Xoolihii ugu badnaa oo ka dhoofay sanadkan Berbera iyo Maraakiib sida shixnado kala duwan oo ku soo xidhaya Dekedda

 

 


Berbera (TNN) Laba Milyan iyo dhawr boqol oo kun oo Neef oo Adhi ah iyo afar boqol oo ku n oo Geel iyo Lo’ ah ayaa dekedda Berbera ka dhoofay sanadkan, waana Xoolihii ugu badn aa ee Som aliland ka dhoofa Moosinada Xajka mudadii 21-ka sano ah ee ay jirtay.

Sida uu Waaheen u xaqiijiyay isu-duwaha Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha ee Gobolka Sa axil Dr: Cali Maxamud Guuleed waxa labada Maxjar ee Al-jaabiri iyo Indha-deero ka dhoofa y Laba Milyan oo Neef, waxaana mudada Shanta Cisho ah ee hadhsan u qorshaysan inay ka dhoofaan ilaa shan boqol oo kun oo Neef.

Isuduwaha Wasaaradda xanaanadda Xoolaha ee Gobolka Saaxil isla markaana ah Masuulka Xukuumadda u qaabilsan Maxjaradda iyo Xoolaha ka dhoofaya waxa uu sheegay sanadkani inuu yahay kii ugu badnaa ee ay Xoolo intaa leegi ka dhoofaan Dekedda Berbera, isagoo xusay inay wali qul-qulayaan.

“ sanadkan waxa dhoofaya Laba Milyan iyo dhawr boqol oo Neef ama ku dhawaad Sadex Milyan oo Neef waa sanadkii ay ugu badnaayeen Dhoofka Xooluhu. Inta imika dhooftay waa Laba Milyan iyo dhawr boqol oo isugu jira Adhi, Geel iyo Lo’. Walina way socdaan oo waxa hadhay shan Cisho, waxaananu filaynaa shantaa Cisho ilaa sadex Milyan inay buuxs ami doonaan” ayuu yidhi Dr: Cali

Dhinaca kalena, wararka naga soo gaadhaya Magaaladda Berbera ayaa sheegaya in Mara a kiib waaweyn oo sida Shixnado kala duwan oo ay leeyihiin Ganacsatadda Somaliland inay ku soo xidheen Dekedda Berbera oo wakhtigan u muuqata mid la Ciir ciiraysa bagaash iyo Koontiinaro ay ku jiraan alaabo kala duwan.

Maraakiibta timid toddobaadkan waxa ka mid ah Markabka la yidhaadho BILL oo qaada lix boqol oo koontiinar oo ah nooca dhaadheer iyo Markab kale oo aan hore noociisa oo kale ugu soo xidhan Dekedda Berbera oo siday shan boqol iyo afar baabuur, kaasoo ahaa nooca daba furka loo yaqaano oo laga lahaa Dalka Suudaan.

Berbera oo wakhtigan ka baxaysa Bad xidhankii xagaaga ayaa waxa ka socda dhaqdhaqaa q Ganacsi oo isugu jira Xoolo dhoofaya iyo Maraakiib raran oo sida Bucsharado ka kala yimi daafaha Dunida.

Dhoofka Xoolaha sanadkan iyo Maraakiibta kale ee ku soo xidhatay Dekedda Berbera ayaa lagu qiyaasayaa sandkan inay Xukuumadda Somaliland ka helayso Dakhli farabadan oo aan la filayn, kaasoo ka imanaya badnida tirada Xoolaha iyo Khidmadii ay Xukuumaddu ka jartay Ganacsatada Carbeed ee leh labada Maxjar.

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Wasaaradda Maaliyadda Wali Daa’uud oo aanu wax ka weydiinay dakhliga la fili karo sanadkan ee ka soo xeroon doona Xoolaha Dhoofay waxa uu yidhi ” waxa Odoroska Miisaaniyadda noogu jiray inay ka soo xeroodaan 11 Milyan oo Dool ar, hase yeeshee waxa la filayaa inay ugu yaraan laba ilaa saddex Milyan oo dheeraad ahi ka soo baxaan” ayuu yidhi

Source:Waaheen