Xisbiga UDUB oo maalintii Labaad Muujiyay
Cududiisa Taageero



Hargeysa (TNN)- Xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa maanta muujiyay dhoola tus aad u  balaad han , kana sameeyay Gobollada dalka Somaliland, gaar ahaan Beerta xorriyada ee Magaaladda Hargeysa, Isu soo baxaasi oo ayna u kala hadhin yar iyo weynba, waxa ay ahayd maalintii  laba ad ee Ololaha Xisbiga UDUB ku muujiyay taageeradooda.

Madaxweyne ku xigeenka, Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa khudbad dheer ka jeediyay, w axana uu ku bilaabay hadalkiisa “In Badan ayaa la lahaa UDUB way ku fashilantay  barnaamujke edi Siyaasadeed, kumaanaan fashilminee ee Beri [Isniin] ayaa keenaynaa oo cidwalba la  siinay aa. Talabaad Xisbigeenu [UDUB] waa Xisbi fac-weyn ee waxaan idinkula dar-daarmayaa sida  Xi sbiyada kale inaan la caytamin oo aan cidna la xajiimayn oo ololahana si fiican loo galo,".

"Waxaanu doonaynaa inaanu mustaqbalka xoojino amniga iyo Cadaalada, iyo garsoora, Diinta iyo Caafimaadka, intaa waxaan ku darayaa waxqabadka ayaanu culeyska saari doona,  nabad gelyada iyo adeegyada asaasiga ah, xaga caafimaadka MCH-yada la dhisay uunbaa  adeeg  yad ooda caafimaad la sii xoojinayaa, annagu UDUB ahaan waxbaanu soo qabanay wixii-baanuna sii xoojinaynaa"ayuu yidhi Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin.

Md. Axmed Yuusuf Yaasin waxa uu ugu baaqay Shacabka reer Somaliland ciddii uu anfaco  barn aamijka Siyaasadeed ee UDUB inay codkooda si wanaagsan u siiyaan, isaga oo arrinta ka  hadla yana waxa uu yidhi. "Waxaan ugu baaqaynaa Somaliland iyo ciddii uu barnaamijkayagu [UDUB] anfaco inay codkooda na siiyaan, codkoogaasuna waxa uu galayaa gacan aamina oo aan  degd egayn, oo aan ku dhisnayn isir, Waxay maanta wadaan Xisbiyada kale [KULMIYE iyo UCID] waa qabiil, Somaliland-na Isir sooc uma baahna waxay u baahan tahay inay wada Socoto oo ay mid wada noqoto ayey u baahan tahay, jaarkeedana ay kula noolaato amni iyo cadaalad".

Source:sn