Xubin
ka Tirsan Komishanka Doorash ooyinka oo Qiray Jiritaanka Fadeexaha
Musuqmaasuq ee Hadheeyey
Guddigooda

“Khaladaadka
dhacay ma aha mid Komishinku wada leeyahay ee xubno gaar ah ayaa
khaladka sameeyay. Sidaa awgeed, waxaan odhan lahaa si loo ogaado
shakhsiyaadka khaladaadka sameeyey guddi ha loo saaro”
Mr. Axmed Bidaar
Mr. Md. Axmed Maxamed (Bidaar) oo ka tirsan xubnah a Komishanka
Doorashooyinka Somaliland, ayaa ku baaqay in guddi baadhiseed oo
madaxbannaan loo saaro fadeexadaha maamul iyo musuqmaasuq ee
hadheeyey Komishanka.
Sidaana waxa Mr. Bidaar kaga dhawaaqay shir-jaraa’id oo uu shalay ku
qabtay magaalada Hargeysa, isagoo ku baaqay in guddi madaxbannaan oo
ka kooban axsaabta qaranka loo saaro baadhista khaladaadka iyo fool-xumooyinka
ka soo ifbaxay Komishanka Doorashooyinka.
Md. Axmed Maxamed Bidaar oo ah xubinta xisbiga UCID soo xulay, waxa
kale oo uu soo dhaweeyey dukumenti xambaarsanaa warbixin daaha ka
fayday fadeexado musuqmaasuq iyo maamul-xumo maamul hadheeyey
Komishinka Doorashooyinka oo saxaafaddu baahisay, isagoo dhinaca
kalena ganafka ku dhuftay aragtiyaha sheegaya in la kordhiyo tirada
xubnaha Komishinka.
"Waraqaddan jaraa’idka lagu soo qoray waxay ka abuurantay mashaakil
Komishinka Doorashooyinka ka dhex taagnaa wakhtigii aan u xilsaarnaa
in Komishinku soo ururiyo xogaha la doonayo in laga wadahadlo
khaladaadkii xubnaha guddiga dhexdiisa ku jiray. Waxa dhacday markii
aan soo dhammaynay khaladaadkii ee la soo hordhigay Komishinka
khaladkii oo dhan in wax garowshiiyo ah qodobaddii ku qornaa
warqadda la siin waayey oo ay u muuqatay qof-jeclaysi amma siday
doonto ha noqotee wax lagu socon karo oo doorasho lagu geli karo may
ahayn, waayo inaad u aamini wayday miisaaniyaddii amma wax ka mid ah
shaqadii Komishinka."
"Anigoo filaya in dadweynuhu saxaafadda ka wada akhrisateen
warqaddaasi jaraai’idka lagu qoray qodobaddaasi waxay ahaayeen kuwo
wada run ah, waxaanay qodobaddaasi sheegayeen wixii taagnaa markaas,
markii la garowsan waayey ee ay garawshiiyo weyday warbixintaasi
ilaa maanta ayey warbixintani iskeed u soo baxday, qofkii
joornaallada ku qorayna sax buu ahaa, waayo haddii Komishinku sixi
waayey khaladaadkiisii, markaa dadweynihii igmaday markii horeba
ayaa waajib ah inay saxaan," ayuu ku daray Axmed Maxamed.
Waxa kale oo uu sheegay in khaladaadkaasi yahay mid aanay wada
lahayn xubnaha guddigooda oo dhan, balse ku kooban yahay xubno gaar
ah. "Haddaba, khaladaadka dhacay ma aha mid Komishinku wada leeyahay
ee xubno gaar ah ayaa khaladka sameeyay. Sidaa awgeed, waxaan odhan
lahaa si loo ogaado shakhsiyaadka khaladaadka sameeyey guddi ha loo
saaro, guddidaas oo ka kooban saddexda xisbi amma Golaha Wakiilada
Somaliland. Markaa waa in dadkii khaladka sameeyay baadhitaan lagu
sameeyaa, sharciga iyo xeerka doorashooyinku dhigayana la mariyo,
haddii ay tahay xubinimo lagu waayayo, hadduu musuqmaasuq noqdana
waa in maxkamad loo horgeeyo, markaa si aan khaladka dadka loo wada
saarin waa in xaqiiqo-raadin loo sameeyo si ciddii ku lug leh
waajibkeeda loo mariyo,” ayuu yidhi Axmed Maxamed.
Mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd in guddida uu ku baaqayaa ay tahay
mid ujeeddadeedu tahay in lagu soo saaro khaladaad iyo fadeexado
musuqmaasuq oo warbaahintu maalmihii la soo dhaafay ka faafinayeen
Komishanka, waxa uu ku jawaabay; "Haa, iyadoo weliba ay jiraan
waxyaabo kale oo marka guddidu baadho soo bixi kara."
Ugu dambayn, mar la weydiiyey sida uu u arko qorshe dhawaan axsaabta
qaranka iyo Komishanku iskula qaateen in la kordhiyo tirada xubnaha
Guddiga Doorashooyinka, ayaa gebi ahaanba ganafka ku dhuftay
hindisahaas, "Soo kordhinta xubno cusub anigu xal uma arko. Tusaale
ahaan; haddii sallad ay ku jirto khudrad khaa’is ah oo lagu rido
laba amma saddex midh oo cusub way isla wada xumaanayaan," ayuu
yidhi Mr. Bidaar.
Jamhuuriya Online
|