WAR-SAXAAFADEED

REF/XIS/WAD/XDH/2229/2015 Tariikh:15 May,2015
Xisbiga WADDANI Wuxuu Soo Dhaweynayaa Tagaarada Iyo is-kaashiga Ay
Beesha Caalamku La Leedahay Somaliland
Xisbiga WADDANI wuxuu Soo dhaweynayaa Tageerada Beesha Caalamka ee
dhinacyada badan eekala ah.
Taageerada Iyo Is-Kaashiga Dhinac Amniga
Taageerada dhinaca horumarka
Taageerada dhinaca shaqo-abuurka
Taageerada dhinaca geeddi-socodka dimuqraadiyadda si loo xaqiijiyo
doorashooyin xor oo xalaal ah oo xiligooda ku dhaca.
Xisbiga WADDANI wuxuu aaminsan yahay in dawg keliya ee loo mari karo
hiigsiga shacabka Somaliland ee aqoonsigu uu yahay la-macaamilka
iskaashiga hufan iyo xidhiidhka suubban ee lala yeesho Beesha
Caalamka,Xisbiga WADDANI wuxuu ka soo hor-jeedaa takooridda
Somaliland laga takoorayo Beesha Caalmkaa.
Xisbiga WADDANI wuxuu soo dhayaweynayaa dedaalka iyo fududaynta ay
Beesha Caalamku ku hollinayso in xiisadaha iyo muranada siyaasadeed
ee oogan lagu maareeyo wada-hadal, xiisadan siyaasadeed ee taagani
waa mid ka dhalatay muddo-kordhintii Golaha Guurtidu u samaysay
Madaxweynaha Iyo Golaha Wakiilada ee dhammayd 21ka bilood,taas oo
xilliga doorashooyinka u riixday Maaj 2017.
Golaha Guurtidu wuxuu dhegaha ka furaystay talo-bixintii Xisbiyada
mucaaradka ah iyo dareemmadii dadweynuhu ku taageerayeen soo –jeedintii
Guddiga Doorashooyinka Qaranku ku cayimeen maalinta ay qaban
karayaan doorashooyinka oo ku suntan 1 June 2016ka,xisbiga WADDANI
ma arko kumana qanacsana in loo bahan yahay 10 bilood oo lagu
kordhiyo muddada farsamo ee sanadka ah ee ay Guddida Doorashooyinku
cayimeen.
Xisbiga WADDANI wuxuu aad u danaynayaa wada-hadallada iyo gogosha uu
ku baaqay Madaxweyne ku-xigeenku,waxaanu Xisbigu Oggol yahay in laga
wada-haddllo xiliga doorashada la qabanaayo iyo muddo-kordhintii
Golaha Guurtidu jideeyay.
Xisbiga WADDANI wuxuu diyaar u yahay in uu kaalintiisa ka qaato
dedaal kasta oo lagu raadinayo samaha iyo horumarka Somaliland,
Xisbiga WADDANI wuxuu qadarin doonaa baaqii Beesha Caalamka ee 13
May-2015 iyo wada haddalladii dhex maray Wakiilka EU-da iyo dhammaan
daneeyayaasha doorashooyinka ee Somaliland 11-13 May 2015ka,ugu
dambayntii Xisbiga WADDANI wuxuu Aad u qaddarinayaa taageeradaa
niyad-samida ah oo saamayn togan ku leh geeddi –socodka
dimuqraadiyadeed ee Somaliland.
Allla Mahad Leh
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro
|