Xisbiga Ucid oo Dacwad ka Dhan ah Gudida Diiwaan Galinta Ururada iyo
Asxaabta Qaranka u gubiyay Maxkamada ka dib markii muddo xileedkoodu
ku ekaa 04/10/2013 dhamaaday.
Dacwadayadu waxay sharci ahaan khusaynaysay 2badii ilaa bisha
4teedii wixii ka danbeey ay
Anagoo tixraacayna warqadii sumadeedu ahayd Ref:194/UCID/2013 kuna
taariikhaysnayd 02/10/2013, tooska aanu u siinay anagoo raacayna
sida u jideeyay Xeer No14/2011, taas oo aanu Dacwadii u horaysay u
gudbinay Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Axsaabta Qaranka kuwaas
oo muddo xillood koodii ku ekaa 04/10/2013 maalintaas oo ay ahayd
maalintii Maxkamada sare ay dhaarisay ka dib markay Golaha Wakiiladu
ansixiyeen 01/10/2011 Maxkamada sare na ay dhaarisay 04/10/2011
Maalintaas oo sida uu dhigayo Qod 6aad ee Xeer No14/2011 Guddidu ay
Xilka haynayaan Muddo 2ba sano ah oo ka bilaabmaya maalintay
maxkamaddu dhaarisay ee kor ku xusan, sida ku cad Qod 10aad ee
XeerNO14/2011 todobaad ka dib marka Golaha Wakiiladu ansixiyo ayaa
Maxkamada Sare horteeda lagu dhaarinayaa.
Sidaa darteed Guddida Diiwaan gelinta URUDA IYO Axsaabta Qaranku
Waxa Xilku kaga e kaa 04/10/2013, Dacwadayadu waxay sharci ahaan
khusaynaysay 2badii ilaa bisha 4teedii wixii ka danbeeyay 8 maalmood
oo Xilku ka dhamaaday ayay muddo dhaaf si ula kac ah iyagoo og in
waqtigii ka dhamaaday ayay Dacwadayadii dib uga dhigeen muddo
xillood koodii dhamaaday.
Sidaa daraadeed sida ku cad Qod 8aad ee XeerNo14/2011 shaqadii
Dacwadayadu waxay saaka ku wareegaysaa Komishanka Doorashooyinka
Qaranka maadaama oo ay Guddida Diiwaangelinta ururda iyo axsaabta
Qaranka uu Muddo xilloodkoodii dhamaaday, wax muddo kordhin ahna
ilaa maanta oo ay taariikdu tahay 12/10/2013 aanay soo gaadhin
Golaha Wakiilada JSL, isagoo Madaxweynuhu xaq u lahaa intaan muddadu
ka dhamaan ama gabaabsiga tahay inuu u soo gudbiyo Golaha Wakiilada
Hadduu doono in uu muddo kordhin u sameeyo laakiin ay caddahay in
aan ciddina u kordhion Karin maanta maadaama muddo xilloodkoodii
dhamaaday Madaxweynaha oo aan muddo kordhin soo qorin intii
muddadooda wax ka noolaayeen .
Sidaa awgeed Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID isaga oo
daliishanaya dhamaan qodobada kor ku xusan raacayana mar ba cidda uu
u jidaynayo XeerNo14/2011 ee Awoodda u leh in uu Dacwadiisa ku
hagaajiyo.
waxa aanu maanta oo ay taariikhdu tahay 12/10/2013 ugu soo
gudbinaynaa Dacwada ka dhanka ah labada Xildhibaan ee Kala ahaa
Mayorka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan iyo Xildhibaan
Cabdirashiid Maxamed X. Yuusuf.
Labada xildhibaan waxa ay si badheedh ah u jebiyeen xeer-hoosaadka
xisbiga UCID, Qodobkiisa 7 aad firqadihiisa 1aad,2aad iyo 4aad.
Waxa kale oo ay labada xildhibaan si cad u jabiyeen Xeer 14 ( xeerka
nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasadda oo loo soo gaabiyo xeer/LR/14/2011
).
xeerka anshaxa xisbiyada JSL ( code of Conduct ).
ku waas oo sida la wada ogsoon yahay loo qabtay xaflad si heersare
ah loo agaasimay oo ay ka qayb galeen madaxda sare ee Xukuumada
Somaliland oo ay ka mid yihiin Xubno Golaha Wasiiradda ka tirsan
sida Wasiirka Madaxtooyada iyo Gaashaandhiga iyo Madaxda sar sare ee
Hogaanka Xisbiga KULMIYE laguna qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada
Berbera taas oo u jeedada loo qabtay ku magacawnayd Labada
Xildhibaan ee Kor Ku xusan oo Ka baxay Xisbiga UCID una wareegay
Xisbiga KULMIYE, iyagoo ku xardhan istiikariska iyo astaamaha
Xisbiga KULMIYE.
Sidaa awgeed waxaanu Komishanka Qaranka ee Xeerku ujidaynayo
awoodana u siinayo sida ku xusan Qodabada aanu kor ku soo sheegnay
ee khuseeya muddo Xilleedka Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo
axsaabta Qaranka Marka muddadoodu dhamaato oo ah Komishanka
Doorashooyinka Qaranka inay Xildhibaanadan ka gutaan Waajibaadkooda
si waafaqsan sharciga iyo xeerarka khuseeya ee aanu kor ku soo
sheegnay, anagoo arintaa u hayna Cajalado kayd ah iyo Ducemntiyo ku
marag ah eedaymahooda keenina doona Xafiiska Komishanka
Doorashooyinka Qaranka.
Wabillaahi Tawfiiq
Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID
MD, Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey)_________
|