Xooghayihii hore Ururka SOLJA Maxamed-rashiid Mux umed Faarax,oo ku geeriyooday magaalada Nairobi


 


Nairobi (TNN): -Xoghayihii hore ee Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,marxuum Maxa med-rashiid Muxumed Faarax,ayaa ku geeriyooday  magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Marxuum Maxamed-rashiid ,ayaa shil baabuur oo ka dhacay duleedka magaalada Berber a,dhaawac ka soo gaadhay,ka dibna  loo qaaday dalka Kenya,si loola tacaalo xaaladiia ca afimaad,balse tii xaqa ahayd ku timid.


Dhammaan maamulka ,weriyayaasha iyo hawl wadeenada shabakada wararka ee Timaca de News,waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii ,ehelkii,qaraabadii,asxaabtii , bahda saxaafada  iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay marxuumku.

Waxaan Allaha awooda leh uga batyeynaa inuu danbi dhaaf u fidiyo,jannatul Fardawsana ka waraabiyo



Inaa lilaah wa inaa Ilaahi  raajicuun

 


Timacade News Desk
Nairobi,Kenya