Xisbiga
UDUB oo Isu-soo bixii ugu Balaadhnaa ka Sameeyay Beerta Xorriyada ee
Hargeysa
Hargeysa (TNN)- Xisbiga Talada haya ee UDUB, ayaa maanta isu soo bax
balaadhan oo aan hore loo arag ka sameeyay guud ahaan Somaliland,
iyadoo ay bilaabantay Ololihii Doorashada Madaxtooyada.
Dadweynaha reer Hargeysa, yar iyo weynba ayaana maanta u kala hadhin
isu soo baxa ololaha doorashada Madaxtooyada, iyadoo
dhaq-dhaqaaqihii Magaaladda Hargeysa ay joogsatay.
Madaxweynaha JSL, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne ku
xigeenka, Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin, Marwada koowaad ee
Madaxweynaha, Marwo Huda Barkhad Aadan, Wasiiro, Xildhibaano ayaa
kala qayb galay dadweynaha reer Hargeysa, isu soo baxa ololaha
doorashada, waxana reer Hargeysi soo bandhigeen taageerada ay u
hayaan Xisbiga Talada haya ee UDUB.
Madaxweynaha oo halkaasi khudbad dheer ka jeediyay ayaa ugu horeyn
waxa uu ku bilaabay “Mudanayaal iyo Marwooyin,Waxa aan ku
faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo madashan qiimaha badan ee
ay isugu soo baxeen kumanyaal ka mid ah taageerayaasha faraha badan
ee bahwaynta xisbiga UDUB.
· Ugu horeyn, waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa guud ahaan
Shacbiga Somaliland; xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB meel
kasta oo ay joogaan iyo inta jecel jiritaanka qaranimada iyo
nabdoonaanta Somaliland.
· Waxa kale oo aan duco u hibaynayaa Illaahayna u baryayaa inuu
Janadiisa ka waraabiyo dhamaan inta hoygii lama huraanka ah inooga
horeeysay ee ka soo qayb-qaadatey dib u xorayntii iyo dib u dhiska
dalkan Somaliland. Kuwaas oo ay ka mid yihiin:
o Hogaamiyayaashii hormoodka ka ahaa yagleelka iyo taabagalinta
qarankan sida Marxuum, Cabdiraxman Axmed Cali; Marxuum, Maxamed X.
Ibrahim Cigaal; Marxuum, Sh. Ibrahim Sh. Yusuf Madar,
o Mujaahidiintii Naftooda u hurey dib-u-xoreyntii dalkan,
o Dal-jirayaashii ciidamada qaranka ee difaaciisa u god galay,
o Madax-dhaqmeedkii iyo waxgaradkii bulshada, Iyo
o inta kale ee badan ee Inaga baxday oo aynaan halkan ku wada xusi
Karin, balse ku xardhanaan doona bogaga taariikhda Somaliland.
.
Walaalayaal,
waxaan jecelahay in aan idin xusuusiyo, in markii xisbiga UDUB ku
guulaystay hogaaminta dalka uu dejiyay siyaasad cad iyo qorshe
dhamaystiran oo uu ku beegsanayo taabagalinta qaranimada Somaliland.
Taas oo ay ugu mudnaayeen:
1. In laga guuro siyaasad beel ku dhisan oo loo guuro dawladnimo
Dastuur ku dhisan oo Xeer iyo kala dambeyni ka jirto;
2. Baadi-doonista aqoonsiga Qarannimada buuxda ee Somaliland;
3. Xoojinta amniga iyo walaaltinimada shacbiga somaliland, sugidda
soohdimaha Dastuuriga ah ee dalka, fidinta iyo gaadhsiinta maamulka
goob kasta oo dalka ka mid ah.;
4. Soo noolaynta iyo horumarinta adeegyadda aasaasiga ah ee bulshada
iyo kaabayaasha dhaqaalaha;
5. Taabagelinta garsoorka iyo cadaalada si loo helo garsoor tayo leh
oo dhowra Xuquuqda iyo Xoriyaadka muwaadinka.
Walaalayaal,
· Waxa marag ma doon ah in xisbiga UDUB iyo Xukuumadda uu
hogaaminayay ay guulo muuqda ka soo hooyeen markastibana u taagan
yihiin gudashada masuuliyadii qaran ee ummadda Somaliland ku
aamintay.
· waxa hubaal ah inuu abuurmay hanaan siyaasadeed oo ku dhisan
tartanka axsaabta badan;
· Maamulkii dawladda Somaliland la gaadhsiiyay xuduudihii qaranka ee
dastuuriga ahaa;
· Adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada sida caafimaadka iyo
tacliinta; biyaha & korontada; ammaanka, garsoorka, iwm ilaa heer
fiican la gaadhsiiyay dhamaan gobolada & degmooyinka dalka.
· Waxaynu gaadhnay heer ay bulshadda caalamku ay qiraan horumarka
aynu ku talaabsanay oo ay tusaale iyo Miqyaas Caalamka soo koraya
inooga dhigato;
Hirgalinta Doorashooyinka
· Kadib, Geeridii Madaxweynaheenii hore, Marxuum Maxamed Xaaji
Ibrahim Egal iyo Aftidii Dastuurka, waxaanan go’aansaday anigoo
Illaahay iyo Shacbiga la kaashanaya in aan hirgaliyo himilada
shacbiga ee taabagalinta dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah
wax kasta oo ku kacayso.
· Waxa ilaahay fadligiisa noo suurtagashay in aanu dalka ka
hirgalino nidaamka doorashooyinka oo aynu qabano doorashadii
golayaasha degaanada Diisambar 2002dii, tii madaxtooyada April 2003,
tii Golaha Wakiilada Sept. 2005; iyadoo doorashada madaxtooyada ee
aynu maanta u taaganahay noqonayso tii afraad ee dalka ka qabsoonta.
· Waxa dad badani ogsoon yihiin, in geeridii Madaxweyne Cigaal ka
dib ay waxgarad badan oo xilligaa ka werwersanaa saamaynta ay
doorashadu ku yeelan karto isku duubnida ummadda, karaan-keena
dhaqaale, iyo arrimo kale oo la hal maala ay talo ahaan iigu soo
jeediyeen in dib loo dhigo doorashada madaxtooyada oo la ii
cusboonaysiiyo xilka muddo sanado ah. hasa yeeshee waxaan
go’aansaday in aanan aqbalin soo jeedintaas oo aan hirgeliyo
himilada ummadu higsanaysay ee doorashooyinka, Alle Mahadi haka
gaadhee sidaas bay ku qabsoontay doorashadii madaxtooyaddu,
guushiina ugu soo hoyatey xisbiga UDUB ee ii sharaxay xilkaas,
anigana la iigu doortay Madaxweyne Dastuuri ah oo ku yimi doorasho
dadweyne oo toos ah.
· dhamaystirka geedi-socodka dimoqraadiyaddu ma ahayn hawl sahlan,
waxa aad goob joog ka wada ahaydeen in aan Maxkamadda Dastuurka u
gudbiyey dacwad dastuuriya, ka dib markii Labada Gole ay cod
aqlabiyadda ah 2/3 ku soo jeediyeen xeer aan suurto gelinayn in
Doorashada Golaha Wakiiladu ku qabsoonto wakhtigii loogu tallo galay,
si loogu cusboonaysiiyo xubnihii golaha fadhiyey waqtigaa. Taas oo
aan u arkayay in ay caqabad ku noqonayso himiladii ummadda iyo geedi
socodkii dimuqraadiyada, waana ta suurta gal ka dhigtay in ay
qabsoonto Doorashadii ay ku yimaadeen Golahan Wakiilada ee maanta
fadhiya.
· Waxaan ku kalsoonahay in sidii wadaniyada iyo bisaylka lahayd ee
xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga bahwaynta UDUB ay xisbigooda ugu
ayideen doorashooyinkii hore ay doorashadan maantana codkooda u
hibayn doonaan.
· Walaalayaal, waxa lagama maarmaan ah in aan is xasuusino, in
qalalaasaha iyo colaada ka oogan mandaqaddan aan ku nool nahay aan
kaga badbaadnay fadliga ilaahay ka sokow, hogaaminta iyo siyaasadda
Xukuumadan Xisbiga UDUB ay ku hagayso ummadeeda.
· Waxa la yaab leh, Rag masuuliyiin ah oo Sharcigu siiyay in ay si
xalaal ah ugu tartamaan kursiga ugu qiimaha badan ee dalkan, in ay
hamuunta ay u qabaan kursigani ka indhatirto tixgelintii Dastuurka
iyo nidaamka dawliga ahi ka mudnaayeen, iyagoo sidii Qawmkii Reer
Bani Israa’iil ee kitaabka markay dan leeyihiina qaadan jiray markay
doonaanna iska tuuri jiray ay ku talaabsadeen balanqaadyo dhalanteed
ah oo aan Dastuurka meelna kaga soo aroorin. Waxa tusaale inoogu
filan xilalka qayrul-Dastuuriga ah ee xisbiga KULMIYE durba ku
yaboohay iyo siday ugu haliilayaan inay bedelaan Dastuurka ummadani
97% ku ansixisay. Taasi waxay ka marag kacaysaa sida aanay ugu
aabo-yeeleen Dastuurka iyo doonista ummadda haddii awooddu
gacantooda ku jiri lahayd.
· Waxaan ummadda Somaliland u sheegaynaa in Xisbiga UDUB iyo
taageerayaashiisa marnaba aanay ka suurtagalayn, cid kalena ku
saacidi doonin in la maydhaamo Dastuurka iyo sharciyadda dalka u
dejisan.
· Taas awgeed, Waxaan masuuliintaas ku leenahay; walaalayaal,
Dastuur iyo shuruuc baa inoo qoran, si cad u qeexaya tubta loo
marayo madaxtinimada aad u jeellan tihiin, ka baaqsada in aad
noqotaan ashkhaas hadba wixii ay u maleeyaan inay taageero ku
kasbanayaan ku dhaqaaqa, iyagoo aan wax ixtiraam ah siin sharciga
iyo doonista ummadda midnaba.
Sugidda Xuduudaha iyo Madaxbanaanida Somaliland
· Sidaa wada og tihiin, dal kasta oo Caalamka maanta ka jira, waxa
ugu horeeya ee lagu qiimeeyo laguna qadariyaa waa sida maamulkiisu
Xuduudihiisa u gaadh-siisan yahay; wada jirka bulshadiisa iyo is
neef ogolaanshahooda, iyo heerka Nab-doonaanta. Sidaa darteed,
waxaan go’aansaday in wax kastaba aan ka horeysiiyo sidii taas loo
heli lahaa wax kasta oo ay ku kacayso.
· Waxa si laxaad leh kor loogu qaaday tiradii, tayadii & saanaddii
ciidamada Qaranka, iyadoo loo dhamaystiray dhamaan wixii ay u
baahnaayeen dhinacyada hubka, tiknikada, gaadiidka, isgaadhsiinta &
saadka. Taas oo lagu bixiyey maaliyad aad u badan.
· Dhinaca kale, waxa tababaro iyo fursado waxbarasho ilaa heer
jaamacadeed la siiyay ciidan tiro badan iyo raxan ka mid ah
saraakiisha ciidamada qaranka.
· Waxa la aasaasay dugsiyada tababarka ciidamada qaranka ee ku yaala
Gorayo-cawl, Darar-weyne iyo Sheikh.
· Waxa kor loo qaaday anshaxa ciidanka. Iyadoo dib u habayn lagu
sameeyay waaxda garsoorka ciidamada qaranka.
· Halgan adag oo wajiyo badan lahaa ka dib, Ilaahay fadligiisa waxa
lagu guulaystay in la gaadho xuduudihii dastuuriga ahaa ee qaranka
JSL. Taas oo suurtagalisay in shacbigii degaanadaas ku dhaqani
helaan xuquuqahoodii is maamul, horumarineed iyo siyaasadeed, iyagoo
markii ugu horaysay hadda ka qayb qaadanaya doorashadan.
Maamul Daadejin
Walaalayaal,
· Iyadoo la tixgelinayo waajibka dastuuriga ee hoos u daadejinta
maamulka Xukuumadda, fidinta adeegyada aasaasiga ah iyo rabitaanka
dadweynaha; waxa la abuuray todoba gobol oo cusub. Kuwaas oo kala
ah: Salal, Gabilay, Oodweyne, Buuhoodle, Saraar, Badhan, Hawd iyo 20
degmo oo cusub.
Xoojinta Nab-doonaanta Bulshadda
Walaalayaal,
· Haddii aan si kooban uga hadlo arrimaha Nabadgelyada dalku waa
aasaaska nolosha aadamaha, dalna wax horumara kuma talaabsan karo
haddii aanay nabadi jirin.
· Waa wax Ilaahay loogu mahad naqo inuu dalkeenu maanta ku sugan
yahay nabadgelyo aad u heer saraysa oo aynu ka mid nahay dalalka
Africa ugu nabad gelyada fiican. Africa iyo Adduunka kale ma jirto
meel ay Lacagta iyo Dahabku suuqyada wadhan yihiin. Taasi waxay ku
timid dedaal badan oo ay Xukuumadda, Hay’adaha nabadgelyada u
xilsaaran ee Ciidamada Qaranku kow ka yihiin; madax dhaqameedyada
iyo dadweynaha Somaliland ee nabadda jecel ay ammaanteeda leeyihiin.
· Sida aad wada dareensan tihiin, waxa jira cadow badan oo u quudhi
waa iyo xiqdi dartii doonaya inay curdin dhadhiyaan dimoqraadiyadda
iyo horumarka aan ku talaabsanay iyagoo adeegsanaya tabo iyo xeelado
qarsoon. waxa hubaal ah in cadawgu kelidii waxyeelo inoo gaysan
Karin hadii aanu helin qaar inaga mid ah oo dhagaraha cadawgu inoo
maleegayo gacan ka geysanaya. Kuwaas oo laga yaabo in maslaxado
maadi ama siyaasi ah lagu dagay ama caqliga laga xaday.
· Shirqoolada ay cadawgu inoo maleegayaan waxa tusaale inoogu filan
fal-dhagareedkii axmaqnimada ahaa ee kooxo argagixiso ahi 29
Oktoobar ka fuliyeen madaxtooyadeenii Qaranka iyo xarumo kale oo
muhiim ah oo caasimada ku yaala. Falkaas arxandarada ah oo lagu
xasuuqay muwaadiniin labaatan kor u dhaafay intaa labanlaabkeedna ku
dhaawacmeen.
· Intii ka dambaysay fal-dhagareedkii 29 Oktobar 2008, waxa la
labanlaabay feejiganaantii ciidamada amniga iyo iska kaashiga ay la
leeyihiin muwaadiniinta xalaalasha ah. Taas oo suurtagelisay in
tiroba dhawr jeer gacanta lagu dhigay hub culus oo dalka la soo
geliyay.
Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah
· Intii Xisbiga UDUB uu talada hayay waxa habeen iyo maalinba dedaal
loogu jiray sidii ay Somaliland uga mid noqon lahayd dalalka la
aqoonsan yahay. Sidaas darted waxay wasaarada hawshan u xil saarani
ku guulaysatay in ay dalal badan oo dunida ka mid ah ku qanciso xaqa
ay u leedahay dalka Somaliland in loo tix geliyo madaxbanaanideeda
ku timi doonista shacbiga.
· Waxa la sameeyey siyaasada arimaha debeda ee dalka jamhuuriyada
Somaliland (foreign Policy).
· Waxa lagu guulaystay in 23 wadan oo aduunka ka mid ah laga furo
xafiisyo ay joogaan wakiilo rasmi ahi iyo qaar ay joogaan wakiilo
sharafeedyo
· Waxa si aan kala go’ lahayn loo abaarray ururada ay ka mid yihiin
EU-da, AU, Jaamacad Carabta, Urur-goboleedka IGAD, taasina ay
keentay in si cad oon madmadow ku jirin loo kala saaro qadiyada
Somaliland iyo arimaha Somaliya.
· Waxa kale, safaro aqoonsi raadin ah oo ku siman ilaa heer
Madaxweyne, Madaxweyne ku-Xigeen, Wasiiro, Xildhibaano lagu booqday
ugu yaraan 24 dal dhawrkii sanadood ee u danbeeyay.
· Waxa suurto gashay in baasaboorka Somaliland lagu tago wadamo
badan oo dunida ah.
· Waxa suurto gashay in weftiyo sare oo xaqiiqo raadis ahi dalka
yimaadaan. Kuwaas oo ay ka mid yihiin Gudoomiye Ku Xigeenka ururka
Midowga Afrka (AU), Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamanka Kenya, iwm.
· Waxa kale oo lagu guulaystay in xidhiidh iskaashi wacan lala
sameeyay dalalka jaarka sida Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo yemen.
· Waxa kalood ogtihiin in midhaha Safaradaasi ka soo baxay ay suurto
galisay in markii ugu horeysay muddo 19 sanadood ah ay dalkeena
booqasho ku yimaadaan, Masuuliin sare oo ka socda Dawladdaha
Maraykanka, Ingiriiska, sida: Mrs. Jendayi Frazer (Kaaliyihii
Xoghayaha Arrimaha Dibadda u qaabilsanaa Arrimaha Africa) Iyo Cris
Millen (Wasiiru-Dawlaha arrimaha Afrika ee Ingiriiska)
· Xukuumada Somaliland waxay Kharash ku bixinaysay sharci yaqaano
iyo la-taliyayaal dhinaca horumarinta qadiyada Somaliland. Taasina
waxay keentay in la kasbado dalal badan, hay’ado iyo jaamacado badan
oo aduunka ah iyadoo aqoon yahano badani haatan u ololeeyaan
qadiyada Somaliland.
· Waxa aqoonsi raadinta kaalin mug leh ka qaata jaaliyadaheena
debeda oo ay hormuud u yihiin hawlwadeenada xisbiga UDUB ee wadamada
debeda.
· Waxa soo bidhaamaya aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo aan rajo
wayn noo muujiyeen wadamo badan oo aynu saaxiibo nahay.
· Waxa nasiib darro ah in marka ay wufuud dawladda ka socotaa safar
ugu baxdo dibedda si loo sii ambaqaado aqoonsi raadinta ay marwalba
barbar socdeen baaqyo iyo dhambaalo ku lidi ah dedaalka xukuumadda
ee aqoonsi raadinta oo ka imanayay axsaabta mucaaradka, gaar ahaan
xisbiga KULMIYE; mararka qaarkoodna ay abaabulayeen mudaharaadyo
looga gol lahaa in la wiiqo sumcadda wanaagsan iyo qadiyadda gooni
isu taaga Somaliland.
Daryeelka Bulshada Tabaalaysan
· Waxa la abuuray xarumaha dhaqancelinta naafada oo muwaadiniinta
laxaadkoodu dhiman yahay u fidiya adeegyo kala duwan.
· Waxa caasimadda laga sameeyay Xarun cusub oo ay gacanta ku hayso
hay’adda SOS. taas oo lagu koriyo caruurta agoomaha ah ee aan haysan
cid kafaala-qaada. Waxa taa barbar socda xarumaha daryeelka agoomaha
ee hore u jiray oo ay dawladdu maamusho.
· Waxa taakuleyn dhinaca caafimaadka iyo waxbarashada caruurta ah
loo fidiyaa 4000 qoys oo sabool ah oo ku nool caasimada.
· Waxa muwaadiniinta danyarta ee ku nool xaafadaha dacalada Hargeysa
loo dhisay 84 guri oo jaajuur ah iyo 630 jiingadood
· Intii u dhaxeysey 2003-2008 waxaa dalka lagu soo celiyey
muwaadiniin tiradoodu gaadheysa 42469 Qof oo qaxooti ku ahaa
Itoobiya iyo Djbouti.
· 950 Qoys oo u badan Qaxooti dalka ku soo laabtey iyo qoysas ay wax
yeeleeyeen duufaano ayaa loo qeybiyey 9500 neef oo adhi ah.
· Waxa tababaro xirfadeed loo sameeyay 2517 qof. Xirfadahaa oo kala
ahaa korantada, Nijaarida, Wasdaadida, Maamulka Xafiisyada,
Combuterka, Biyo gelinta iyo biro-laabida.
Kobcinta dhaqaalaha dalka
· waxa lagu talaabsadey in Dhakhliga la kordhiyo, Maamullka
cashuuraha iyo dhaqaalaha bulshada oo la isu dheelitiro.
· Waxa lagu dhaqaaqay nidaamka dhaqaale ee is gaashaan-buureysiga
dawladda iyo ganacsatada gaarka ah oo afka qalaad lagu yidhaahdo,
Public Private Partnership (PPP). Taas oo lagu tijaabiyay Biyaha
Boorama, imikana tijaabadii labaad lagu ku eegayo korontada Berbera.
· Waxa Xukuumaddu dedaal badan ka gashay sidii laynooga qaadi lahaa
xayiraada la saaray dhoofka xoolaheena. waxa ay heshiis ganacsi la
gashay ganacsadaha weyn ee Al-Jaabiri, isaga oo ka sameeyay dalka
Maxjar weyn oo lagu xannaaneeyo laguna baadho xoolaha inta aan la
dhoofin. Maxjarkii labaad ayaa isna dhismihiisu gabogabo joogaa
· Waxa dhismihiisii iyo qalabayntiisiiba la dhamaystiray machadka
sare ee xanaanada xoolaha iyo Shaybaadh lagu baadhayo tayada cuntada
(quality control).
· Dalka Ethiopia ee aynu jaar nahay oo ah saylad balaadhan oo wax
soosaarkeena u iib gayn karno waxa noo socda wada-hadal heshiis is
weydaarsi baayac mushtari, iyadoo horena uu ina dhex maray heshiis
ku saabsan isticmaalka; dakadaheena, haamaheena, iyo madaaradeena,
· Waxanu joogtaynay in qiimaha sarifka dollarka la ilaaliyo si aaanu
is-bedbedelkiisu u saamayn ascaarta iyo maciishada. Taas oo
suuragelisay in aanu sarifku isbedelin muddo shan sanno iyo dheeraad
ah.
· Xukuumaddu waxay dhammaystirtay barnaamijka dib-u-dhiska iyo
horumarinta Somaliland oo la filayo inuu wax weyn ka taro
horumarinta dhaqaalaha. Barnaamijkaas oo soconayaa muddo Shan Sanno
ah oo ka soo bilaabantey sanadkii 2008dii, waxa ku bixi doona lacag
dhan $ 550’000’000/- (Shan boqol iyo Konton Milyan oo Dollar-ka
Maraykanka ah).
· Walaalayaal, waxaan idiinku Bushaaraynayaa in halgan kii dib u
dhiska dalka ee Sabirka iyo Dulqaadku waraabinayey ay rajo iyo
kalsooni cusubi ay soo food saartay.
Warshadaha
· Si Xukuumadu u dhiirigaliso warshadaynta iyo waxsoosarka wadaniga
ah waxay go’aansatey in cashuur dhaaf iyo diiwangalin lacag la’aan
ah (Free Registration) loo sameeyo ciddii kasta ee doonaysa inay
dalka keento wershad.
· Taasi waxay dhiirigalisay inay dalka ka hana qaadaan ugu yaraan 20
wershadood oo ay leeyihiin muwaadiniin. Kuwaas oo soo saara
badeecado kala duwan oo markii hore ay inagaga bixi jirtey lacag
adagi; sida, biyaha, sharaabka, hargaha, saabuunta, furaashyada,
shambooga, balastikada, hilibka, tabaashiirta. Iwm.
· Waxa kale, oo iyana diyaara oo diiwaangelintoodii iyo
daraasadoodiiba dhamaatay tobaneeyo warshadood oo la filayo in si
dhakhso loo hirgaliyo.
Beeraha
· Waxaa la dhisey naxaro dharerkiidu yahay 2686 Mitir
· Waxaa la qeybiyey Bomamka waraabka ah beeraha oo tiradoodu dhan
tahay 1128 bam
· Waxaa la dhisey kanaalo waraab oo dhererkoodu yahay 9500 Mitir
· Waxaa la qodey Lana dhisey 55 ceelalka waraabka ah beeraha
· Waxaa la sameeyay biyo-xidheeno (Sub-Surface dams) tiro badan oo
laga xidhay dooxyada
· Waxa la bixiyey tababaro kala duwan oo beeraleyda loo sameeyey
· Waxaa la dhisay Lana hagaajiyey 30 ceel biyood
Khayraadka Dabiiciga ah
· Si loo helo macluumaadka shidaalka iyo macaadiinta dalkeena ku
duugan, oo helitaankeeda ay darbiyo adagi inaga hor taagnaayeen oo
ay ka mid tahay aqoonsi la’aan; waxay Xukuumadu heshiis la gashey
shirkad la yidhaa TGS/NOPEC. Shirkadaasi waxay inaga caawisay
Sahanka iyo macluumadka shidaalka dalka, iyadoo adeegsanaysay
diyaaraddo ay saaran yihiin qalab casri ahi, waxay sahamo kala duwan
ka samaysay baddeena iyo barigaba. Sahankaas oo la soo gabo-gabeeyay
sanadkii tegay waxaa ka soo baxday natiijo lagu farxo. Waa markii u
horeysay ee dalkani helo dhokomenti rasmi ah oo ku saabsan
macluumadka Shidaalka dalka ku jira bad & berriba.
· Waxa ay xukuumadu ka hawlgashey adkeynta dhoofinta macdanta sharci
darrada ah ee dalka, iyadoo goobaha kastamada iyo madaaradda lagu
xoojiyey masuuliyiin u xilsaaran qabashada dhoofinta macdanta aan
sharciga aheyn.
Waxbarashada.
Walaalayaal,
· Xukuumaddu iyada oo mudnaanta koowaad siinaysa horumarinta iyo
tayaynta waxbarashada dalka, waxay ku bixisay dedaal dheeraada
horumarinta waxbarashada:
· waxay xukuumadu ku tallaabsatay inay waxbarashada gaadhsiiso min
heer gobol, degmo ilaa tuulo.
· Waxa dalka laga dhisay dugsiyada Hoose/Dhexe tiradoodu dhan tahay
639 dugsi oo ku baahsan dhamaaan gobolada & degmooyinka dalka.
· Tirada dugsiyada sare ee dalka laga hiragaliyey waxay dhan tahay
67 Dugsi sare oo ku baahsan dhamaan gobolada & degmooyinka dalka
· Waxa kale oo la dhisay
o Xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada oo lagu kordhiyey dhisme
Dabaq ah-
o 5 Xarun Cilmiyeed ( Resource Centres )
o Xarunta Imtixaanaadka oo si buuxda qalab ahaan iyo agab ahaaba
loogu dhamays tiray.
o 8 Guri oo ah kuwa macalimiinta ee dugsiyada ku dhexyaal.
o Waxa la dayac-tiray, si buuxda loo qalabeeyey 17 xafiis oo ka mida
kuwa xarunta dhexe
o Waxa la dayac-tiray korna loo qaaday deyrka xarunta dhexe.
· Si caruurta qoysaska reer guuraaga ahi u helaan fursad waxbarasho
waxa la hirgaliyay Dugsiyada quudinta leh oo tiradoodu dhan tahay
224 dugsi. Kuwaas oo loo dhisay madbakh, Istoodh iyo qolka cuntada
oo si buuxda loo qalabeeyay iyo maacuun ka kooban kuwii wax lagu
karinayey, kuwii wax lagu cunayey iyo kuwa wax lagu cabboba.
· Tirada macalimiinta & shaqaalaha ka hawlgala dugsiyada dawladda
waxay dhan yihiin 2478.
· Shantii sanadood ee u dambeeyay waxa deeq waxbarasho debadda loogu
direy arday tiradoodu dhan tahay 249 arday. Kuwaas oo tagay wadamada
Itoobiya, Kenya, Ugaandha, Suudaan, Yeman iyo Masar.
· Sidoo kale, shantii sanno ee u dambeeyay waxa deeq waxbarasho oo
dalka gudihiisa loo fidiyay 4019 macalin oo aqoontooda la
gaadhsiinayo heer Diploma iyo heer Degree.
· Tirada ardayda wax ka barta xarumha waxbarshada dadka waa-weyn
waxay dhan yihiin 23778.
· Tirada ardayda wax ka barata dugsiyada dhaqaalaha Qoysku (Family
Life Education Centers) waxay dhan yihiin 6230 arday.
· Tirada dugsiyada Waxbarashada Dadban ee la dhisay waa 44 Dugsi.
· Dugsiyada farsamada gacanta iyo xarumaha xirfadaha kala duwan waxa
ka qalin jabiyay arday tiradoodu dhan tahay 4359 arday.
Tacliinta Sare
· Waxa dalka Somaliland ka hano qaaday 5 Jaamacaddood. Sidoo kale
waxa diiwaan gashan 4 Jaamacadood oo kale oo dhawaan la abuuray.
· Tirada ardayda wax-ka-barata Jaamacaddaha Hargeysa, Camuud, Burco,
Admas iyo Golis waxay kor u dhaafeen 5400 oo arday, waxa ka qalin
jabiyey aqoonyahano isugu jira saynisyahano, dhakhaatiir,
maamul-yaqaan, sharci-yaqaan, iwm, .
· Waxa kale oo la abuuray, Kulliyadda Cilmiga Badda iyo
Kalluumaysiga ee Berbera, Jaamacadda Tima Cadde ee Gabiley iyo
Jaamacadda Nugaal ee Laas-caanood oo iayana hadda shaqeeya.
Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
· Waxa la dhisay dhamaan Xidhiidhada Ciyaaraha kala duwan oo kala
ah:
1. Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland
2. Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Somaliland
3. Xidhiidhka Kubadaha Gacmaha Somaliland
Kuwaasi oo maanta si buuxda u shaqeeya oo xafiisyadooda iyo
sharciyadooda leh.
· Waxa la bilaabay in la qabto tartanka Ciyaaraha Gobollada dalkeena
sanadkiiba hal mar.
· Waxa kale oo la hir-galiyey tartanka Ciyaaraha ee Gobol kasta
degmooyinkiisa dhex mara (Inter Regional Tournament).
· Waxa kale oo qorshaheeda gacanta lagu hayaa, sidii magaalooyinka
waawayn looga sameyn lahaa Garoomo Dhallinyaradu ku Ciyaarto.
Caafimaadka:
· Waxaa la dhisay 37 xarumo caafimaad (Health Centers) oo ku baahsan
dhamaan gobolada dalka.
· Waxaa la kordhiyay 69 rugo caafimaad (Health Posts) oo laga
hirgeliyaya 69 tuulo oo ku baahsan dhamaan gobolada dalka.
· Waxa la dhisay oo laga shaqeysiisyay 4 cusbitaal degmo (District
hospitals) oo laga hirgeliyay Zeila, Caynabo, Buuhoodle iyo Badhan.
· Xukuumaddu waxay dayactir iyo ballaadhin lagu sameeyay dhammaan
isbitaaladda guud iyo kuwa qaaxada ee lixda gobol ee Somaliland,
iyadoo sidoo kale qaybo cusub oo qaliin ah iyo shaybaadho laga
hirgeliyey Cisbitaaladaas .
· Waxaa dhamaan cusbitaalada gobolada dalka loo keenay gaadiidka
gurmadka degdeg ah (ambulance). Waxa kale oo cusbitaalka guud ee
Hargeysa loo keenay gaadiid ay ka mid yihiin 2 mini-bus, 1 Iskarogo
iyo 1 pick up kuwaas oo lagu adeego adeegyada xusbitaalka iyo
baahida bukaanka.
· Waxaa cusbitaalka Hargeysa loo dhisay bakhaar weyn oo lagu keydiyo
daawooyinka iyo qalabka caafimaadka.
· Cusbitaalka Guud ee Hargeisa waxa lagu kordhiyay dhisme cusub
qaybta qallinka oo casri ah oo ka kooban 5 qaybood oo qalliin, kuna
qalabaysan dhamaan qalabka qalliimada casriga ah iyo xarunta cusub
oo gurmadka deg deg ah.
· Waxa la keenay warshad cusub oo si joogto ah u samaeysa hawada
Oxygen ee wax ka tarta gurmadka deg deg ah ee ay u baahan yihiin
bukaanka culus iyo kuwa qallinka loo sameeyo.
· Waxaa dib-u-habayn balladhan lagu sameeyey xarunta shaybaadhka
isbitaalka Hargeysa, oo ku qalabaysan qalab casri ah laguna baadho
dhamaan cudurada kala duwan ee ka jira dalka,
· Xarunta shaybaadhka Somaliland waxay ku guulaysatay shahaadada
qiimaynta xarumaha shaybaadhka Africa oo lagu maamusay hanaanka
xirfadda shaqo, qalaka iyo nidaam ushaqeeyo shaybaadhka Hargaysa.
· Waxa laga bilaabay cusibaalka guud ee Hargaysa mashruuc tijaabo ah
oo lagu dhaqan-gelinayo siyaasadda daawada qaranka kuna baxaysa
lacag dhan $500,000.
· waxay sidoo kale dib-u-habyn balaadhan lagu sameeyay xarumaha
keydka daawooyinka ee Hargeisa iyo gobolada si ay ula jaan qaadaan
hirgelinta siyaasadda cusub ee daawada.
· waxa dib loo furay dugsiyadii Kalkaaliyayaasha caafimaadka ee
Hargaysa, Burco, Borama iyo Laascanod.
· Waxaa 5 sano ee u dambeeyay ka qalan-jabiayay laamaha kala duwan
ee culuumta caafimaadka hawl-wadeeno caafimaad oo tiradoodu dhan
tahay 427 ay ku jiraan 11 Dhakhtar, 187 Kalkaaliye, 70 Umuliso, 20
shaybaadhe, 10 Suuxiyayaal.
· Waxaa loo diray wax-barasho dalka Sudan oo soo dhamaystiray 11
arday oo ka mid ah ardaydii ku jirtay kuliyaddii caafimaadka ee
muqdisho si ay u soo dhamaystaan waxbarashadoodii Dhakhtarnimo.
· Xukuumaddu waxay ku guulaysatay inay la tacaasho shubankii asiibay
5313 qof oo ay 58 ka mid ahi shubaankaasi u dhinteen, waxaanu
shubankaasi si rasmi ah inooga dhammaaday dabayaaqadii 2007.
· waxa la hirgeliyay Barnaamij lagu yareynayo khatarta Cudurada
Dilaaca iyo xoojinta tallaalada Cuduradda Dilaaga Dhallaanka iyo
Hooyada iyo Barnaamijka Xakamaynta Cudurka Duumada;
· Waxa la diyaariyay barnaamij ballaadhan oo kor loogu qaadayo
aqoonta iyo farsamda caafimaadka isla markaa dib loogu soo celinayo
xirfadlayaasha caafimaadka xarumaha caafimaadka dalka barnaamijkaas
oo maal-gelintiisa ay wasaaraddu la kaashanayso waaxda horumarinta
caalimga ee dawladda Ingiriiska (DFID),
· Waxaa la dhisay cusbitaalada waalidda ee Burco & Borama.
· Waxa dhamaan cusbitaalada dalka lagu kordhiyay qayb cusub oo lagu
daaweeyo cudurada laysugu gudbiyo galmada sida HIV/ADS.
· Dawaladu waxay ku guulaysatay dhismaha guddi Qaran ee la
dagaalanka cudurka HIV/AIDS iyadoo dawladdu ku guulaysatay hakinta
iyo ka hortagga faafinta cudurka HIV/AIDS..
§ Waxaa Somaliland ku guulaysatay cidhib-tirka cudurka dabaysaha oo
aan afartii sanno ee u dambeeyay lagu arag dalkeena.
§ Waxaa sannadkan laga bilaabay dhaamaan gobolada Somaliland olalaha
maalmaha caafimaadka caruurta. Taas oo lagu tallaalayo dhamaan
caruurta ka yar 5 sanno isla markaa lagu hubinayo heerkooda nafaqo,
laguna daaweeynayo, waxaa sidoo kale lagu tallaalayaa hooyooyinka ku
jira da’da dhalmada.
§ Olalahan oo wajigiisii saddexaad uu 31 Jamuary ka bilaabmay Sool
iyo Sanaag waxaa lagu daaweynayaa caruur iyo hooyooyin dhan
1,300,000 (hal milyan iyo saddex boqol oo qof) waxana ka qayb-qaatay
867 kooxood iyo 905 gaadhi dhamaan gobolada, degmooyinka iyo
tuulooyinka dalka.
Garsoorka iyo Caddaaladda
· waxaa dib u habayn balaadhan lagu samayeeyay gebi ahaanba
Hay’adaha Cadaaladda (Justice Reform)
· Waxa la abuuray Guddi Qaran oo dib u eegis ku samaysa shuruucda
dalka (Law Review Commission)
· Waxa laga furay Maxkamadihii u adeegi lahaa bulshada ku dhaqan
dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka.
· Waxaa laga furay Maxkamado Degmo dhamaan waaxyaha kala duwan ee
caasimada.
· Waxaa dhamaan Maxkamaddaha Goboladda ee Racfaanka loo diyaariyay
in ay Guur-guuri karaan (Mobile) iyadoo la siiyay gaadiid cusub oo
ay u adeegsadaan kormeerista maxkamadaha gobolada iyo degmooyinka.
· Waxaa Dawladu ugu deeqdaa Qareeno lacag la’aan ah dadka danyarta
ah ee aan iskood u qabsan Karin Qareen ka difaaca Maxkamadaha
hortooda.
Xabsiyadda, Maxaabiista iyo Ciidanka Asluubta
· Waxa tababaro is daba socday oo aqoontooda lagu dhisay la siisay
saraakiisha, saarkiil xigeenka iyo askarta ciidanka Asluubta ee
gacanta ku haya maamulka Xabsiyada iyo meelaha kale ee Muhiimka u
ah.
· Dhamaan waxa laga shaqaysiiyay xabsiyada dalka iyadoo dib u dhis
iyo dib u hagaajin lagu sameeyay Xabsiyadda Hargeisa, Berbera,
Mandheera, Ceerigaabo iyo Gabilay si loo gaadhsiiyo heerka ugu yar
ee Caaalamiga ah (Minimum international stands).
· Dhaqan celinta maxaabiista waxa loo diyaariyay qalabki farsamada
gacanta ee lagu bari lahaa xirfad farsamo oo lagaga leexiyo
Caadaysiga Dunuubta kuwaas oo hadda loo diyaariyay Xabsiyadda
Hargeisa, Mandheera.
· Iyadoo xil la iska saarayo xuquuqda maxaabiista maadaama
xorriyadii laga qaaday daryeelkoodana Xukuumada Waajib ka saaran
yahay, ayaa la kordhiyay Raashinka Maxaabiista 150%.
Biyaha
Walaalayaal,
· Xukuumaddu waxay sanadihii u danbeeyey culayska saartey dejinta
siyaasada lagu hagaayo biyaha iyo sidii shacbiga Somaliland ay u
heli lahaayeen biyo ku filan oo nadiif ah,
· waxaana jira mashaariic qabsoontay iyo kuwo kale oo u qorsheysan
in la fuliyo wakhtiga soo socda, waxaana ka mid ahaa Mashaariicdii
la fuliyey:-
o 28 Ceel Cusub oo ku baahsan Gobolladda Dalka
o 16 Ceel oo la dayactiray
o 23 Ceel oo u qorshaysan in la qodo
Biyaha Caasimadda.
Waxa si wayn wax looga qabtey cabashadii biyaha ee ka jirtey
Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay hadda yaraatey
cabashadaasi,
· waxaana Xarumaha biyo soo saarka ee Caasimadda lagu soo kordhiyey
Qalab Biyo soosaar oo cusub, kuwaas oo isugu jira Mishiino, Bamam
iyo qalab kale, oo wax ka tari doona baahidii biyood ee ka jirtey
Caasimadda.
· Waxa dhinaca koonfureed ee caasimadda laga bilaabay biyo qodis oo
tiraba saddex ceel la qoday hase yeeshee lagu hungoobay, welina
lagama quusan in biyo laga soo saaro koonfurta caasimadda.
· waxa riigani biyo ka soo saaray lix ceel oo dhamaadey. Kuwaas oo 4
ka mid ah loo qoday waraabinta caasimada, labada kalena waraabinta
Gobolka Gabiley
Gurmadka Abaaraha iyo Aafooyinka.
· Xukuumaddu waxay Gurmad ka gashay Abaaraha baaxadda leh ee soo
food saaray dalka Somaliland, iyadoo ugu deeqday taakulo dhan $
270’000 (Laba Boqol iyo Todobaadan kun oo dollar).
· Xukumaddu waxay Gurmad ka gashey khasaarihii ay keeneen Roobab
Dabaylo watey oo ka da’ay meelo ka mid ah dalka Sanadkii 2007 sida,
Degmadda Allaybadey, Balli-Cabane, Baki, Boon, Berbera iyo Ceegaag.
waxaana dhamaan deegaanadaas la gaadhsiiyey Raashin, Weel, Baco,
Biyo dhaamis
Biriijyada iyo Waddooyinka Dalka.
· Dawladdu, waxay wax weyn ka qabatay:
o Dhismaha biriijyada, Burco, Qoryaale, Biriijka labaad ee Hargeisa
oo wali socda oo dhamaantood ay dawladdu bixisay kharashkooda 50%.
o Dhismaha Buundooyinka wadada dheer ee isku xidha Boorame illa
Caynabo,
o Dayactirka joogtada ah ee Biriijyada, Waddooyinka laamiga ah iyo
Buundooyinka,
· waxa kaloo xusid mudan in Magaalada Hargeysa, kala badh
Waddooyinkeedii si fiican loo dayactiray, kuwa cusubna la sameeyay
iyadoo dawladda iyo dadweynhuhu iskaashanayaan
· Waxa kaloo Qorshaysan in dib-u-dhis buuxa lagu sameeyo wadooyinka
isku xidha dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka iyo caasimadda iyo
kuwa isku xidha Somaliland iyo wadamada jaarka.
Madaarada Dalka.
· Waxa iyana wax weyn laga qabtay, Madaarka caasimadda, iyadoo la
suurtagaliyey in madaarka caasimaddu markii ugu horeeyay uu
Habeenkii Shaqeeyo,
· Waxa kor loo qaaday amaanka madaarka, iyadoo lagu rakibay qalab
casriya oo wax lagu baadho iyo Kamaradaha ilaalada oo habeen iyo
maalinba shaqeeya,
· waxa madaarka caasimadda lagu kordhiyey dhisme qolka Marti
sharafta (VIP) oo ay ku nastaan wufuuda dibadda inooga timaada.
· Waxa dhawaan la bilaabayaa dib u dhiska iyo kordhinta dhabaha
diyaaraduhu ka haadaan ee madaarka caasimadda oo lagu dari doono 600
Mittir. Taas oo suurtagalinaysa in diyaaradaha waawayni si sahlan u
isticmaali karaan madaarka.
· Waxa la dayactiray oo hawlgalay dhamaan gaadiidkii dabdemiska
madaarka Hargeysa. Waxa kale oo la soo iibiyey gaadiidka adeega
madaarka dhexdiisa ku filan.
Walaalayaal,
· Ka gayoon mayno haddii aynu damacno inaan mid mid u sheegno
wax-qabadka faraha badan ee xukuumaddu dalka iyo dadka u qabatey
mudadii ay masuuliyadda qaranka haysay, iyadoo aan helin taageero
dhaqaale oo macne leh.
· Waxaan aaminsanahay in Xukuumaddu waxqabad intaa ka badan ku
talaabsan lahayd haddii aanay jiri la’ayn taakooyinka mucaaradku
hordhigayeen talaabo kasta oo dhinaca horumarinta ah oo Xukuumaddu
hollato iyo fidno-alooska ay hadba bulshada dhexdeeda ka oogayeen.
Kuwaas oo damintooda ay ku lumaysay wakhti iyo maal lagu bixin lahaa
wax dadka & dalka wax tara.
· Axsaabta mucaaradku waxay had iyo jeer ummadda ku beer laxawsadaan
ereyga “IS BEDEL …. IS BEDEL”. Sidaa awgeed, waxa lagamamaarmaan ah
in ummadda Somaliland aan dareensiiyo xaqiiqada dhabta ah ee jirta.
· Odayaasha mucaaradka ah ee is-bedelka ku doodaya badankoodii waa
Wasiiraddii xilka waayay ee xukuumaddihii kala dambeeyay, haddii ay
horumarka ay ugu baaqayaan ummadda u keenayaan maxay ugu samayn
waayeen shalay markay kuraasida fadhiyeen?. Gudoomiyaha Xisbiga
Kulmiye miyaanu ahayn Wasiirkii Maaliyadda ee xukuumaddii Cigaal ee
anigu Madaxweyne Ku Xigeenka ka ahaa ee dhaqaale uu soo kordhiyo
iska daayoo ku guuldaraystay inuu dalka miisaaniyad u sameeyo?
Waxa had iyo jeer mucaaradku dhaliilaan wax-qabadka xukuumadda
iyagoo tooda ilawsan. Qarankani wuxuu ka kooban yahay saddex
waaxood. Marka laga yimaado waaxda Garsoorka, Xukuumadda waxa
hogaaminayay Xisbiga UDUB halka Golaha Wakiilada ay ka hogaaminayeen
axsaabta mucaaradku.
Hogaanka Golaha Wakiilada oo ah haldoorkii axsaabta mucaaradku iska
soo dhex xulay maxay qabteen shantii sanno ee ay xilka hayeen?
Waxaan odhan karnaa iska daa waxay taraane:
· waxay gayaysiiyeen golihii wakiilada ee loo han weynaa markii la
dooranayey inuu fadhiid noqdo oo gudan kari waayo waajibaadkiisii
sharci dejineed,
· Waxay tahli waayeen inay golaha soo hordhigaan si loo ansixiyo in
ka badan 50 mashruuc-sharci oo xukuumaddu u gudbisay oo qaarkood ay
ka dhaxleen golihii ka horeeyay.
· Waxay u xaqsoori kari waayeen 79 xubnood ee ay iyagu hogaanka u
yihiin ilaa ay gaadhay heer ay gacanta isula tagaan.
· Waxay ka baaqsadeen ku fulinta Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka
xildhibaanada golaha ka maqan muddo sanado ah.
· Waxay …. waxay
Arrimaha aan soo sheegnay waxay sawir fiican ka bixinayaan sida uu u
ekaan lahaa hogaaminta axsaabta mucaaradku haddii ay xukunka hayn
lahaayeen.
Haddaba, hogaamiyayaasha mucaaradka ee maamuli kari waayay una xaq
soori kari waayay gole kooban oo meel wada fadhiya ma hogaamin
karaan qaran dhan?
Hogaamiyayaasha mucaaradka ee golaha fadhiid ka dhigay iyagoo loo
dhamaystiray adeegyadii iyo dhaqaalihii ay u baahnaayeen ma
horumarin karaan qaran dhan?
Waxaan leeyahay ummaddani ma aha mid dhalaan habaabis lagu qaldi
karo, way taqaan nasteexeeda.
Guud ahaan shacbiga Somaliland waxaan kula dardaarmayaa inay si
nabadgelyo ah ku codeeyaan Ilaahayna tallo saartaan inuu u dooro
ciddii dalkan iyo dadkan u dan ah.
Waxaan ilaahay ka baryayaa in uu dalka ugu sii wado Nabadgelyada iyo
Horumarka uu maalinba maalinta ka sii dambeysa ku tallaabsanayo,
doorashadana ugu dhameeyo si nabadgelyo ah“
Source:sn
|