Xubno Guurtida oo Ganafka ku dhuftay Gudi hoosaadyadii Golaha

 

Afartan xubnood oo ka mid Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa dadafeeyay waxba kama jiraan ku sheegay Guddi-
hoosaadyo uu dhawaan Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal). Isla markaana waxa ay Xildhibaanadaasi ku doodeen in Xeer-hoosaadka iyo Shuruucda Golaha baalmarsan tahay qaabka uu Guddoomiyuhu u magacaabay Guddigaas.


Xildhibaanadan Guuritda ka tirsan oo sida TV-ga afka dawladda ku hadlaa caawa baahiyay tiradadooda 40 lagu sheegay, ayaa sida TV-gaasi baahiyay muuqaal tirayar oo xildhibaano ah laga arkayay, hase ahaatee, waxa ay sheegeen in ay 40 Mudane ku diidan yihiin qaabkii uu Guddoomiyaha Golahaas Md. Saleebaan dhawaan u magacaabay Guddoomiyayaasha Guddi-hoosaadyada Guurtida, xili Goluhu fasax ku jiro.


Sidoo kale, waxa ay Xildhibaanadaasi ku doodeen, in Guddiga joogtada ah iyo gudihoosaadyada Golaha uu wax ka bedal ku sameeyay, kuwaasoo ay sheegeen in uu Gudoomiyuhu kaligii magacaabay, isla mrkaana aan Golaha laga ansixin. Sidaa daraadeedna, aanay aqoonsanayn wax ka bedalka uu Guddoomiyuhu Guddiyadaas ku sameeyay, isla markaana aanay qawl iyo ficli toona ku matali karin Golaha xubnaha uu Magacaabay. Waxaanay Guddoomiye Saleebaan u soo jeediyeen in uu u hogaansamo Shuruucda iyo Xeer-hoosaadyada Golaha Guurtida u yaala.


Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), oo dhiniciisa Warbaahintu wax ka waydiisay, doodda Xildhibaanada 40-ka gaadhaya ee gaashaanka ku dhuftay qaabkii uu dhawaan u magacaabay qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Guddi-hoosaadyada Golahaas, sida Guddoomiyihii Guddiga joogtada ah, Guddoomiyihii Guddiga arrimaha bulshada iyo kuwo kale.


Hase ahaatee, Guddoomiye Saleebaan oo ka jawaabayay su’aasha arrintaa laga waydiiyay iyo shuruuc ahaan kooda saxan, waxa uu yidhi, "Xildhibaanada aad sheegaysaan 42 inay yihiin iyo inkale waa la hubsan doonaa, Guddi hoosaadyada xeer ayaa lagu magacaabaa, Anaga ayaa magacawna, anaa matala Golaha, hadday sidaa yidhaahdeena waxba kama jiraan hadalkooda." Ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.


Si kastaba ha ahaatee, Golaha Guurtida ayaa dhawaanahan u muuqda kuwo mawqif ahaan kala qaybsan, isla markaana ficiltan iyo olole dhinaca Axsaabta siyaasadda ah ku kala milmay, halkii ay hore u ahaan ama ugu muuqdeen kuwo dhinac kaliya ka raran. Iyada oo Guddoomiyaha wakhtigan loo arko mid aan ka turjumayn danta dhinicii hore uu Goluhu ugu badnaa ee Xukuumadda iyo Xisbigeeda, hase ahaatee, dhex-dhexaad u ah dhinacyada siyaasadda.
 

 

 


TogdheerNews