Xisbiga Wadani noqon waa shoodhe Kulmiye, ee mataankiisibu Ururka
Umadda bay mataanobeen

Wadani wuxuu leeyahay miisaanka
ima saari karo nin i maleeyaaye,Umadduna ( Ururka Umadda) waxay
leedahay ha igu karaama seegina habar la igu kari waaye
Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan akhrista yaasha sharafta leh,
kuna salaamayaa salaanta islaamka ee ASALAMU CALYKUM,
waxaan salaanta mid la mid ah iyo Bogaadinba u gudbinayaa
taageerayaasha iyo hogaanka sare ee Ururkii la reebay ee Ururka
Umadda aniga oo ku hambalyanay goaanka qimaha iyo qaayaha leh ee ay
gaadheen oo ah Midawga ay la midoobeen Xisbiga Wadani, run ahaantii
goaankaas oo ah mid geesi nimo leh taarikhdan geli doona an odhan
karo Midawgaasi ( Xisbiga Wadani iyo Ururka Umadda ) waa badbaadi
soomaliland.
Waxaan halkan ka Hambalyaynayaa guud ahaan Taageerayaasha,
Hawlwadeenada iyo hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani
oo aan leeyahay maanta guul wayn ba inoo soo hoyatay, guushaas oo
gudahaan Soomalilanda u soo hoyatay.
Mudo badan ba la lahaa Wadani waa muxaafid iyo ha is cadeeyo, taas
ugu dabayntii gaadhay in la yidhaahdo waa shoodhe Kulmiye.
1. Arimahaasi oo dhami waxay meesha ka baxeen markii uu gudoomiyaha
Xisbga mucaaridka ah ee Wadani mudane Cabdiraxmaan Cirro ku
dhawaaqay inuu xisbiga Wadani Yahay Xisbi Macaarid ah , dhawaaqaas
dabadeed dad badan baa yidhi waxaannu sugaynaa ficil inuu ku darro
dhawaaqan,
2. Midawga Ururka Umadda iyo Xisbiga Wadani ayaa iyana noqonaysa
cadayntii labaad ee iyana arimahaas aan kor ku soo sheegay meesha ka
saaraysa, waxaynu wada ogsoonaynin Ururka Umaddu ahaa mucaarid aad
iyo aad u adag oo dhawaaqiysa ay xukumaddu u adkaysan wayday.
waxaa kale oo aynu odhan karna waa ficilkii ay dadku sugayeen ayay
talabadani noqon kartaa.
Xisbiga Wadani oo maanta ay mataanoobeen Ururka Umadda wuxuu
leeyahay, MIISAANKA IMA SAARI KARO NIN I MALEEYE EE UMADDA ((URURKA
UMADDA) IYO WADANI BAY IS YIDHAAHDEEN MEEL U KALA KAXEEYE.
Ururka Umaddu muxuu ku soo kordhin karaa Xisbiga Wadani?
1. Ururka Umaddu wuxuu la midoobay Xisbiga Wadani isaga oo Oodihiisi,
Udubadiisi iyo Dhigihiisi wata oo aan loo kala hadhin oo ay wada
socdaan Hogaankiisi sare, Haw- wadeenadiisi Gobolada iyo Degmooyinka,
Laamihiisi Debada iyo dhamaan taageerayaashiisi.
2. Ururka Umadda waxaa ay Xildhibaan u fadhiyaan 97% degmooyika
dalka, waxaana u soo baxay in ka badan 30 Xildhibaan
3. Ururka Umadda waxaa uu ka haw galaa ama xafiisyo iyo
maamulkoodiba ku leeyahay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalku ka
koobanyahay.
4. Uruka Umadda waxaa u xafiisyo shaqaya iyo wakiilo ku leeyahay iyo
taageerayalba in ka badan 30 dal oo adduunyadah.
5. Hogaanka sare ee Ururka Umadda oo uu hogaaminayo ninika lagu
tilmaamo SIYAASIGA QARANIGA Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo wax badan
oo dadka aan aad u aqoonin filayeen inuu ku kaco markii sida
badheedhkah loo reebay ay dhici wayday ayaa dhirbaaxo kulul ku
noqotay.
Goaankan uu kula midoobay Mataankiisi kale ee Cabdiraxmaan ayaa
iyana dhirbaaxo labaad ku noqotay intii ka soo horjeeday SIYAASIGA
QARNIGA DR. MAXAMED CABDI GABOOSE.
Ururka Umadda miisaan intaas leeg buu kula midoobay xisbiga Wadan oo
markii ururada la ahaa waxaa dadwaynuhu odhan jireen waa labada Urur
ee ugu misaanka culus.
Hadaba Ururka Umadda oo maanta la midoobay xisbga Wadani, wuxuu
leeyahay HA IGU KARAAMA SEEGINA HABAAR LA IGU KARI WAAYE.
Midawga Xisbiga Wadani iyo Ururka Umadda maxaa ka dhalan kara ama
miisaan intee leeg iyo saamayn intee leg bay Siyaasada Soomaliland
ku yeelan karaan.
1. Midawga Xisbiga Wadani iyo Ururka Umadda waxaa ka dhashay XISBGA
MUCAARIDKA AH EE WADANI
Xisbga Wadani + Ururka Umadda = XISBGA MUCAARIDKA AH EE WADANI
2. Midawga Xisbga Wadani iyo Ururka Umadda waxaa ka dhashay XISBIGII
DALKA U CUSLAA AMA UGU TAAGEERADA BADNA OO AH XISBIGA MUCAARIDKA AH
EE WADANI.
3. In badan baynu raadinaynay Mucaarid xoog leh oo ka hor yimaada
Xisbiga talada haya ee kulmiye, Maanta waxaa inoo dhashay
mucaaridkii aynu raadinaynay oo aan qabo inuu ka miisan culus yahay
Kulmiye, Markaa aan leeyahay midawgani waa mid dani ugu jirto
Soomaliland oo dhan
maanta waxaynu haynaa laba xisbi oo is miisaan leg oo Mucaarid iyo
muxaafid ah taas oo danti dalku lagu ilaalin karo.
4. Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani wuxuu noqonayaa xisbiga kowaad ee
dalka marka la eego arimahan oo dhan Kulmiye na waxuu noqonayaa ka
labaad .
a) Tirada Xildhibaanad degaanka oo maanta tirada ugu badan Wadani
leeyahay
b) Taageerayaasha dalka iyo debadaba oo maanta tirada ugu badani
Wadani taageersntahay
c) Tirada Xildhibaanada golaha degaanka oo maanta tirada ugu badan
Wadani leeyahay
d) Tirada Xildhibaanada golaha gurtida oo tiro isku dhaw ama isku
mid ah leeyihiin.
e) Xafiisyada dalka debadiisa ka hawl gala oo maanta uu Wadani kaga
horeeyo Kulmiye
5. Haddii Ururka Umadda lagu xaman jiray Siyaasad kulul oo lagu
gubanay, Ururkii Wadani lagu xaman jiray Siyaasad aad u qabow oo
lagu dhaxamoonayo, maanta marka labadaas Siyaasadood la isku daro
waxaa ka soo dhex baxaya Siyaasad FAR DIIRIS AH oo noqonaysa tii
dalkeenu u baahna oo uu ku shaqaynayo XISBIGA MUCAARIDKA AH EE
WADANI
Waxaan Halkan mar labaad ka hambalyaynayaa dhamaan taageerayaasha
Xisbiga Mucaardik ah ee Wadani waxaan leeyahay GUUL GUUL GUUL
GUUL GUUL
Gushaas oo ah mid maanta Reer Soomaliland oo dhan u soo hoyatay.
ALLA MAHAD LEH
Faisal Farafidiye
|