WAR-SAXAAFADEED

 

 


Ref/XIS/WAD/XDH/122/2013Date, November 24, 2013

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliland

Ujeeddo Dacwad Ku Xadgudub Sharci (Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL)

Mudane Madaxweyne, Marka hore salaan sharaf iyo karaamo leh ayaannu kuu soo gudbinaynaa.

Waxannu kula socodsiinaynaa Mudane Madaxweyne, in Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyad da Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, uu ka sii daayey warbaahinta waraysi la yaab leh oo lama filaan ah, aadna uga argagixiyey dadweynaha reer Somaliland guud ahaan, Gaar ahaana xisbiyada qaranka ku noqday lama-filaan iyo u qaadan-waa . Nuxurka waraysigaasi, haddii la soo koobana, wuxu ku soo ururayaa laba arrimood.

Labada arrimoodba waxay si toos ah uga soo hor-jeedaan nidaamka dimiqraaddiga ah ee Somalila nd ku dhaqanto, iyo midnimada iyo madax-bannanida Jamhuuriyaadda Somaliland intaba. Labada as arrimoodna waxay kala yihiin.

1.In xisbiyada Mucaaridka ah ay qaran-dumis yihiin, oo laga soo abaabulo, lagana soo maal-geliyo Somalia.

2.In hayadaha amniga iyo sirdoonka Somaliland ku hawllan yihiin, xuuraanka, daba-galka iyo jaajuu ska xisbiyada Mucaaridka ah,iyo xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ee dadka shacabka reer Somaliland. taas oo si toos ah uga soo hor-jeedda distoorka qaranka halkii ay awooddaas gelin lahaayeen sugitaanka amniga iyo nabadgelyada shacabka.

Marka ugu horraysa, sida aanu kaa filayno Mudane Madaxwene kalsoonina ku qabno , taas oo noo muujinaysa aragtida guud ee ka soo noqnaysa dadweyna reer Somliland, in aanad la qabin Wasiir ka labadaas arrimood.

Waxannu kale oo aamminsanahay, inay ka mid tahay waajibaadkaaga sharci, inaad dadweynaha iyo Xisbiyada qaranka u muujiso inaadan Wasiirka la qabin, kuna amrin, kuna taageersanayn arrim ahaas.

Mar haddii ay sidaas tahay, waxannu kaa filanaynaa, kaana dalbaynaa :

a.Inaad marka hore, dadweynaha reer Somaliland u xaqiijiso kalsoonida ay ku qabaan in aadan kula socon Wasiirka Arrimaha Gudaha ee magaca xakuumadda aad Madaxweynaha ka tahay, ku hadlay. Taas oo micnaheedu yahay, marka la soo ururiyo, (i)inaadan la qabin in xisbiyada mucaaridka ah ee qaranka laga soo abuubulin, lagana soo maal-gelin Somalia.(ii) In dadka aad u xaqiijiso in nidaamka siyaasiga ah ee dalku uu ka kooban yahay hannaanka xisbiyada badan , isla markaana aan midkoodna cadow ku ahayn jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland sida dastuurka qarankuba tilmaamayo

b.In xisbiyada mucaaridka ahi ay leeyihiin awood, sharci iyo karaamo lamida ta u leeyahay xisbi xaakimka maanta talada haya, marka laga reebo inuu maamuulo xukuumadda.

Waxannu kaa dalbaynaa, Mudane Madaxweyne in si ka duwan sida Wasiirka Arrimaha Gudahu u hadlay, in aad dadweynaha reer Somaliland kalsooni ku siiso in Xisbiyada qaranku aanay ahayn qaran -dumis

Mudane madaxweyne, annaga oo qabna kuna qanacsan in aad talada dalka ku timi sifo dimuqraaddi ah oo sharci ah, waxannu, haddii aanu nahay Xisbiga WADDANI, kuu xaqiijinaynaa, in aannu aaminsannahay in xisbiga WADDANI uu talada dalka ku iman karo oo keliya dariiq sharci, iyo tartan dimuqraaddi ah , lana mid ah sidii xisbiga kulmiye oo mucaarid ahaan jirey, uu ku yimid talada dalka Jamhuuriyada Somaliland.

Ugu dambayntii, waxannu xisbi ahaan kaa dhawraynaa tallaabo waafaqsan sharciga, Distoorka iyo danta guud ee qaran, in aad ka qaaddo deel-qaafka Wasiirka Arrimaha Gudaha. Haddii kale waxad dariiqa u furaysa inuu lumo ku- dhaqanka sharcigu (rule of law), madaxda xukuumadduna u dhaqmaan sidii xukunkii digtaatooriga ahaa ee la iska xoreeyey.
 

 


Alla mahad leh.

Md. Axmed Muumin Seed.

Guddoomiye-xugeenka Xisbiga WADDANI

ahana Ku simaha Gudoomiyaha Xisbiga