XOGHAYAHA XISBIGA KULMIYE EE MAGAALADA TORANTO DALKA CANADA OO IS CASILAAY’’MUDANE BARKHAD XAAJI CABDI’’MRGABOYE’’

 



 


TO: XISBIGA KULMIYE.


OG: MADAXDA IYO MASUULIYINTA XISBIGA KULMIYE EE TORANTO CANADA.


Taariikhda: 23-3-2014’



Ujeedo: Is Casilaad aan iska Casilay Xilkii Xoghayntii Xisbiga Kulmiye Magaaladda Toranto Canada.



Marka hore waxan salaam xushmad iyo qadariin mudaan ku salaamaya dhamaan madaxda iyo masuuliyiinta xisbiga kulmiye gaar ahaan gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee waqooyiga America mudane mustafe carte iyo gudoomiyaha maxamed cabdilahi iyo taageerayasha xisbiga kulmi ye meelkasta oo ay joogan .



Anigoo ah xoghayihii xisbiga KULMIYE ee magaalada Toranto ee dalka Canada ’’MUDANE BAR KHAD XAAJI CABDI’’MRGABOYE’’ waxaan halkan si kalsooni buuxda ugu cadeeynaya madaxda iyo masuuliyiinta xisbiga kulmiye gaar ahaan masuuliyiinta xisbiga kulmiye ee ii doortay xilkaan sanadkii hore dhamadkiisa ee ku sugaan dalka Canada inan maanta oo ay taariikhdu tahay 23-3-2014- aan iska casilaay xilkii xoghayaha xisbiga kulmiye ee Toranto dalka Canada ,, waa nay ku mahadsanyihiin dhamantoodba ..


Ka dib markaan arkay inan guud ahaanba Qadariintii iyo mudnaantay ku lahaayeen xisbiga ku lmiye iyo xaquuqdii muwaadiniinta beelaha gabooye aanay jiriin , lagana tagaay xubnihii beel aha gabooye xaqa ugu lahaayen inay beel ahaan ku yeeshan Saami Qaybsiga beelaha reer so maliland ku qabsadeen Gudiddii Ergooyinka xubnaha shirweynaha gudiga fuliinta xisbiga kulm iye ee lagu dhawaaqay todobaadkii hore ayaa waxaan go,aan ku gaaray inan sidaa xilkii xog haynimo ee xisbiga kulmiye iyo xubinimadiiba aan iskaga casilaay manta laga bilaabana aan ka madax bananahay Xisbiga Kulmiye.Waaney Mahadsan Yihiin Xisbiga Kulmiye iyo Taageerayash ooduba .


Waxaan Somaliland U Rajaynaya Guul iyo Sinaan iyo Cadaalad ..


Wabilahai towfiiq..



Gudoomiyaha Qurba Joogta Beelaha Gabooyaha Somaliland Ee Waqooyiga America.

.By-Barkhad Xaaji Cabdi’’MrGaboye’’

Email:abokoriye1@hotmail.com
Kicthener Ontario Canada.