Xisbiyada Mucaaridka Oo Si Wada Jir Ah Ugu Dhawaaqay Guddida Qaban-qaabada Shirwaynaha Qaran Ee Madasha Wada-tashigu Ku Wareejisay

 


Hargeysa (TNN):-Labada xisbi mucaarid ee WADANI iyo UCID, ayaa si wada jira ah ugu dhawaaq ay guddida qaban qaabada shirweynaha qaran ee ay hore ugu wareejiyeen madasha wada-tas higa iyo Toosinta qaranka .

Shir sadex geesood ah oo maanta ku dhex maray hogaamiyayaasha labada xisbi mucaarid iyo ma dasha wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa layskula qaatay in la hir geliyo guddida qaban qa abada shirweynaha qaran ee lagaga wada hadlayo xaladaha guud ee dalku marayo,Xisbiga muca aridka ah ee WADANI ayaa hore u magacaabay xubnaha u matali doona guddida qaban qaabada shirweynaha qaran kuwaas oo ka kooban lix xubnood oo uu soo magacaabay gudoomiyaha xisbi ga Cabdiraxmaan Ciro, kuwaas oo kala ah:

1-Maxamed Cabdilaahi Uurcade
2-Dr.Maxamed Cismaan Fadal
3-Xasan Xuseen Faarax (Codyare),
4-Xildhibaan Baar Siciid
5-Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte)


Dhinaca kalena Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa isaguna dhinaciisa maanta ku dhawaaqay xubnaha u matali doona guddida qaban qaabada shirweynaha qaran waxaanay kala yihiin:


1-Marwo Faadumo Siciid Ibraahin,
2-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile
3-Cabdinaasir Yuusuf Cirro
4-Axmed Maxamed Diiriye
5-Aadan Cali Yoonis
6-Maxamed Mahdi Buubaa

 


Isku soo wada duuduub oo waxa laga war sugayaa halka uu shirkan qaran ee ay isku raaceen la bada xisbi mucaarid iyo madasha wada-tashigu halka uu isugu biyo shubta ayada oo ay arrintan ay xukuumaddu meel adag ka taagantahay.
 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland