Xubin ka
tirsan Guddiga doorashooyinka oo ka jawaabay
qoraalkii Midowga Yurub

Komishanka ahaan kama warqabno
dhaqaalaha Deeqbixiyeyaashu ku taageereen Somaliland, Interpeace-na…”
Axmed Maxamed Xaaji Bidaar……..Waraysi
gaar ah
Axmed Maxamed Xaaji Bidaar oo xubin ka ah Guddiga sare ee Komishanka
doorashooyinka qaranka, ayaa sheegay in aanu jirin xisaab-xidh
Komishan ahaan dhinacooda ku baaqday oo ay Midowga Yurub sabab uga
dhici karaan xanibaada dhaqaalaha ay ugu talogaleen doorashada
Madaxtooyada.
Axmed Xaaji Bidaar oo uu xalay waraysi gaar ah khadka Telefoonka
kula yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu caddeeyay in aanay Komishan
ahaan ka warqabin xaddiga uu dhan yahay dhaqaalaha Deeqbixiyeyaashu
ku taageereen geedi-socodka Dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka
Somaliland, ka dib markii ay hay’adda Interpeace oo dhaqaalahaasi
soo maraa ka gaabsaday inay Komishanka la socodsiiso. Waraysigaas oo
dhinacyo badan taabanaya, wuxuu u dhacay sidan;
S: Bal mar hore faahfaahin naga sii jadwalkan cusub ee aad soo
saareen ee la xidhiidha hawlaha iyo waqtiga cusub ee doorashada
Madaxtooyada?
J: Sidii aanu markii horeba u sheegnay, waa waqti aanu u baahanahay
agabka doorashada lagu geli lahaa oo dhami inuu yimaado, shaqaalaha
la qoro, la tabobaro oo doorashaduna si nadiif ah oo aan dhibi ku
jirin ugu dhacdo.
S: Midowga Yurub ee maalgeliya doorashooyinka iyo geedi-socodka
Dimoqraadiyadda Somaliland, waxay Komishan ahaan idiin soo direen
qoraal ay ku sheegeen in aydaan u gudbin xisaab-celintii lacagtii
Diiwaangelinta, taasoo ay ku xidheen soo-daynta dhaqaalaha
doorashada Madaxtooyada. Markaa maxaa sababay in aad xisaab-xidhka u
gudbin waydaan?
J: Runtii, saaka (shalay) baan jaraa’idka ku arkayay, muddo ka horna
sidaas oo kale joornaalada way ku qoreen. Markaa siday iyagu u
dhigeen waxay ahayd in aanu annagu lacag lunsanay, laakiin wax aanu
annagu Komishan ahaan lunsanay may jirin. Balse, waxay ahayd uun
intii aanu ku jirnay Diiwaangelinta oo dadka oo dhami wada mashquul
ahaa, xilligii ay ahayd in aanu xisaab-celintii u gudbino oo keliya
bay ahayd, laakiin markiiba waanu dhamaynay oo wax arrintaas nagaga
xidhani ma jiro. Waxyaabaha ay kaga hadlayeen tan Richard Hands (masuulka
qoraalka Midowga Yurub ku saxeexnaa) waxay ahayd 25%-kii Somaliland
ku daraysay, taasna way naga soo dalbadeen….Markii Deeqbixiyeyaashu
inoo yimaadeen 17 February 2009, ka hor ayaanu warqad u qornay
Hanti-dhowrka Guud ee dawladda, dabadeedna way yimaadeen oo way
sameeyeen, iyadoo weliba Hanti-dhowrka Dawladda iyo Hanti-dhowr kale
oo gaar ahaa oo noo shaqaynayay ay labadooduba ka shaqeeyeen
xisaab-xidhkii, wax cilad ah oo ka soo baxayna muu jirin, iyagana
waanu u gudbinay isla maalmihiiba. Markaa waxay ahayd in iyaga
xafiiskooda gudahooda iyo qoladan Interpeace ee ay wada-shaqeeyaan
is wargeliyaan.
S: Markaa Interpeace baan xisaab-xidhkaa aad Komishan ahaan
samayseen u gudbin miyaa qoladan Deeqbixiyeyaasha ah ee reer Yurub?
J: Waa sida aanu u malaynayno. Markaa waanu u gudbinay annagu,
maantana waxaanu u dirnay mid kale oo isla warbixintaa hore ee
xisaab-xidhka ah. Waa wax gudahooda ah’e, wax annaga na khuseeya
maaha. Anigu waxaaban u haystaan Richard Hands-kan ay sheegayaan
inuu Madax u yahay Interpeace, marka la eego sida uu u difaaco.
Waayo; kharashkii Diiwaangelinta ee la inagu caawiyay ee dhowr iyo
tobanka Milyan ee doolar ahaa, ilaa imika lacagtaasi waxay ku baxday
iyo si ay u baxday wax ay naga ogaysiiyeen ma jirto, iyagaana
gacanta ku hayay oo bixinayay. Annaga oo isaga (Richard Hands) shir
kula jirna, Anigu waxaan ku idhi waar bal noo sheeg dawladdaha
Deeqbixiyeyaasha ah ee na caawiyay, ilayn waa la kala ogaadaa cida
wax ku tartay marka aad baahan tahay iyo cida kale’e. Waa sax buu
igu yidhi, laakiin nooma sheegin oo wuu iska baxay. Markaa xataa wax
alla wax ay naga ogaysiiyeen lacagtaas qoladan Interpeace ma jirto,
mana jirto wax ay na yidhaahdeen intaas baa Somaliland lagu
caawiyay, noomay sheegin ilayn waa caawimo la siiyay Somaliland,
iyaguna waa cidii ay soo maraysaye. Kharashkaa annagu meel ay
xisaab-xidh ku sameeyeen, cid ay u sameeyeen iyo wargelin ay naga
siiyeen midna ma jirto, tan ay ka hadlayaana waa 25%-kii ay ahayd in
Somaliland ku darto.
S: Markaa taas macnaheedu sow maaha in aanay cadayn xaddi ahaan inta
ay dhan tahay caawimada Somaliland la siiyay?
J: Annaga Komishan ahaan nooma cadda….Waxa Somaliland bixisay waa
25%, markaa inta ay 25%-kaa ka hadlayaan, tan dhowr iyo tobanka
Milyan ah may ka hadlaan oo ay naga qanciyaan oo ay yidhaahdaan waa
mucaawimo lagu caawiyay Somaliland.?
S: Axmedow, waxa jira in aanu weli hawlgelin Server-ka ama Mishiinka
kala hufaya Diiwaangelinta. Markaa ilaa hadda maxaa hortaagan in la
hawlgeliyo Server-ka?
J: Runtii taasi way jirtaa…Server-ku wuu shaqaynayay, laakiin sidii
la doonayay umuu shaqaynayn. Laakiin, inkastoo aanan eegin oo aanan
hubsan, haddana maanta (shalay) markii aan waydiiyay inanka ka
shaqaynayay, wuxuu iyagu yidhi waxa lagu daray oo la kordhiyay intii
ay markii hore awoodiisu ahayd. Markaa wuxuu iigu sheegay rajo
wanaagsan oo ah in intii xawaarihiisa sidii qorshuhu ahaa uu
gaadhayo oo ah daqiiqadii afar boqol oo kun, waxaanu igu yidhi hadda
wuu gaadhay waanu ka kordhi karaa.
S: Markaa goormaa laga yaabaa inuu hawshiisa bilaabo?
J: Horta, ilaa beri (maanta) waanu hubin doonaa inay sidaasi dhab
tahay. Markaa hadday sidaasi dhab noqoto, waxa keliya ee noo hadhay
waxa weeye in aanu xisbiyada u sheegno si ay u soo dirtaan
goob-joogeyaashii hawsha ula soconayay siday wax u socdaan iyo in
aanu samayno xafladii furitaanka ama bilawga hawsha Server-ka oo
aanu ku soo casuuno saddexda xisbi, goleyaasha iyo wax-garadkaba.
S: Dhaqaalaha Boqolkiiba shan iyo labaatan (25%)-ka ah ee dawladda
Somaliland ku daraysay arrimahan doorashooyinka iyo Diiwaangelinta,
ilaa hadda Komishan ahaan ma idin soo wada gaadhay?
J: Inta dawladdu ku dartay 2.5 Milyan iyo badh (Doollar) buu ahaa
sidaan filayo. Markaa 1.5 wuu na soo gaadhay, Halka Milyan ee kalena
waxa ku balanqaaday Deeqbixiyeyaasha oo yidhi annagaa ku darayna,
taasoo ay balanqaadeen xilligii hore ee muranku u dhexeeyay
axsaabta….Markaa Deeqbixiyeyaasha ayaa taasna balanqaaday inay
bixinayaan.
S: Axsaabta iyo dhinacyo kaleba waxay sheegaan in aanay wanaagsanayn
wada-shaqaynta dhexdiina mar la eego todobadiina xubnood ee Guddiga
Doorashooyinka. Markaa waqti xaadirkan waa sidee wada-shaqayntiinu
Guddi ahaan?
J: Horta, waxay dadku yidhaahdaan had iyo goor sida aanu anigu u
arko badidoodu run maaha. Waxa weeye; Bani-aadamku wuu is qaban
karaa oo laba shaqsi way is qaban karaan. Laakiin, xilkayagu hawl
qaran weeye, hawshaa qarankuna u istaagi mayso, u cadilmi mayso una
joogsan mayso laba qof oo is qabtay ama isu cadhooday, waanay
soconaysaa hawshu. Markaa waxba yaanay taas dadku hadal ka dhiganin,
wax dhibaato ah oo annaga na dhex taalaana ma jirto, wixii yimaada
ama soo kordhana xalkeedu annaga uun buu na saaran yahay. laakiin,
muhiimadu waxa weeye wax kasta oo dhacaa in aanay noqonin mid umaddu
u cadilmin, shaqaduna isu taagin oo aanay saamayn ku yeelan.
S: Waxa jira in xisbiyada Mucaaradka qaarkood welwel ka qabaan
dib-u-riixida doorashada oo la xidhiidha mararkii hore ee ay
xilliyadii loo qorsheeyay ka dib dhacday iyo marka la eego xaaladdan
hadda la galay. Markaa Komishan ahaan maxay tahay damaanada aad u
haysaan in aanay doorashada Madaxtooyadu mar kale dib uga dhicin
waqtiga’aad u qabateen ee 31 May 2009?
J: Annagu maalintii aanu arrintan goynaynay todobadayada xubnood ee
Komishankuba waanu isu dhamayn, waananu ka wadahadalay, waxyaabo
badan baan is tusnay inay suurtogalayso iyo siday u dhacayso.
Laakiin, go’aankayagu wuxuu ahaa waqtigaa aanu u goynay inay ku
dhacdo, waxaana go’aankayaga ku jirtay haddii ay wax kale soo baxaan
oo tusaale ahaan; Server-ku waa shay (item) keliya oo haddana
hawl-bawle ka ah doorashada. Sidaa darteed, waxaanu go’aansanay in
haddii uu xumaado ama waxba ka soo bixi waayaan (hawsha
kala-shaandhaynta dadkii isdiiwaangeliyay) in aanay wax dhib u dhac
la yidhaahdo oo dambe imanin oo si kastaba ha ahaatee doorashadu
dhacdo maalintaas (31 May 2009).
S: Ugu dambayntii, waxa la sheegaa in hay’adda Interpeace ay lugta
kula jirto oo ay saamayn ku leedahay go’aamada Guddigiina Komishan
ahaan, maxaa taasi ma jirtaa, haddii ay jirtose maxaa sababay?
J: Runtii wax way ka jiraan, laakiin waxay ku xidhan tahay shaqsiga
markaa la xaajoonaya, sababtoo ah waxa hogaaminta la yidhaahdaa
maaha wax Dukaan laga soo iibsado, waana wax uu qofku barto,
Kulliyad u galo khibradna u yeesho weeye. Markaa waxyaabo way iska
dhacdhacaan….Haddaad adigu shaqadii aad lahayd qof kale ka sugto
adigay doqoniimo kuu tahay, laakiin waxa weeye in laga feejignaado
in aanay taas oo kale dhicin.
Wargeyska Ogaal
|