Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE OO Cambaa reeyey Go’aankii Guurtida, kuna baaqay la tashi wadajir ah
 

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabd illahi Cumar, ayaa cambaareeyay go’aankii golaha Guurtidu ku  kordhi say wakhtiga xukuumadda Daahir Rayaale muddo lix bilood ah marka uu xilligeedu dhamaado 6 bisha April.

Xoghayaha oo maanta u waramay warbaahinta, waxa uu yidhi

“Marka hore go’aanka golaha Guurtidu kuma salaysna qaynuunka dalka u yaalla, marka labaad kama salaysan duruufo sharicga qiil looga heli karo, marka seddexaad kumuu iman la tashi wadajir ah oo dhexmaray golayaasha sharci dajinta ee dalka, marka afaraad lagama tala galin xisbiyada mucaaridka ah, marka shanaadna kama turjumayo rabitaanka shacabka Somaliland, sidaa awgeed waxaan u arkaa go’aankan mid aan ka talinayn maslaxadda dalka, loona bahan yahay in la tashi qaran layskaga yimaado”.

Dhinaca kale, Xoghayuhu wuxuu hambalyo balaadhan u soo jeediyay 35 kii xubnood ee golaha Guurtida ee diiday in xukumada si shirciga khilaafsan wakhtiga loogu dheereeyo, wuxuuna ku tilmamay go’ankodu inuu laha bisayl siyaasadeed, kana turjumayay dareenka shacabka. Wuxuuna sheegay in xubnaha ogolaaday dheeraynta wakhtiga xukuumaddu aanay tixgalin siin sharciga iyo dhismaha dimuqraadiyaddaba.

Isagoo ka hadlaya Guurtida, wuxuu Xoghayuhu tilmaamay in tirada intaa le’eg ee golaha Gurtida ka tirsan ee is hortaagtay dheeraynta wakhtiga madaxwaynaha ay muujinayso sida ay u yaraatay taageeradii ay xukuumaddu ka heli jirtay golaha Guurtida, arrintan oo tilmaan cad u ah, buu yidhi, hoos u dhaca wayn ee ku yimid kalsoonida lagu qabo xukuumadda Daahir Rayaale.

Xogahayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga mucaaridka ah e KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, wuxuu ku baaqay in loo baahan yahay in si dhakhso ah talo wadjir ah looga yeesho arinkan si loo hagaajiyo qalooca u yeeshay geedigii dhismaha dimuqraadiyadda Somaliland.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay Xoghayuhu in go’aanka golaha Guurtidu uu la yaab ku noqday dawladaha aynu saaxiibka nahay iyo kuwa ina caawiyaba oo u arkay arrin aad loogu degdegay, loona baahnaa in dhammaan golayaasha qaranka iyo xisbiyada doorashada ku tartamayaa ay si wadajir ah ugawada qaybgalan go’aan ka qaadash ada arinkan, mar haddii aanay waxka qabashadeedu si cad ugu qeexnayn distoorka.