XISBIGA UCID OO U MAGACAABAY SADDEX MASUUL GARABKA HAWEENKA EE
FINLAND
UCID Media: Xisbiga UCID isaga oo ka duulaya u diyaar garawga
dhamaystirka qaab-dhismee dka guud ee xisbiga,isla markaana bilaabay
dib u habaynta iyo dardar gelinta dhamaanba laa maha xisbiga, waxa uu
maanta oo ay taariikhdu tahay 4tii January 2014 u magacaabay sadd ex
masuul Garabka Haweenka ee dalka Findland. Warsaxaafadeedkan oo uu
ku saxeexnaa Xo ghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee
UCID waxa uu u dhignaa sidatan:
Justice and Welfare Party (UCID)
Ref/UCID/35/0401/2014 Taariikh: 4th January 2014
Ku: Gudoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka
Ku: Xarunta Dhexe ee Xisbiga
Ku: Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Finland
Ku: Ciddii ay Khusayso
ASC Dhamaantiinba
Ujeedo: Magacaabis Saddex Xil oo Cusub
Madaxda Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, Wada tashi dheer oo
ay yeesheen ka dib waxa la isla gartay in loo magacaabo
masuuliyiinta hoos ku xusan xilalkan kala duwan ee soo socda.
Leyla Axmed Maxamed: Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Garabka
Haweenka Finland
Fadumo Xuseen: Khasnajiga Guud ee Garabka Haweenka Findland
Ifrax Maxamed Cisman: Gudomiyaha Xidhiidhka iyo Borotokoolka ee
Garabka Haweenka Findland
Waxa aan ku rajo weynahay in dhamaanba xubnaha iyo taageerayaasha
Xisbiga UCID ay si fiican ula shaqeyn doonaan masuuliyiintan xilalka
cusub loo magacaabay. Waxa kale oo aan kalsooni weyn ku qabnaa in ay
masuuliyiintani si karti iyo hufnaani ku jirto u gudan doonaan
xilalkooda iyo waajibaadkooda si waafaqsan Xeerka Guud ee Xisbiga
Ucid. Ugu dambayn waxa aanu si gaar ah uga codsanaynaa Gudoomiyaha
Garabka Haweenka ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID ee
Finland, Marwo Samiya Cumar Xaaji Muuse, in ay si degdeg ah u hawl
geliso masuuliyiintan si ay u gutaan waajibaadkooda Xisbi iyo tooda
qaranba.
Allah Mahad Leh
Yusuf Budle, Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee
UCID
|