Xoghayaha Arrimaha Dibadda KULMIYE oo shir Jar'iid ku qabtay magaaladda Hargeysa

Xoghayaha Arimaha Dibada Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa xukuumada Somaliland ku dhaliilay in aanay siyaasad cad ka qaadan siddii beesha caalamka looga dhaadhicin lahaa qadiyada gooni isutaaga Somaliland, islamarkaana ay ka gaabisay sidii weeraradii argagixiso ee dalka ka dhacay looga faaiidaysan lahaa in dunida lagaga kasbado sumcad horseedi karta in qadiyadadeena dalal badani fahmaan.

Sidaana waxa uu Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ka sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta Xisbiga KULMIYE, kadib, Markii uu Jimcihii ka soo laabtay safar shaqo oo uu dalal badan ku soo maray, waxaana uu intaas ku daray in argagixisadu weerar ku soo qaaday mabaadii siyaasadeed oo aynu caalamka la wadaagno, loona baahan yahay in dunidu ka qayb gasho difaaca dimuqraadiyada Somaliland.

Xoghayaha oo arimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Anigu waxaan aaminsan nahay himilooyinka siyaasadeed ee dalku qaatay ayaa weerar lagu yahay ee dimoqraadiyadda iyo mabaadii’idda xorriyadda iyo ka qaybgalka hanaanka Somaliland qaadatay, kaas ayey argagixisada iyo dadka xagjirka ahi weerar ku yihiin, arrimahaas lagu dilayo Somaliland waa arrimo caalamka faa’iido u wada leh oo la isu raacsan yahay, dimoqraadiyadduna maaha mid Somaliland gaar u ah ee adduunyada oo dhan baa wada leh, kana dhexeysaa.

Markaa waxa loo baahan yahay in adduunku ka qaybgalo difaaca dimoqraadiyadda Somaliland, waxan argagixisadu innagu soo weerartayna waa mabaadi’ aynu adduunka la wadaagno oo waxtar ka geysan kara nabadaynta, markaa adduunka waxaan ugu baaqayaa in arrintaas si caalami ah looga hawlgalo.”

Waxa kale oo Xoghayaha Arrimaha Dibedda xisbiga KULMIYE sheegay in xukuumadda Somaliland aanay weerarradii argagixiso ee dalka ka dhacay uga faa’iideysan sidii qaddiyadda Somaliland loogu iibgeyn lahaa, dunidana looga dhaadhicin lahaa in waxa argagixisadu soo weerartay yahay hannaanka dimoqraadiyadeed ee Somaliland qaadatay, taas oo maqaamka Somaliland sare u qaadi lahayn.

“Nasiib-darro ilaa iminka kama hayno xukuumadda Somaliland iyo siyaasadeeda arrimaha dibedda barnaamij siyaasadeed ama hawlo ka jawaabaya sidii weerarradii argagixiso loogu beddeli lahaa guulo siyaasadeed oo qaddiyadda Somaliland lagu iibgeyn lahaa, annagu xisbi ahaan siyaasadayada arrimaha dibedda, waxaannu ka qaadanay qorshe cad mana sugno in xukuumaddu Somaliland u daadiso saaxiibo siyaasadeed, mana sugayno in xukuumaddu caalamka ka iibiso guulaha dimoqraadiyadeed ee guulaha dimoqraadiyadeed ee aynu gaadhnay iyo in weerar lagu yahay guulahaa, aniga oo taas ka duulayanayna waxaan shir la galay aqalka mudanayaasha Ingiriiska, kaas oo ka taliya siyaasadda waddanka Ingiriiska, waxaanna la iigu yeedhay in wax la iga waydiiyo arrimaha Geeska Afrika, waxaan kale hadlay weerarkii argagixisadu ku soo qaaday dalka Somaliland iyo ujeeddooyinka siyaasiga ah ee ka dambeeya, mana aha in dad shacab ah oo Somaliland la laayo, waxan laal dagaalamayaana waa mabda’a aynu qaadanay, iyada oo weerarradaasina ay khatar ku yihiin mabaadiida caalamka ee dimoqraadiyadda iyo xorriyatul-qawlka, arrintaasina waxay suurtogalisay in nin ka mid ah Baarlamaanka Ingiriisku uu si cad uga turjumo xogwarrankii aan Somaliland ka siiyey.

Annaguna ma sugayno in xukuumadda Rayaale qaddiyadda Somaliland ka iibiso beesha caalamka ee waannu uga horreynaa dunidana waannu ka dhaadhicinaynaa, saaxiibo badan oo caalamka ahna waannu leennahay, waxaanan aaminsannahay haddii KULMIYE ku guuleysto talada dalka in aqoonsiga Somaliland aannu qaadan doonin wax ka badan 17 bilood,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi.

Waxaanna uu xusay Xoghayuhu in siyaasadda arrimaha dibedda KULMIYE ay ku salaysan tahay laba ujeeddo oo kala ah in la ballaadhiyo saaxiibada Somaliland ee beesha caalamka iyo in la suurtogaiyo jawi suurgalinaya in dunidu aqoonsato Somaliland, kaas oo ku salaysan sidii dunida looga iibin lahaa guulaha dimoqraadiyadeed ee Somaliland ku tallaabsatay, isaga oo xusay in arrimahaas ay yihiin qodobadda ay kaga fiican yihiin waxyaabaha ay ku salaysan tahay siyaasadda dibedda ee UDUB, taas oo uu sheegay in ay ku kooban tahay oo qudha xidhiidh u dhexeeya shakhsiyaad gaar ah oo Somaliland ah iyo kuwo kale oo dalalka dunida ah, arrintaas oo uu ku sifeeyey mid aan midho dhal buuran ku yeelan qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.

Waxa kale oo uu Xogahaya Arrimaha Dibedda KULMIYE Mr. Maxamed Cabdillaahi sharraxaad ka bixiyey shirar caalami ah oo uu ka qaybgalay muddadii u ku maqnaa hawlaha la xidhiidha dhaqdhaqaaqa qaddiyadda ka dhaadhicinta dunida Somaliland, shirarkas oo ka kala dhacay dalalka Itoobiya, Waqooyiga Ireland iyo Sweden, isaga oo xusay in shirka ka dhacay magaalada Stockholm ee dalka Sweden oo ay ka soo qaybgaleen 22 dawladood ee reer Yurub ahi uu ahaa mid qiimo weyn ugu fadhiyey Somaliland, kaas oo marka laga reebo Kenya ay Somaliland ahayd dalka labaad ee Afrikaan ah ee shirkaas ka qaybgala.

Waxaanna uu Xoghayuhu caddeeyey in muddadii uu shirkaas socday uu kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka dalka Belgium, isla markaana uu xog badan ka siiyey xaaladda Somaliland iyo weerarradii argagixiso ee dalka ka dhacay, isaga oo intaa ku daray in shirkaas oo ay ka qaybgaleen siyaasiyiin sarsare iyo khubaro caalami ah, kuwaas oo aan wax badan kala socon xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, balse uu isagu si fiican uga dhaadhiciyey qaddiyadda dalka, iyaga oo aakhrikiina laga soo saaray baaq lagu cambaaraynayo weerarradii argagixiso ee dalka ka dhacay.


 



Jamhuuriya Online