XISBIGA UCID OO DACWAD HORGEEYAY GOLAHA BAARLAMAANKA EE MARAYKANKA.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UCID Mudane Yusuf Budle: Anagaa u
maqan Somaliland, hagrana mayno..
Minneapolis (TNN):-Xoghayaha Guud ee Arrimimaha Dibedda iyo
Xidhiidhka Caalamiga ee Xisbi ga UCID, Mudane Yusuf Budle ayaa
maalintii ay taariikhdu ahayd 4tii June 2013 u gudbiyay da cwad
dheer golaha baarlamaanka ee dalka Maraykanka. Dacwadaas oo
difaacaysa qadiyadda gooni isu taaga Somaliland waxa uu nuxurkeedu
ku salaysnaa saddexda qodob ee kala ah (1) Arragtida wasaaradda
Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ee ah in beesha caalamka ay ugu
badinayso Soomaaliya oo midowda ay tahay figrad qaldan ayna soo
alooseen dalal dano gaar ah ka leh Soomaaliya, sida dalalka Carabta
oo ay u horayso dawladda Masar.
Waxa ay dacwadaasu si dheer u tibaaxaysaa colaadaha u dhexeeya Masar
iyo Ethiopia ee ku salaysan webiga Nile-ka, iwm., iyo weliba hubka
tirade badan ee ay Masar haatan ku gurayso Muqdisho iyadoo raacisay
tababarayaal u badan jeneraalo xag-jir ah oo aad uga soo horjeed a
danaha dunida reer galbeedka.
(2) In lacagta tirade badan ee Bilyanada ah ee lagu bixiyo
nabadaynta Soomaaliya ay tahay lacag ay leeyihiin cashuur
bixiyayaasha Maraykanka (Tax payers money) oo si qaldan loo maamulo,
run ahaantiina ku dhacda gacmo cadaw u ah dadka iyo dalka
Maraykankaba. Waxa qaybtan si dheer loohgu qaadaa dhigay in ay ilaa
hadda soo mareen ugu yaraan 5 dawladood oo ku meel gaadh ahaa oo mid
walba lagu bixiyay balaayiin doolar, dalka maraykankana ay kaga
dhinteen ciidan, shicib iyo weliba sirdoon aad u tiro badan, laga
soo bilaabo mashruucii Restore hope ilaa qafaalka joogtada ah ee ay
Al Shabaab ku hayso dadka sita ama u dhashay dalkan Maraykanka. Waxa
dacwadan lagu sheegay in 22kii sanno ee u dambeeyay Somaliland aanay
jirin hal qof oo loo dilay ama loo qafaalay nacayb loo qabo dadka
reer Maraykan, sidaasooy tahay hadana Somaliland ka qatan tahay
Bilyanada doolar ee lagu bixiyo ilaalinta nabada geeska Africa.
(3) Qodobka ugu muhiimsan ee dacwadan ayaa ahaa qodobka run ahaan
ugu horeeyay dacw ada oo doodiisu ahayd: Mustaqbalka soo socda, gaar
ahaan 25ka sanno ee soo socda waxa ay dawladda iyo dadka reer
maraykan ugu badinaysaa aqoonsiga Somaliland, dhaqaale ahaa n,
siyaasad ahaan iyo nabadgelyo ahaanba, taas oo si qoto dheer loogu
lafa guray kaalinta ay Somaliland oo la aqoonsadaa ka geli karto la
dagaalanka argagixisada, budhcad badeeda iyo weliba ka maaranka
dalal badan oo hadda Maraykanku kaga kiraysto fadhiisimo ciidameed
lacag aad u badan.
Haddaba maanta oo Jumce ah, 7dii June, ayaanu Xoghayaha Arrimaha
Dibedda ee UCID la yee lanay waraysi ku saabsan arrintaas, su’aashii
ugu horaysay ee aanu weydiinanayna waxa ay ahayd: Maxaa xisbi ahaan
idinku dhaliyay in aad hawshan imika ku dhaqaaqdaan ee aydaan hore
ugu dhaqaaqin, waxana uu ku jawaabay: Anagu ma nihin dawladdii
Somaliland, laakiin ka xisbi ahaan mar walba waxa aanu ka
faa’iidaysanaynaa xaalad kasta oo jirta oo aanu u arag no in aanu
uga faa’iidayn karno dalka iyo dadkayagaba. Isaga oo sii wata
hadalkiisana waxa uu yidhi: Anigu hadda waxa aan xilkan hayaa mudda
bil ka yar, run ahaantiina dacwaddan salaasaddii ina soo dhaaftay
aanu xeraynay waxa aan kasoo shaqaynaynay tan iyo maalintii u
horaysay ee xilkan la ii idmaday, waxana nala shaqaynaya saddex
looyar oo caan ah oo aqoonsiga Soomaliland nala qaatay in ay muhiim
u tahay nabadgelyada caalamka iyo weliba gaar ahaan tan Maraykanka,
markaa ma aha wax aanu iska ordayno oo aanu indho laa’aan iskaga
socono.
Yusuf oo aanu weydiinay xafiiska uu ka xereeyay dacwadan ayaa noo
sheegay in uu yahay xafiiska Gongressman Eric Paulson, oo kasoo
jeeda xisbiga Republicanka, kana mid ah gudih oosaadka golaha
baarlamaanka ee qaabilsan arrimaha Caafimaadka, dhaqaalaha,
ganacsiga iyo canshuuraha (Ways & Means Committee). Sababta aanu
xafiiskan u dooranayna waxa weeyi maadaama uu ka mid yahay gudiga
go’aamisa arrimaha ganacsiga iyo weliba dhaqaala ha oo ah meesha ugu
weyn ee Somaliland cuno qabatayntu ka saran tahay.
Waxa kale oo uu Yusuf noo sheegay in xubno tiro badan oo ka socda
golaha baarlamaanka ee dalkan Maraykanka oo uu ka mid yahay
Congressman Eric Paulson ay bisha sideedaad ee sana dkan tegidoonaan
magaalada Addis Ababa, arrimaha socdaalkoodana ay ugu muhiimsan taha
y xal u helidda arrinka webiga Nileka ee u dhexeeya Etiopia iyo
Masar, taas oo Somaliland u noqon karta fursad ay ku burburiyaan
dacaayadaha ay Masar la hor fadhiday caalamka 22kii sanno ee ugu
dambeeyay. Waxana aanu ka shaqaynaynaa siddii xubnahan baarlamaanku
Addis Ababa ugula kulmi lahaayeen Madaxweynaha Somaliland, haddii
Alle yidhaa, ayuu Yusuf yidhi.
Ugu dambayn waxa uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka
Caalamiga ee xisbiga UCID noo sheegay in maalintii khamiistii ee ay
bishu ahayd 6dii June, 2013 uu marti qaad rasmi ah ka helay saddex
xubnood oo ka tirsan golaha Baarlamaanka ee dalka Maraykanka ayna ka
cod sadeen in uu dhamaadka bisha July yimaado xarunta weyn ee
baarlamaanka si uu uga siiyo warbixin dheeraad ah oo ku saabsan
arrinta Somaliland, laakiin aan wax faahfaahin ah oo int aa dheer
aan laga siinin aananu ogayn in ay tahay mid albaabadu u xidhan
yihiin iyo mid kale.
C/Casiis Maxamed Buubaa
Minneapolis, MN USA
|