Xoghaya
Arrimaha Dibedda Udub oo La kulamay laanta Udub Finland
(Helsinki Salaasa11.5.2010)
Xoghaya Arimaha dibada ee xisbiga Udub Mohamed Abdilaahi Isse Iyo
wafti uu hogaaminayo oo ka mid yahay xidhiidhiyaha xisbiga Udub UK
Abdirahmaan Sheekh Xuseen ayaa kulan balaadhan la yeeshay Laanta
Udub ee Finland.
Kullankan Waxaa Furay Kuna soo dhaweeyey Weftiga Gudoomiyaha Udub
Finland Mudane Siciid Cumar. Gudoomiyuhu waxaa uu warbixin ka siiyey
xoghayaha iyo weftigaba guud ahaan laanta xisbiga, waxaana uu is
baray xubnaha xisbiga Finland ee kullanka Goob jooga ka ahaa.
warbixinta iyo soo dhawaynta ka dib Gudoomiyuhu waxaa uu ku soo
dhaweeyey mikrofoonka
Xogahaya arrimaha dibedda ee xisbiga Mudane Maxamed Cabdillahi Issa.
Xoghayaha oo uu jeediyey hadal dheer oo taabanaya dhinacyo
badan,kuwaasoo ay ka mid ahaayeen diyaargarawga iyo tabaalbulshaha
doorashooyinka Madaxtooyada ee dalkii ka dhici doonaa dhawaan.Waxaa
uu culayska saaray ka qaybgalka xubnaha xisbiga ee laamaha dibeddahu
kaga qayb geleyaan iyo doorka muhiimka ay ka geli lahaayeen ololaha
iyo doorashadaba.
Waxaa isna hadal ka soo jeediyey Xidhiidhiyaha Udub Uk Mudane
Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen oo uu kaga waramay guud ahaaanba arrimaha
xisbiga gudaha iyo dibedaba, gaar ahaana xaaladda hada ee khusaysa
doorashooyinka.Guddomiyaha garabka haweenka ee Finland Marwo Canab
Axmed goox ayaa soo jeedisay hadal dhiiri gelin iyo guubaabin siiba
sidii loogu diyaargaroobi lahaa doorashatan.Gaar ahaan ay ku
socosiisay Garabka haweenka.
Kullanka waxaa iyana ka hadlay : Gudoomiyaha dhallinyara ee Udub
Finland- Faysal Cabdi
Xidhiidhiyaha garabka Haweenka Udub Finland- Foosiya Maxamed
Xandulle. Afhayeenka garabka Haweenka udub Finland- Shuun
Biixi.Kullankan oo Jawifarxeed ku soo gabagaboobay waxaa uu
gudoomiyaha udub Finland, mahadnaq u jeedinay xubnihii ka soo qayb
galay kullankan.
Siciid Cumar Hurre
Gudoomiyaha Udub Finland
|