Xisbiga
UDUB ayaa Somaliland isu haya!
By, Mingiste, Qaybtii 1aad
(Sidu Udub dhexaadku isugu hayo Aqal Soomaaliga,ayaa Xisbiga UDUB-na
u y ahay Udub-dhexaadkii isu hayey shacabka reer
Somaliland,laakiin dad badan ayaan weli taas fahmin)Ku soo dhowaada
dhamaantiinba Maqaalo taxane a h,oo aan ku eegi doono Xisbiga
UDUB,oo ah mid ka mid ah saddexda Xisbi Qar an ee ka jira
Somaliland.Inta aan ku guda jiro qoraaladan,waxaan si fiican
id iin fahansiin doonaa arimo badan oo ku saabsan guud ahaan Xisbiga
UDUB, w axaana ugu mihiimsanaan doona arimaha ay ka mid yihiin:-
· Waxaan si buuxda idiin fahansiin doonaa waxa uu u taagan yahay
magaca UDUB iyo macna ahaan halka uu ka soo jeedo magaca
Xisbigu,maxaa loo doo rtay in magacaa loo bixiyo Xisbiga.
· Qaab dhismeedka Xisbiga UDUB,kaas oo aan odhan karo wax weyn kama
du wana qaabka ay u dhisan yihiin guud ahaanba Xisbiyada kale ee
Somaliland.
· Qaybaha ay ka kooban yihiin guud ahaan taageerayasha Xisbiga
UDUB,kuwii hore iyo kuwa cusub(ku soo biiray Xisbiga)
· Xukumaada xiligan xilka haysaa ma wada UDUB-baa , mise waxaa jira
qaar ka mid ah Golaha Xukuumada hadda jira oo aan weligoodba mabda
ahaan UD UB ka mid noqonin,UDUB-nimadooduna waa mid ku kooban
inta ay xilka haya an oo keliya. Waxaad fahmi doontaa in
Xukuumada hadda jirtaa ay ka kooban tahay dhamaan Xisbiyadii soo
maray Somaliland oo dhan.
· Maxaa keenay in marka xilka
laga qaado shaqsi,sida Wasiirada oo kale ,uu markiiba cay iyo
aflegaado u miiso,xukuumada,madaxda sare iyo UDUB-ba?,maxaa keenay
in ninkii xilka laga qaadaa uu markiiba UDUB ka cararo,oo uu Xisbi
kale ka soo jeesto ?
· Faragelin intee leeg ayaa Golaha Wasiiradu u geystaa howl
maalmeedka X isbiga UDU?,Maxaa keenay in marka Xisbi kale
hadlo,uu u jawaabo mid ka mid Golaha Wasiirada ?,iyadoo ay joogaan
Xoghayayaashii Xisbiga?,Wasiirku yuu Wasiir u yahay ma UDUB oo
keliya mise saddexda Xisbi?,jaabaha waxaad ka heli doontaa qoraladan.
· Siyaasada Xisbiga UDUB ee gudaha iyo dibadaba,waa mid noocee
ah?waxaan ku fahansiin doonaa waxa uu UDUB,kaga duwan tahay labada
Xisbi ee Mucaaridka ah Siyaasad ahaan.
· Waxaan kaga jawaabi doonaa qoraaladan suaalaha ay ka mid yihiin
UDUB, muxuu dalka iyo dadka u qabtay intii ka dambaysay 2003 oo
ahayd,markii xilka loo doortay .
· Dhibaatooyinka haysta UDUB,guud ahaan,gaar ahaan dhibaatooyinka ka
jira dhinaca maamulka marka laga soo bilaabo xarunta dhexe ee
Xisbiga, Xoghay ayaasha Xisbiga,lamaaha Xisbiga ee Gobolada,laamaha
Xisbiga ee dibada .
· Xidhiidhka ka dhexeeya ,fikradaha midba midka kale ka qabo Xisbiga
UDUB iyo Xisbiyada Mucaaridka ah,marka la dhaafo tartanka Doorasho
ee ka dhex eeya Xisbiyada.
Hadal iyo dhamaan intaan qoraaladan ku dhex jiro waxaan si cadaan ah
kuu fahan siin doonaa qodobada aan kor ku soo sheegay iyo weliba
arimo badan oo kale ,waxaan sidoo kale fahmi doontaa in Xisbiga UDUB
uu yahay kan isu haya shacabka reer Somaliland,la,aantiina
Somaliland waxay la mid noqon do ontaa AqalSoomaali Udub -dhexaadkii
laga saaray.
Mahadsanidin
…….la soco qaybta 2aad iyo macnaha magaca UDUB…………
Qalinkii Abdi M.Saleiman
(MIngiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
|