Xisbiga UCID Oo Burco Si Balaadhan Ugu Soo Bandhigay Cududa Taageerayaashiisa

 



Kumanaan ka tirsan taageerayaasha Xisbiga Ucid ee magaalada Burco oo ay wehelinayeen madaxda sare ee xisbigaas............


Burco (TNN) - Taageerayaasha Xisbiga UCID ee magaalada Burco iyo musharaxiintooda golaha deegaanka ayaa maanta ololahoodii doorashadda wareega afraad ku soo bandhigay magaaladaas.


Kumanaan ka tirsan taageerayaasha Xisbiga Ucid ee magaalada Burco oo ay wehelinayeen m adaxda sare ee xisbigaas ka tirsan ayaa soo afjaray ololahooda doorashadda golaha deegaan ka oo galay wareegii afraad ee ugu dambeeyay, kuwaasoo si wayn isugu soo baxay fagaara ha khayiriyadda Burco, halkaasoo ay khudbado kala gadisan uga jeediyeen masuuliyiinta xisb igaas.

Xoghayaha arimaha gudaha ee Xisbiga Ucid Cabdi Maxamuud Saleebaan (Mingiste) oo ka mid ahaa masuuliyiintii Ucid ee fagaarahaas ka hadlay ayaa ugu baaqay taageerayaashooda gobo lka Togdheer inay codkooda ku soo saaraan musharaxiinta Ucid ee u taagan golaha deegaan ka Burco si uu xisbigu u guulaysto waxaanu yidhi.

“Dhamaan taageerayaasha Ucid sidaad la socotaan maanta waa maalintii inoogu dambaysay banaanbaxa ololaha doorashadda waxaanan idinku wargalinayaa ballanteenu inay noqoto m aalinta codbixinta, maalintaana waxa la idiinka baahan yahay inaad fartiina ku ciil-baxdaan oo aad u hiilisaan xildhibaannada aad soo saaraysaan ,codkiinuna waxa uu xanbaarsan yahay dh awr wax, marka u horeysana waxaad soo saaraysaan xildhibaannadii degmadda Burco ee aad ku kalsoonaydeen, ta labaad waxaad soo saaraysaan oo aad u hiilinaysaan Xisbigii marka sad dexaad-na waxaad u hiilinaysaan caddaaladii iyo daryeelkii xisbigeena lagu yaqaanay.

Waxaanu intaas ku daray oo uu sheegay taageerada xisbigooda inay mar-ba marka ka damba ysa ay sii xoogaysanayso.

Sidoo kale waxa iyana halkaas ka hadlay masuuliyiin kale oo ururkaas ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen Mustafe Ismaaciil, Axmed Nuur Shire iyo waliba madax-dhaqameed waxaanay dham aantood ku wargeliyeen taageerayaashooda inay nabadgelyada ilaaliyaan, isla markaana cod kooda isla garabtaagaan maalinta codbixinta musharaxiinta Xisbiga Ucid ee Degmadda Burco, kuwaasoo ay xuseen inay aqoon iyo daacad-nimo ku soo xuleen.

Dhinaca kale, taageerayaasha xisbiga Ucid iyo musharaxiintooda magaalada Boorama ayaa iy aguna isugu soo baxay fagaaraha beerta xorriyada ee magaaladaas.

Waxaana halkaas kala hadlay musharaxa madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga Ucid iyo guddo omiye ku-xigeenka koowaad ee xisbigaas.

Musharaxa Madaxweynaha xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa isaguna taageerayaasha xis bigaas kala qaybgalay isu soo baxa ololaha doorashada deegaanka ee magaalada Ceerigaabo.

Sidoo kale, magaalooyinka Berbera, Gabiley iyo Oodweyne ayay isugu soo baxeen taageeray aasha xisbigaas, waxaana fagaarayaasha magaalooyinkaas kala hadlay musharaxiinta iyo ma suuliyiinta xisbigaas.

 

 

 


Timacade News Desk
Burco , Somaliland