Xogo iftiiminaya in weftigii Siilaanyo ee dhowaan tegay Itoobiya & UK ay ku baxday lacag ah $500,000

 


 

Xogo Iftiiminaya Lacagta Loogu Talagalay Safarrada Weftigii Madaxweyne Siilaanyo Ee Itoobiya Iyo Ingiriiskam, Inta Baxday Iyo Inta Aan La Ogayn Halkay Ku Dambaysay


Hargeysa, Dec 22, 2010 (TNN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed  M axamuud (Siilaanyo) iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee dhawaan Safarka ku wada maray  waddam mada Itoobiya iyo Ingiriiska, ayaa la sheegay in loo qoondeeyey lacag ku dhaw 500,000 (Shan  Bo qol oo Kun) oo Doollarka Maraykanka ah, taasoo Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyadu Xirsi Cali Xaaji Xasan ka soo qaaday Qasnadda Dekadda Berbera.

Warar xog-ogaal ah, ayaa Wargeyska HargeisaStar u sheegay in Safarkii Madaxweynaha iyo  Wef tigiisu dhawaan kaga soo laabteed dalalka Ingiriiska iyo Ethiopia, loo qorsheeyey lacag dhan Haaf Milyan Doollarka Maraykanka ah, hase ahaatee, wax 30,000 ka yar laga isticmaalay ama laga  khar ash-gareeyey lacagtaas, ka dib markii ay wakhtigii Weftigu ku sugnaa Magaalada Addis Ababa ay dawladda Itoobiya bixinaysay ama isu qabtay iyadu kharashka Madaxweynaha iyo Weftigiisa ku baxay, diyaaradda Hargeysa ka qaaddayna iyadu u soo dirtay.

Ila-wareedyo Madaxtooyada ku dhadhaw oo aannu soo xigannay, waxay intaa ku dareen in  Safar kii Md. Siilaanyo iyo Xubnaha Weftigiisu ku tageen Ingiriiska ay lacag bixiyeen $7500, Doollar oo  N oolkii diyaaradda ay Addis ka raaceen ahaa, halka markii ay Ingiriiska ka soo dhoofeenna soo  bixiy een intaa in le’eg $7500. Waxay wararku tibaaxeen in lacagtaa Haaf Milyan-ka Doollar inay  cagac agaysay la sheegay, inaan waxba laga kharash-garaynin ama laga cunin, muddadii uu Weftiga  Ma daxweynuhu ku sugnaa dalka Ingiriiska, ka dib markii Ganacsade reer Somaliland ah oo Maxamed Yuusuf la yidhaahdo, isla markaana muddo dheer degganaa waddanka Ingiriiska, sidoo kalena si weyn uga dhex muuqda siyaasadda Ingiriiska, si diirran ugu qaabbilay London, isla markaana  dejiy ey Gurigiisa Madaxweynaha iyo Weftigiisaba, marka laga reebo kaliya habeenkii koobaad ee Wef tigu gaadhay London, hase ahaatee, la sheegay intii dambe ee Weftigu halkaa joogay inuu  degga naa Guriga Ganacsade Maxamed Yuusuf.

Warku waxa uu intaa ku daray oo uu tibaaxay in Lacagtaas oo la sheegay inuu Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali X. Xasan maalmo ka hor markii Madaxweynaha iyo  Weftigi isu Itoobiya u baxayeen ka soo qaaday Dekadda Berbera, inaan wax Xisaab-celin ah oo laga soo celiyey haba-yaraatee jirin, ee ay sidaas ku maqan tahay, iyada oo la rumaysan yahay lacagtaa faraha badan leh inta kharash uga baxday inay tahay diyaaradda uu Weftigu Igiriiska u sii raacey, kana soo raacay London illaa Addis Ababa (Go and Back) iyo hal habeen oo uu Weftigu seexday Huteel ku yaalla Ingiriiska waxa ku baxay mooyee aan wax kale oo kharash ahaan u baxay jirin. Iyada oo kharashkii Ingiriiska ku bixi lahaa oo dhan halka habeen ee huteelka mooyee wax alla wixii kale uu bixiyey Ganacsadaha Maxamed Yuusuf, halka kii Itoobiya ku bixi lahaana ay bixisay  dawla dda Itoobiya.

Inkasta oo uu Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu Maxamed Xaashi Cilmi xaalad caafimaad ugu  maq naa dalka Jabuuti markii Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu dalka ku soo laabteen, haddana Xisaab-celin la’aanta lacagtaas loo qorsheeyey Safarka Madaxweynaha, lama oga in Xisaab-celin rasmiya Maaliyaddu ka heli doonto iyo inay sidaa ku maqnaan doonto, iyada oo la sheegay inaanay lacagtaas inteeda badani dhaafin Mr. Xirsi oo marka horena soo qaaday, marka dambana la  sheeg ay inuu isagu gacanta ku hayey guud ahaan lacagta.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro wax rasmiya oo lacagtaasi halkay ku dambaysay caddaynayaa, ha se yeeshee, xattaa haddii Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo Chief Of Cabinet-ku xubin ka ahaa ay ka soo alaabaysteen, kharashka baxay haddii si kasta loo badiyo waxa la odhan karaa Boqol kun oo Doollar kama badan karo. Waxaana loo baahan yahay inay Madaxtooyada maanta ka  bedbaad do jidka Madaxtooyadii Rayaale, oo had iyo jeer Madaxweynaha hadda talada hayaa Md. Axmed-Siilaanyo, Xisbigii uu Guddoomiyaha ka ahaa ee KULMIYE iyo Xisbiga kale ee UCID oo mucaarid wada ahaa ay marar badan si kulul ugu dhalliili jireen Madaxweynihii hore iyo Qoskiisu inay lacag xad-dh aaf ah si qayrul-sharciya ugu lumiyaan Safarrada kan la midka ah ee ay dalalka dibadda ugu  baxa an iyo soo muraadsigooda. Haddii ay Jidkaa mid ka duwan oo looga fadhiyey mariwaydo  Madaxtoo yada maanta oo ay sii bataan xogaha iyo xamaha ama xansiga noocan ahi, waxa ku bilaabmi karta dabaylo siyaasadeed iyo gal-daloolooyin uu yeesho Madaxweynuhu oo ay Mucaaridku uga  faa’iida ystaan, sidii uu isaguba shalay uga faa’iidaystay dhalliilihii muuqday iyo kuwii qarsoonaa ee Madaxweynihii hore.



Source: Wargeyska Hargeisa Star