Xog-hayihii Xafiiska Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Gabiley Oo Is - Casilay

 



Gabiley (TNN)-Xog-hayaha Xafiiska Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley Cabdi Xaashi Aw Jaam ac, ayaa Xilkii Xog-hayenimo ee uu ka hayey Xafiiska Xisbiga ee Gobolka, iyo xubinimadii Xisbi gaba si rasmi ah u shaaciyey in uu Iska casilay, ka dib markii uu Xog-hayuhu sida uu sheegay isbadal lagu sameeyey Maamulkoodii, lagana guuray.



Cabdi Xaashi Aw Jaamac Xog-hayaha Xisbiga Kulmiye waxaa sidaa uu ku sheegay Shir-Jaraaid oo uu saaka ku qabtay Magaalada Gabiley, halkaas oo uu saxaafada uga xog-waramay waxya abaha ku kallifay in uu Xilkii iyo Xubinimadii Xisbigaba mar qudha iska wada casilo waxaanu sheegay Xog-hayuhu, in ay Isaga(Xog-hayaha) iyo Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee Gobolku ay garan wayeen waxan ay ka shaqaynayeen, mar hadii hawlihii ay awal qaban jireen ay Dad ka le wadaan Isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi: Waxaan go'aansaday in aan Xilkii iyo Xubinimadii Xisbiga Kulmiye aan uga hayey Gobolka Gabiley,  in aan manta oo bishu tahay 30/11/2011 aan si rasmi ah Istiqaaladii u wareejiyey oo aan iska casilay.

Ka dib markii aan garan waayey waxa ay hawshayadu tahay ee aanu ka shaqaynayney, ee aan arkay Hawlihii aanu qaban lahayn marka shaqooyinkan oo kale yaalaan, ay Dad kale la wa reegeen oo wixi aanu qaban lahaynba ay Niman kale hayaan, ayaan goaansaday in aan iska casilo Xilkii. Sidaa waxa yidhi Cabdi Xaashi Aw Jaamac, Xog-hayihii Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley.

Xog-hayaha Xisbiga Kulmiye waxa kale oo uu shirkiisaa Jaraaid carabka ku dhuftay in Isbadal lagu sameeyey Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley, taasi oo uu ku tilmaamay in ay ka mid yihiin waxyaabaha ku kallifay Is-casilaadiisa, Marka Gudoomiyihii Xisbiga ee Gobolka isb adal lagu sameeyey, maxaan qabtaa saw barrina Xog-hayuhu kuma xigo, marka ay dhamaato soo dhawayntu, markaan waxaa arkay ayaan goaansaday in aan Is-Casilo. Ayuu yidhi Cabdi Xaashi Aw Jaamac.

Is-casilaada Xog-hayaha Xafiiska Xisbiga ee Gobolka Gabiley ayaa ku soo beegmay wakhti Ta ageerayaasha Xisbiga Kulmiye isku diyaarinayaan soo dhawaynta Gudoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo sida la sheegay ku soo fool leh Magaalada Gabiley Maalinta Khamiista ah oo ku began Barri.
 

 



Caydaruus Axmed Ismaaciil (Qadiye)
Timacade News, Gabiley Office