XISBIGA UCID EE UK OO XAFLADA BALAADHAN OO SOO DHAWAYN AH U QABTAY MAXAMED RASHIID M/KUXIGEENKA UCID

 


Xisbiga Ucid oo shirbalaadhan ku qabtey galbeedka magalladan London shirkaas oo ku s aabsanaa soo dhaweyn iyo  xog  wa raysi gudoomiye ku xigeenka ahna musharaxa  madax wayne kuxigeenka Dr Mahamed Rashiid Sh.Hasan shirkaas oo ka  dhac ay Hoteelka Idman.

Ugu horayn waxa lagu furay Aayado Quraana oo uu halkaa ka akhriyay Dr Abokor Egeh Faahiye,intaa ka dib waxa hadalo  ko oban oo soo dhaweyn ah madasha ka akhriyey  Gudo omiye ku xigeenka Uk Koosaar Caydiid Abdi isagoo sheegay in  Gudoomi yihii Uk Ibrahim  Ra shiid oo lug ka jabay isagoo salaan qiima badana ka sida intaas ka dib waxa hadalkii kusoo dhaweeyay gudoomiye ku xigeenka Dr Maxamed Rashiid sh Hasan si diiran ugana  waram ay wax qabadka Uk iyo halka ay wax marinaya.

Waxa isna madasha ka hadlay warbixin koobana ka bixiyey Maxamed Ibraahim Adan ahna Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo  xi dhiidhka gobalada waxa uu xoghayuhu aad ugu mahad naqay gudoomiye ku xigeenka kasoo qaybgalka xafladan isagoo intaas ka dibna warbixin kooban ka siiyey siyaasada guud ee xisbiga isagoo sheegay in dhawaan gudoomiyaha  xi sbigu ahna  musha raxa madaxwaynuhu Eng Faisal Ali Faarax uu tagayo xarunta midowga Yurub ee (Brussels)maalmaha fooda inagu soo haya.

Intaa kadib waxa hadalkii qaatay gudoomiye ku xigeenka ahna musharaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga Ucid, Dr  Maxam ed Rashiid Sheekh Hassan “bismilaahi raxamani raxiim waxay ii tahay farxad sida sharafta iyo qiimaha leh ee aad ii soo  dhaw ayseen aadna  wa an idinka mahahadcelinayaa Dr Maxamed Rashiid ayuu hadalka ku bilaabey intaas ka dib wuxu si qoto  dhe er uga waramay siyaasada xisbigu ku hagi doono wadan hadii uu u ku guulaysto wadanka doorashad ka dhacaysa xisbiga Ucid wuxu keenay isbedebel(vission) fikir cusub Soomaalilandna waxaanu doonaynaa inay noqoto wadan nabada wanaagsan dhaqaalihiisu kobco oo aduunka ka hela aqoonso isagoo ku tilmaamany dawlada maanta jirtaa way ku guuldaraysatay inay dhamaystirto hayadihii dawlada,waxa kaloo sheegay gudoomiye ku xigeenku in xisbiga Ucid yahay xisbi casri ah oo ka duwan xisbiyada kale

isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi godoomiye ku xigeenku xisbigu wuxu dalka ku  dh aqayaa aragti Islaam ah oo ixtiraam leh dhaqan iyo caadooyin leh xadaradaha waawayn ee aduunkuna ku jiraan oo ay ka mid tahay dimuqraadiydu,isagoo  tusaal e u soo qaatay dimoqraadiyada Britishka iyo halka ay soo martay.

intaa wuxuu ku daray Gudoomiye ku xigeenku Dr Maxamed Rashiid Sh Hasan in Allah u  na xariistee Soomaliland uu dhidibada u taagay madaxweynayaashii kan ka horeye.

Waxa kaloo halkaa ka hadlay Abdilaahi Hasan Camay Xoghayaha Xisbiga Ucid ,Mustafe  A bdilaahi Aadan Xoghayaha  Siyaasa da ,Mustafe Ismail Ahmed(kanadi)gudoomiyaha  Lond on Hasan macalin xubin fulinta saeed omar gudoomiyaha europe,  gudo omiyaha garabka europr caasha marakan gudoomiya garabka uk haween kaltuun ibraahin mooge,Hibo abdi alli barkhad  xidh iidhka uk, amni maxd ali xubin saynab saxardiid ,xasan cunaaye , gudoo miyaha dhalinyarad london.

Hadalkii waxa soo gabagabeeyay xoghaya arimaha gudaha maxd ibraahi, shirkiina uxu ku dhamaaday guul.



Hamse Ahmed Salaan
London