JAMHUURIYADDA SOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND


Xisbiga Cadaaladda Iyo daryeelka UCID




Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

Ref/UCID/002/2014 Date: 02/Jan/2014

Ujeedo:War-saxaafadeed



Guddida fullinta ee Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, ayaa kal-fadhigoodii todobaad-laha ahaa fadhiistay maanta oo ay taariikhdu tahay 02/01/2014, waxa ay go’aamiyeen inay lagama maarmaan tahay waqtigan in dib u habayn lagu sameeyo dhismaha hogaanka xisbiga,gudida fulinta iyo golaha dhexe ka hor intaan doorashooyinka dalka ku soo fool lihi qabsoomin.



Sidaa darteed markay gudidu aragtay xeerka xisbiga qodobka 14aad firqadiisa 2aad,qodobka 19aad firqadiisa 7aad iyo qodobka 7aad firqadihiisa 1,2,3aad waxay aqoonsatay Gudoomiye/kuxigeenka 2aad ee xisbiga ucid Mudane Cabdixakiim Garaad Maxamed:

1.Inuu hawshii loo igmaday aanu fulin.

2.Inuu joojiyay dhamaan xidhiidhkii hogaanka sare ee xisbiga ucid.

3.Inuu u hogaansami waayay xeerka iyo barmaamij-yada siyaasadeed ee UCID.



Xisbiga cadaalada iyo daryeelka waxa uu qirayaa Mudane Cabdixakiim inuu yahay muwaadin qadarin naga mudan,ceeb kalana aanu lahayn balse hawshii loo igmaday uu gabay.



Sidaa darteed baahida xisbiga ucid u qabo in xubno firfircoon loo xil saaro jagooyinka muhiimka ah waxa ay G.Fulintu go’aamisay:

A)Xilkii Gudoomiye/kuxigeenka ee uu Mudane Cabdixakiim Garaad u hayay xisbiga

Lagu wareejiyo xubin kaga haboon oo hawsha u gacan banaan,kana hawl gala dalka gudihiisa.



b)Waxa aanu xubnaha xisbiga ucid iyo taageerayaashaba la socodsiinaynaa inaanu Mudane Cabdixakiim Garaan Maxamed wax xil ah ka hayn xisbiga ucid laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 02/01/2014.



ALLAAH MAHAD LEH



Guddida Fullintaee Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID

Xarunta Dhexe ee Xisbiga UCID, Hargeysa, Soomaaliland