Xubno ka mid ah Goloha Guurtidda Somaliland oo caawa u anbabaxay magaaladda Cee rigaabo si ay u dhex dhe xaadiyaan labaddii Beelood ee dhowaan ku dirray magaaladaas

 



Xildhibaanadan oo Caawa Fiidkii ka Baqoolay Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa ka kooban 12 Xildhibaan



Hargeysa (TNN)- Xubno ka Mid ah Goloha Guurtidda Somaliland ayaa,  Caawa u anbabaxay Mag aaladda Ceerigaabo, kuwaas oo ka qayb qaadan doona nabadeynta labada Beelood oo ku diri ray dhowaan gudaha Magaaladda Ceerigaabo.

Xildhibaanadan oo caawa fiidkii ka baqoolay Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa ka kooban 12 Xildhibaan, waxana ay Xildhibaanadani sheegeen in ay ka qayb qaadan doo naan nabadeynta labadda Beelood ee Walaalaha ah.

Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, oo ka mid ah Xildhibaanadda caawa u anba baxay Magaaladda Ceerigaabo, ayaa sheegay in ay halkaasi u tagayaan ergo nabadeed.

Magaaladda Ceerigaabo ayaa waxa horre u joogay madax dhaqmeedyo ka kala tagey qaar ka mid ah Gobladda Dalka, iyo wafti ka socota Xukuumadda Somaliland ,kuwaas oo dhamaantood u Jooga siddii ay u hashiisiin lahaayeen Beelaha Walaalaha ah ee dhowaan dirirtu ku dhex martay Magaaladda Ceergaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Dhanka kale ,qaar ka mid ah madax dhaqameedyadda Gobolka Togdheer, oo ku Sugan Magaalad da Ceerigaabo ,ayaa maanta Khudbad dheer u jeediyay ardeydda wax ka barta Dugsiga Sarre ee Xaaji Adan Afqalooc, madax dhaqameedkan ayaa ardeydda ku waaniyay isla markaana uga war bixiyay faa’iidada ay leedahay nabaddu.

Madax dhaqameedyadda Gobolka Togdheer ,waxa ay ardeydda Dugsiga Sarre ee Xaaji Aadan u soo Jeediyeen in ay ka shaqeeyaan nabadeynta madaama ay yihiin aqoon yahanaddii Barri maa muli lahaa Dalka, waxana ay masuuliyiintani ku Nuux nuuxsaday waxtarka ay lee dahay nabaddu.

 

 


Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office