Xisbiga Ucid oo Soo Dhaweeyay Wadohadallo Kasta oo D hexmara
Somaliland iyo Somaliya kuna Taliyay in laga midho dhaliyo
murrashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo
kuxigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan .....
Hargeysa(TNN):-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa soo dhaweeyey
wada-hadalo kasta oo dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya, balse
waxay soo jeediyeen inay wada-hadaladu noqdaan kuwo midho dhala oo
aanay noqonin sii soco oo soo soco ah.
Sidaa waxay si wada-jira ugu sheegeen murrashaxa madaxweynaha
Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo kuxigeenka Xisbiga UCID
Cabdirashiid Xasan Mataan oo Warsaxafadeed ka kooban lix qodob caawa
soo saarey, waxaanu Warsafadeedkaasi u dhignaa sidan:
“1. Marka hore waxaanu soo dhowaynaynaa wada hadallo kasta oo dhex
mara Somaliland & Somalia sida ay bulshada caalamkuba u
dhiirrigelinayaan; haseyeeshe waxaanu soo jeedinaynaa wadahadalku
inuu noqdo mid midho dhala, ee aanu noqon mid sii soco oo soo soco
ah.
2. Waxaanu aaminsanahay in taasi ku suurto gali karto, in marka hore
la caddeeyo Agendaha shirka iyo qodobada laga wada hadlayo. Marka la
isku raaco qodobada laga wada hadlayo ayaa la gaadhi karaa meel
looga sii socon karo, wada hadalka iyadoo laga wadda dheregsan yahay
arrimaha shirka lala tegaayo.
3. Xukuumadda maanta talada haysaa doorasho ayay ku timi, talo way u
baahan tahay iyo in ay axsaabta qaranka ka qayb geliso talooyinka
qaran sida tan wadahadalka oo kale ah, haseyeeshee waxay xaq u
leedahay xulashada ergada wadahadalka, iyadoo marwalba laga duulayo
in masiirka shacabka Somaliland ee gooni isu taaggu yahay mid aan
gor-gortan geli Karin. Xisbiga UCIDna waxa ay ummaddu u igmatay inay
ku ilaaliyaan xisbiga talladda haya markasta oo ay u arkaan in laga
leexanayo wadaddii ka midho dhalinta hanka shacabka Somaliland.
Markasta oo aanu aragno in dariiqii laga leexanayana waa mid naga
go’an in aanu shacabka la wadaagno.
4. Xisbiga UCID wuxuu aaminsanahay in ergooyinka wada hadalka ka
qayb galayaa ay ahaadaan kuwo la mida ama leh miisaankii iyo
saamigii ergadii calanka ka soo qaadaysey Ingiriis wakhtigii
xoriyadda ee 1960kii, saami ku suntan ergo isleeg tiro ahaan beesha
dhexe iyo beelaha darifyada; waxaanan xukuumadda Kulmiye u soo
jeedinaynaa in ay ka waantoobaan is indhotirka dhowraana wadajirka,
calool fayoobida iyo wax wada lahaanshaha shacabka S/land.
5. Siyaasadda Xisbiga UCID waa mid ku qotonta in aan walaalaheena
Somalia ee aynu kala baxnay 1991 kii ahaano walaalo derisa, isla
markaana kula noolaano is jacayl la mid ah ka aynu u hayno
walaalaheena Dawlada Deegaanka Somaalida Ethiopia ama walaalaheena
Soomaaliyeed ee Dawlada Djibouti ama walaalaheena ku jira Dawladda
Kenya.
6. Ugu Dambayn, waxaan soo jeedinaynaa in ay madaxda qaranka iyo
kuwa xisbiyaduba dhowraan anshaxa masuuliyadda kana waantoobaan
hadalada aan habboonayn ee saxaafada la isu marinayo.”
ILaahaybaa mahadleh, Somaliland Guul.”
|