Xoghayaha Arimaha Dibadda Xisbiga kulmiye oo Dalka ku soo Guryo noqday ka Dib markii uu ka Qayb galay Shirkii urur Goboleedka IGAD iyo Deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah.


 


Xoghaya Arimaha dibada ee Xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi oo si diiran loogu soo dhaweeyay Daawo Sawirada


Hargeysa (TNN)-Xoghaya Arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo  m aanta ku soo guryo noqday Somaliland kadib markii uu ka soo laabtay shir uu la lahaa urur  gobol eedka IGAD iyo Deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah, shirkaas oo lagaga hadlay arimo ku saabsan  a rimaha geeska Afrika.

Xoghaya Arimaha dibada ee Xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi oo si diiran loogu soo  dhawe eyay Cigaal international Airport, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiinta Sarsare ee  Xi sbiga kulmiye iyo Marti Sharaf kale.

Xoghaya Arimaha Dibada ee xisbiga Kulmiye Dr/Pro. Maxamed C/laahi oo qolka martida ee Cigaal International Airport ugu waramay warbaahinta isagoo waftiga socdaalkiisa uu ku weheliyay  W asiir kuxigenka qorshaynta qaranka ayaa sheegay in shirka uu ka qayb galay lagaga hadlay 3 arimood oo kala ahaa.
.
1-Berbera Corridor oo ah jidka isku xidha Berbera ilaa Wajaale oo uu xoghayuhu sheegay in shi rka lagu soo qaaday isla markaana lagu soo bandhigay qorshaha lagu dhamaystirayo jidkaasi u dhaxeeya Berbera Ilaa Wajaale.

2-Tamarta oo lagu soo qaaday faa,idada ay leedahay iyo sida loogu baahna yahay in Tamarta loogu roggo dhuxul dhagax si loo yareeyo xaalufinta dhirta oo faro baas ku haya wadamada ay Somaliland ka mid tahay .

3-Somaliland Funding –Waxa kale oo shirka lagu soo qaaday sidii Somaliland loogu samayn laha dib udhis balaadhan, maadaama Somaliland Dhamaystirtay Doorashooyinkii madaxtooyadda.

Xogahaya Arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar aya lagu wadaa in  l oo magacaabo wasiirka arimaha dibada ee Somaliland iyadoo dadka inta badan Somaliland ay si wayn ugu hanqal taagayaan magacaabsita xilka wasiirka arimaha dibada oo dadku aad ugu  gana csan yihiin in uu yahay shakhsi karti badan isla markaana si wayn uga soo bixi kara xilkaasi.

Sida ay baahiyeen Wargaysyada qaarkood ee kasoo baxa magalada Hargeysa ayaa lagu  sheeg ay in xilalkii ugu horeeyay ee wasiirnimo ee la magacaabay ay noqdeen Wasiirka Arimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah oo loo magacaabayo Dr Maxamed Cabdilaahi iyo wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Tamarta oo loo magacaabayo Prof Ismaaciil Muumin Aare, inkasta oo aan si rasmi ah loogu dhawaaqin xilkan loo magacaabay labada Wasiir.

Dawlada cusub ayaa la filayaa in dhawaan lagu dhawaaqo iyadoo tirada wasiirada ay ka  koobna anyso lagu soo koobay 15 Wasiir, waxaana meesha laga saaray Wasiir ku xigeenadii iyo Wasiiro dawlayaashii xad-dhaafka ahaa ee dawlada Riyaale ka koobnayd.

Safarkan Dr.Maxamed C/laahi ku tagay Dalka kenya oo noqonaya kii ugu horeeyay Xukuumadda Cusub ee Madaxwayne Siilaanyo ka fuliso Wadanka Dibadiisa tan iyo intii ay ku guulaystay  Door ashadii Madaxtooyadda Somaliland.

Dawlada cusub ayaa dadku uuga fadhiyaa inay ka dhabayso balanqaadyadii badna ee xiligii  door ashada sheegeen inay sideeda u filayaan , waxaana dadku inta badan jecelyihiin inay maqlaan in dawlada soo socta noqoto mid kooban oo ay ka dhex muuqdaan wajiyaal ku cusub siyaaada  Som aliland, isla markaana daacad u ah Dalka iyo Dadkaba.



Siciid Cali Daahir (Sacad Guray)
Gabiley News Editor
Hargeysa Somaliland
contactgabiley@yahoo.com