Xisbiga Ucid Oo Xaflad Soo Dhawayn Ah Usameyey Laba Musharax Oo U Tartami Doona Golaha Deegaanka Ee Hargeysa
 

 

 

Waxaan Doonayaa Halkan Inaan Ka Magacaabo Laba Qof....

Hargaysa(TNN)-Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee (Ucid) Ayaa Maanta Soo Bandhigay Laba M usharax Oo U Tartami Doonaa Golaha Deegaanka Ee Gobolka Maroodijeex.


Munaasibadaasi Oo Ka Dhacaday Hottel Maan-Soor Ee Magaalada Hargaysa Ayaa Waxaa Kasoo Qayb Galay Musharaxa Madaxwaynaha Ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen,Gudoomiyeyaasha,Garabada Haweenka Iyo Dhalinyarada Ee Xisbiga Ucid,Cuqaal, Waxgarad,Iyo Dadwayne Kale Oo Aad U Tiro Badan.
Furitaankii Xafladaasi Ayaa Waxa Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ee Xisbiga Ucid Jimcaale Maxamed Ciise Oo Siwayn Usoo Dhaweeyey Labada Musharax.


Sidoo Kale Waxaa Xafladaasi Ka Hadlay Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Ucid Mr Axmed Keyse, Gudoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Xisbiga C/Xakiin Garaad Maxamuud Cali Shire, Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Xisbiga Ucid Xaliimo Cismaan Raage Oo Dhamaantood Siwayn Usoo Dhaweeyay Labada Musharax Ee Iskasoo Sharaxay Xisbiga Ucid
Isaguna Waxaa Munaasibadaasi Ka Hadlay Mawliid Maxamuud Aw Aadan Oo Ah Mid Kamida Labada Musharax Ee Munaasibadaasi Loo Qabtay Isaga Oo Ku Dheeraaday Waxyaabihii Ku Dhaliyay Inuu Iskasoo Sharoxo Golayaasha Deegaanka Sidoo Kalena Umahad Celiyey Dadwaynihii Kasoo Qayb Galay Xafladaasi.


Dhanka Kale Waxaa Isaguna Hadal Kooban Kajeediyay Xafladaasi Cabdi Dool Kaariye Oo Ah Isaguna Musharaxa Labaad Ee Xafladaasi Loo Qabtay Isaga Oo Ku Amaanay Xisbiga Ucid Sidii Wanaagsanayd Ee Ay Usoo Dhaweeyeen Sidoo Kalena Tilmaamay In Ay Fikradani Musharax Nimo Ku Dhalatay Sanadii 2008 Isaga.


Iyaguna Waxaa Madashaasi Hadalo Koob-Kooban Kasoo Jeediyay C/Casiis Maxamed Xaashi (Ina Cagawayne) Iyo Maxamuud Cali Muuse (Jiir) Oo Ah Musharixiin Hore Iskagasoo Sharaxay Xisbiga Ucid Iyaga Oo Siwayn Usoo Dhaweeyey Labada Musharax Ee Iskasoo Sharaxay Xisbiga Ucid. DSCN7667


Abwaan Axmed Saleebaan Bide Oo Isaguna Xafladaasi Ka Hadlay Ayaa Ilaahay Uga Baryey Musharixiinta Inuu Ku Guuleeyo Halka Ay Hiigsanayaan Sidoo Kalena Amaan Usoo Jeediyey Xisbiga Ucid.


Gebagabadii Xaflada Ayaa Waxaa Soo Gunaanaday Musharaxa Madaxwaynaha Ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Madashaasi Kaga Dhawaaqay Laba Gabdhood Oo Uu Xisbigu Xilal U Magacaabay Waxaana Hadaladiisii Kamid Ahaa “Xildhibaanada Maanta Aynu Halkan Kusoo Bandhigyno Mawliid Maxuumed Aw Aadan Iyo Cabdi Dool Kaariye Labadaba Waxaan U Rajaynayaa Guul Waad Guulaysateen Baanleeyahay Insha Allah, Waanu Idiinku Ridaynaa Waanu Idiin Kaambayn Garaynaynaa,Waxaad Tihiin Hormoodkii Xisbiga Xisbiguna Wuxuu Soo Bixi Karaa Marka Ay Musharixiinta Golaha Deegaanku Soo Baxaan Kolkaasuunu Xisbigu Xisbi Noqon Karayaa,Safarkaygii Boorama Waad Ogaydeen Meeshaasi Wacdaraa Ka Dhacay Runtiina Wacdaro Aad Iyo Aad U Qiimo Badan Ayaa Ka Dhacay Insha Allah Waxaanu Rajaynaynaa Inaanu Gabiley Ku Xigsiin Doono Marka Aanu Gabiley Ka Tagnana Gobolada Inta Kale Ee Xagaa Bariga Aanu Usii Kici Doono,Ma Jecli Inaan Hadalka Badiyo Laakiin Waxaan Odhanayaa Uun Dhawr Kalmadood Oon Kusii Darsanayaa Xisbiga Ucid Siduu U Socdo Iyo Fikradiisaba Waxa Iska Leh Gudoomiyaha Xisbiga Eng:Faysal Cali Waraabe Waxa Weeyaan Faysal Waa Nin Fikrad Dheer, Waa Nin Milgo, Leh Waa Nin Sharaf Leh, Waana Nin Taatiikhda Gali Doona Siyaasada Soomaliland Mustaqbalka Waana Ninkii Aas-Aasay Xisbigan Ucid, Faysal Waan Salaamayaa Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Oo Isaguna Inala Jooga Waan Salaamayaa Warbaahinta Ayaan Ka Salaamayaa Musharax Ku Xigeenkaygii Oon Isaguna Halkan Inala Joogin C/Rashiid Xasan Mataan Isagana Aadbaan U Salaamayaa Waxa Weeyaan Waxaan U Malaynayaa Ucid Way Dhaqaaqday Waana Wax Uu Ilaahay Wato Wax Uu Ilaahay Watana Cidi Joojin Kari Mayso Waa Dhaqdhaqaaq Socda Waa Isbedel Hor Leh Oon Rajaynaayo Inuu Mustaqbalka Uu Dhali Doono Wax Dadka U Keena Ididiilo, Inagu Barnaamij Qoto Dheer Oo Sidaynu Wax U Badali Doono Ah Waan Soo Hor Dhigi Doonaa Dadka Waanan Kala Hadli Doonaa Madasha Aanu Ugu Talo Galnay Laakiin Madashan Waxaanu Sheegaynaa Taageerada Aanu U Hayno Golayaasha Deegaanka Musharixiintan Maanta Aynu Soo Bandhigayno Oo Ah Rag Aqoonyahano Ah Oo Dhalinyaro Ah Oo Firfircoon Oo Isasoo Muujiyey Bulshadana Wax Ka Noqday Reerohooda Iyo Dhalinyarada Iyo Dadkuna Ay Taageereen Ayuu Xisbiga Ucid Kaga Aqbalay Inay Noqdaan Musharixiin U Taagan Golaha Deegaanka Ee Magaalada Hargeysa Iyagoo Ka Duulaaya Fikrada Iyo Ididiilada Uu Xisbigu U Hayo Inuu Ku Badalo Dalkan Soomaaliland.


Waxa Weeyaan Dee Horta Hadalkii Intiisii Badnayd Waa La Yidhi Laakiin Waxaan Doonayaa Halkan Inaan Ka Magacaabo Laba Qof Aniga Kaligay Maahee Xisbigaa Magacaabay Waana Laba Qof Oo Dumara Midi Waxa Weeyaan Hodan Cabdi Xuseen Oo Ahayd Garabkii Udub Ee Ilasoo Guuray Oo Ahayd Xubin Ka Tirsan Gudiga Fulinta Iyo Golaha Dhexe Ee Udub Waxaana Laysla Gartay Oo Gudoomiyaha Xisbiguna U Gartay In Loo Magacaabo Xoghayaha Arimaha Qoyska Ee Xisbiga Ucid Maanta Laga Bilaabo Hodana Way Inala Joogtaa Waanan Hambalyaynaynaa Waana Qof Aad U Qiimo Leh Oo Kasoo Jeeda Gobolka Sool Aadna Waan Usoo Dhawaynaynaa Hodan, Waxa Kale Oo Aan Magacaabaynaa Qof Aan Isagu Ka War Haynin In La Magacaabi Doono Lkn Arimahaasi Aanu Kala Hadalnay Waana Rooda Axmed Yaasiin Oo Noo Noqon Doonta Wakiilka Xisbiga Ucid U Fadhiya Gobolka Saaxil Rooda Ayaa Ka Shaqayn Doonta Xafiisyadii Ucid Ee Gobolka Saaxil Looga Shaqayn Lahaa Sidii Musharixiintii Golaha Deegaanka Loo Abaabuli Lahaa Arimahasoo Dhan Rooda Ayaa Nooga Shaqayn Doonta Rooda Waa Qof Aad U Qiimo Badan Bulshaduna Aad U Taqaano Aadbaanan U Hambalyaynaayaa Rooda Iyo Hodanba.


Runtii Waad Aragteen Wixii Boorama Ka Dhacay Wax Aad Iyo Aad U Cajiiba Ayaa Ka Dhacay Runtii Musharax Ku Xigeenkaygii Wuxuu Muujiyey Cududa Uu Ku Leeyahay Boorama Waana Aqoonyahan Runtii Isagana Aan Soo Dhawaynayno Oo Kamid Noqon Doona Laf Dhabarta Xisbiga Ucid ” Ayuu Yidhi Jamaac Cali Xuseen. DSCN7682


Guuleed Muxumed Ibraahim (Guuleed Yare)
Timacade News Desk
Hargeisa ,Somaliland