Xisbiga
UDUB Taageero Kuma Raadiyo Lacago iyo Jaad la
Qaybiyo.. ee KULMIYE oo Fashilmay ayaa
Adeegsada”
Guddoomiyaha ololaha UDUB

Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa
ka had lay waxa ka jira lacago ay u qaybiyeen qaar ka mid ah
dhallinyarada degmooy inka Hargeysa oo ay taageero ka
raadinayaan, taas oo la sheegay inay khilaaf iyo isku dhacyo
xaasaasi ah ka ka dhex abuurtay dhallinyarada caasimadda.
Guddoomiyaha ololaha xisbiga UDUB Mr.Cisaman Cabdillaahi Cigaal (Cismaan
hin di) oo xalay Jamhuuriya kula xidhiidhay khadka telefoonka si
aanu wax uga way diino waxa ka jira arrintaa, ayaa sheegay in
aanay jirin wax lacag ah oo ay u qaybiyeen dhalinyarada, isaga oo
xusay inay tahay daacayad xisbiga KULMIYE faafiyey.
“Horta hadal haynta arrintaasi maalmahanba way socotay, saxaafadda
oo Jam huuriya ka mid yahayna wax bay ka qoreen, markaa aniga
oo UDUB u qaabilsan dhinaca ololuhu, waxaan halkan ka caddaynayaa in
aanay jirin lacag aanu xisbi ahaan u qaybinay dhalinyarada magaalada,
taasina waa dacaayad aanay wax ba ka jirin oo ay faafiyeen
xisbiga KULMIYE oo arkay in dhalinyaradii la khalday markay is
garteen in la khalday ay xisbiga UDUB ku soo qulqulayaan oo maalin
walba aad aragtaan dhalinyaro aanu xisbiga ku soo dhawayno, anagu
lacag ma qaybino ee cida lacagta iyo jaadka dhalinyarada u qaybiyaa
waa KULMIYE oo siyaasadiisii fashilantay, markaa waxaan kuu
sheegayaa in aanay jirin wax lacag ah oo xisbigayagu dhalinyaro u
qabiyey, taasina waa dacaayad la faafiyey,” ayuu yidhi Cismaan-hindi.
Su’aal: ma lacagaha xisbigiinu maalmahanba qaybinayey ee aad
taageerada ka ga raadinaysaan dhalinyarada ayaad leedahay ma
jirto”
Jawaab:ma jirto ayaan ku leeyahay, xisbiga UDUB taageero kuma
raadiyo lacago iyo jaad la qaybiyo ee waxaanu taageerada ku
raadinaaa mabda’a xisbigaa UD UB, barnaamijkiisa siyaasadeed
ee uu dalka ugu talo galay iyo waxqabadka bala adhan ee aanu
dalka gaadhsiinay marka la eego halkii wax laga soo bilaabay
19 91 kii, imikana horrumarka iyo xasiloonida dalka ka jirta waxa
gaadhsiiyey xukuu madda iyo xisbiga UDUB, taas ayaanu taageero
ku raadinaa, cida siyaasadii ka fashilan tahay ee lacagaha iyo wax
kasta bixiyaa waa KULMIYE oo dhalinyaradii uu khaladay dib uga soo
wada baxday, iyaga oo ku soo biiraya UDUB oo ay siya asadiisa
iyo barnaamijkiisa ku qanceen.
S: Adigu hadii aanad lacago qaybin,
sida dhalinyarada degmooyinka 26-ka June iyo Ibraahim Koodbuur
saxaafadda u xaqiijiyeen, waxa UDUB lacag qaybinta u wakiilatay nin
la yidhaahdo Cali Gobonimo, taa maxaad ku difaacaysaa?
J: Waxba kama jiraan, aniguna ma ogi
meel ay UDUB lacag ugu qaybisay dhaliny arada xaafadaha
magaalada Hargeysa, shaakhsiyaadkaa aad sheegaysana, wa xa daacada
magaalada u geliyey oo dhab ah KULMIYE oo markii ay arkeen in
dh alinyaradii ka diga rogaynayso ku meeraysanaya dacaayadaha
raqiiska ah ee ay UDUB ku sheegayaan inay lacago qaybinayso, waxaan
kuu sheegayaa maa nta (shalay) oo u dambaysay dhailnyarado
badan oo ka soo baxay KULMIYE ayaanu xisbiga ku soo dhawaynay,
markaa waxaasi waa dacaayado la faafiyey.
S: Dhalinyarada aad sheegayso, waxa la
leeyahay waa kuwii lacagaha loo qaybi yey?
J: may, dhalinyaradani waa kuwii markay
arkeen in la khalday KULMIYE ka soo baxay oo UDUB ku soo biiray,
anaguna diyaar baanu u nahay in cidkasta oo nagu soo biirta si
diiran u soo dhawayno, wax lacago ah oo aanu taageero ku
raadsa naana ma jiraan.
S: Waxa la leeyahay waxaad lacago u
qaybiseen dhalinyaradii ugu firfircoonayd mudaaharaadyadii ka dhacay
caasimada Hargeysa ee lagaga soo horjeeday ta llaabadii
xukuumaddu ku xidhay baarlamaanka Somaliland, sidaa daraadeedna aad
xaflado u qabateen, idinka oo yidhi KULMIYE ayay ka soo baxeen?
J: Horta adigaa (suxufigii waraysanayey)
noo markhaati furay in dhalinyaro la khaladay oo mudaharaadadii ka
qaybqaatay markay is ogaadeen intay ka noqd een UDUB ku soo
biiray, lacago aanu u qaybineyna nagumay soo raacin ee mab da’
ayay nagu soo raaceen, kadib markay ogaadeen in KULMIYE khalday oo
uu ku khasbay inay ka qaybqaataan mudahaardyo sharci daro ah oo
aanay wax dan ahi ugu jirin.
Source: Jamhuuriya Online
|