Xisbiyada mucaaridka ah oo aan doorasho rabin
Maan jeclayn inaan wax ka qoro
xaaladan maanta taagan iyo muranka joogt ada ah ee xisbiyada
mucaaradka ahi caadada ka dhigteen ee mar walba mijo xaabi ska ku ah
somaliland, hasa yeeshay danta umadda iyo masiirkooda ayaa khasab ka
dhigaya in qof walba oo lexe jeclo ka hayso somaliland inuu ka hadlo
dhibta iyo hagar daamada joogtada ah ee mucaaradku ku hayo dalka iyo
dawladda curdinka ah. Sida dad badani ka warqabaan mar kasta hore la damco in talaabo loo qaado waxa dibso hoos u leh kuwii ay ahayd inay iyagu horseedka u noqdaan shilinta iyo qodaxdana ka sii guraan. Waxa hubaal ah xisbiga Kulmiye
iyo xubno ka mid ah hoggaankiisa sare ee qurba jooga ahi inay
bulshada caalamka ee taageerta somaliland kula dhex wareegaan, inaan
somaliland dawladi ka jirin la isku halayn karaa iyo inaan
dimuqraadiyadi jirin iyo weliba in xaquuqal insaanka meel lagaga
dhaco. Waxa la yaab leh xaquuqda
shacabka somaliland ee bulshada caalamku go'doomisay 18ka sano in
loo doodo ayay ahayd iyada oo gacmaha la is haysto, laakiin siday
suura gal u tahay in qaylo dhaan iyo waxba ma jiraan Kulmiye dunida
la dhex cararo, Rayaale iyo xakuumaduna goob walba la taagan yihiin
aqoonsi raadiska somaliland iyo xaquuqdan shacabka ee la dadafeeyay. Waxa aan leeyahay shacabkani uma baahna in dib loogu guuro geedigii la soo maray ee sagaashamaadkii, waxa mucaaradka leeyahay wado fura oo kale ma jirto oo aan ahayn in doorasho la galo. Sida ku cad go'aankii Komishanka Madaxweynuhu digreetada ku soo saaray doorashada dalku waxa ay u astaysan tahay 27/09/09, haddaba haddii mucaaradku doorasho rabo ha ka hawl galo siday ula shaqayn lahaayeen cid kasta oo hawsha doorashada ku shaqo leh, hana hubiyaan siday ula suurta gelin lahaayeen xakuumadda in shaqada serverka la dhameeya ugu danbayn 15/06/09. Suura gal maaha in Madaxweynaha la yidhaahdo doorasho qabo markasta oo talaabo u qaado siday u dhici lahayd in mucaaradku jid gooyo u galo oo hagar daamo iyo buuq iyo sawaxan abuuro. Shacabka Somaliland waxa aan leeyahay waxa la soo gaadhay waqtigii aa is barbar taagi lahaydeen sharciga iyo distoorka kana bixi lahaydeen caadifadda iskana ilaalin lahaydeen oohinta yaxaaska ee Kulmiye qubayo, xaqa shacabka ee distooriga ah ee ah inay codkooda dhiibtaan yaanu mucaaridku isku dayin inay waasiiyaan.
|