XUBNO DHALINYARO QURBO JOOG AHAA OO KU SOO BADANAYA GOLAHA WASIIRADA EE SOMALILAND

 


Aniga oo ku Hadlaya Magaca Qurbajooga ee Xisbiga Talada Haya ee UDUB waxaan Halkan Hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa Golaha Xukuumada ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayale Kahin, dhiirigalinta dhalinyarada qurbaha iyo kafaaiidaysiga aqoontooda oo kusoo badana golaha wasiirada ee Somaliland.

Waxa uu todobaadkan magacaabay Madaxweynaha Somaliland Mudane Dahir Rayale Kahin, Wasiir Dawlaha Hawlaha Guud Mudane Xirsi Aw Cabdi Sheekh oo ahaa Afhayeenkii Xisbiga UDUB UK, iyo Aqoonyahan Ahmed Aden Ismail (Keysa)oo insa aqoontaha Siyaasada (Political Science) kusoo bartey wadanka UK.

Waxa sidoo kale masuuliyiintan dhalinyarada ah kasii horeeyay dhaliyaro door ah oo iyaguna wax kusoo bartey wadamada qurbaha oo haatan katirsan golaha wasiirda, oo inta aan kaxasuuto ay kamid yihiin:

Wasiirka Beraha Aden Ahmed Elmi(Dholayare)-Norway.
W/Dawlaha Hawlaha Guud Xirsi Aw Cabdi Sheek - UK
Wasiirka Dibudajinta Maxamed Yusuf Cisman - Uk
Wasirka Warshedaha Maxamed Saleban Weyne - UK
W/xigeenka Qorsheynta Ahmed Xaashi Cabdi - UK
w/Xigeenka Arimaha Dibada Ahmed Aden Ismail (Keynse) - UK
W/xigeenka Wasarada Ganacsiga Cabdixalim Maxamed Muuse

Sidoo kale, waxa iyaguna jira xubno door ah oo katiran Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dalka, Badhasaabada Gobolada, Shaqaalaha Wasaaradaha Dalka, Masuuliyiinta sarsare ee xisbiga UDUB oo dhamaantood kasoo laabtey wadamada qurbaha oo ay wax kusoo barteen.

Korodhka tirada xubnaha wasiirada ee isasoo tarayaa waxay dhiirigalin weyn siisay dhalinyaro badan oo qurbaha wax kusoo bartey inay kulaabtaan dalkoodii hooyo si ay uga faaideeyaan aqoontii ay soo barteen. Iyada oo tiro kabadan shan kun(5,000) oo dhalinyaro reer Somaliland ah, kuwaasi oo isugu jira kuwo iskood utagay iyo qaar ay dawladu dirteyba hada wax kubartaan wadamada Qurbaha.

Talaabadani waxay meesha kasaaraysaa siyaasadii Somaliland ee u afduubnayd siyaasiyiintii lixdankii oo aqoontooda, aragtidooda, iyo siyaasadooduba ku salaysnayd qaabkii ay wax u xukumi jireen wadamadii qugaysiga reer Galbeedku,taasi oo haatan laga tagay, waxayna dhiirigalinaysaa dhalinyadarada cusub ee soo bartay aqoontii ugu dambaysay ee aduunka, taasi oo horumar weyn unoqon doonta mustaqbalka dhaw Jamhuuriyada Somaliland.

Ugu dambayntii, Waxaan u hambalyaynayaa masuuliyiinta xilalka loo magacaabay, gaar ahaana labada masuul ee ugu dambeeyay Saaxiibkey Aqoonyahan, Aftahan, Abwaan, Xirsi Aw Cabdi Sheekh, Afhayeenkii Hore ee UDUB UK, iyo Ahmed Aden Ismail (Keyse)oo isna aqoonta Siyaasada (Political Science) shahaadada ugu saraysa kusoo diyaariyay wadanka UK.

Allaa Mahad leh
 

 


Ahmed Ismail Abdi (Xaaji)
UDUB Southeast Asia
Kuala lumpur, Malaysia