Xoghaya
Gudidda Fulinta Ee Urur Goboladeeka IGAD Max buub Macalin Oo Khudbad
Ka Horjeediyay Guddida Joogtadda Ah Ee Labadda Golle Qaran

Xogahuhu waxa uu sheegay in ururka IGAD uu si weyn uga shaqaynayo
siddii ay uga taagee ri lahaayeen Somaliland....
Hargeysa (TNN) Maxbuub Maclin oo shalay safar ku yimid magaaladda
Hargeysa ayaa ka hor jeediyay khudbadd gudidda joogtadda ah ee
labadda golle qaran ee Somaliland, waa Guurti idda iyo Wakiiladda e,
waxana uu xooghayuhu ka warbixiyay safarkiisa shaqo ee uu ku yimid
Hargeysa.
Maxbuub waxa uu sheegay in uu ururka IGAD si weyn Somaliland uga
taageeri doono waxya abaha ay ka mid ka yihiin Waxbarashadda,
caafimaadka, Biyaha iyo arimo kale waxana uu intaasi ku daray
inaanay ahayn markii ugu horeysay ee uu yimaaddo Somaliland balse ay
tahay markii saddexaad ee uu soo caga dhigto Dalka.
Xooghayuhu waxa uu carabka ku dhuftay in ay ku daadaali doonaan
siddii ay xanaanayta xoolaha dalka ugala shaqayn lahaayeen Maamulka
Somaliland, waxana uu intaasi ku daray in uu hore u tagay deegaanka
Shiikh, gaar ahaan Iskuulka lagu barto Xanaanaynta Xoolaha.
Xoghaye Maxbuub waxa uu si qoto dheer uga hadlay arimaha ay saari
doonaan diiradda, ta as oo uu sheegay in loo baahan yahay in layska
wadda kaashaddo.
Cali-mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland
|