalisonimada ee Edna, taasina ay tahay wax wayn oo qofku ku farxo.

Aamina Cabdilaahi Maxaned, oo ka mid ah haweenka aqoonta u saaxiibka ah oo Munaasibada ka hadashay ayaa si gaar ah wax uga tilmaantay taariikh nololeedka Marwo Edna Aaden Ismaaciil laga soo bilaabo 1953-kii ilaa san adkan aynu ku jirno ee 2010-ka, iyadda oo midh midh u xustay wax qabadkeedii dhinacyadda diblumaasiyadda, caafimaadka iyo bani-aadaminada.

Waxa kale oo uu munaasibadaas ka hadlay Dr. Robert oo ah dhakhtar ka shaqeeya cisbitaalka Guud ee  Harge ysa.

Ugu dambayntii waxa hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya madashaas ka jeedisay Marwo Edna Aaden Ismaaciil, waxayna ku dheeraatay muhiimada waxqabadka qofku u leeyahay aadamaha kale "Aabahay Aaden Ismaaciil aniga waxa uu ii ahaa moodeel aan hiigsado, aniguna waxaan jeclaa caafimaadka oo waxaan iman jiray cisbitaalka aabo joogo, dabadeedna hawlaha yar yar ayuu ii diri jiray." Ayay tidhi marwo Edna Aaden, waxayna intaa ku dartay "Waxaan mar walba is odhan jiray tolow ma mar ayuun baad sida aabahaa dadka ugu shaqeeyo adna aad maalin ugu shaqayn doontaan." Ayay tidhi, waxayna ku dheeraatay sida ay u jeceshahay inay wax u qabato dalka Somaliland, waxayana dhammaan dadkii munaasibada ka soo qayb galay ku boorisay inay ku  dada alaan sidii ay dalkoodo hooyo wax ugu qaban lahaayeen, iyadda oo hoosta ka xariiqday in dalka Somaliland laga helo waxyaabaha aan laga helin dalalka dibada.
 


Source; SL Media