Xisbiga
Kulmiye Oo Taageerayaasha Musharixiintiisa Ku Soo Ban-dhigay Gabiley
Iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Khudbad Ka Jeediyey
Xisbiga Kulmiye ayaa si balaadhan cududiisa taageero kusoo khatimey
wareeg afraad ee olala ha doorashada golayaash deegaanka........
Gabiley (TNN) Xisbiga Kulmiye ayaa si balaadhan cududiisa taageero
kusoo khatimey wareeg afraad ee olalaha doorashada golayaash
deegaanka.kumanaan kun oo ka mid ah taageeraya ash xisbiga kulmiye
ayaa buux dhaafiyey fagaaraha khayriyada magaalada gabiley.Taageer
ayaash musharaxiinta oo ku dhawaaqayey halku dhigyo ay ku
taageerayaan musharaxiinta ay taageersan yihiin ayaa kusoo
qulqulayey fagaaraha khayriyada oo ah halka loo asteeyey in
xisbiyada siyaasadu fariintooda ka gudbiyaan.
Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada s/land dr
maxamed c/laahi cum ar,wasiirka warfaafinta abiib diiriye
nuur,xildhibaan ibraahin axmed haybe,xildhibaan c/laahi xuseen
cige,xildhibaan cali gabiley,xildhibaan xasan cawaale caynaan ayaa
taageerayaash kul miye kala qayb galey dabaal dag maalinta ay kusoo
khatimayaan olalohooda.
Ugu horeyn waxaa khudbad dheer oo farxad ku dheehan tahay ka
jeediyey gudoomiyaha xis biga kulmiye aamiin muuse oo taageerayaash
kula dardaarmey inay codkooda ugu deeqaan maalinta codeynta
musharaxiinta xisbiga kulmiye ee ay taageeran yihiin.
Waxa kale oo halkaasi ka hadley xildhibaan ibraahim axmed haybe iyo
xildhibaan cali gabiley oo sheegay inay maanta xisbiyada kale ku
cimro qaataaan wacdaraha ka dhacay magaalada gabiley reer gabileyna
ay kulmiye googo,ay yihiin oo ay hore u cadeeyeen.
Waxa kale oo halkaasi ka hadley 21ka musharaxa ee golaha deegaan oo
ku tiiqtiiqsadey waxy aabaha ay hiigsanayaa eeay umadood u
qabanayaan waxayna soo jiiteen dhamaan dhagaha taageeryaashood.
Waxaa xafladaasi soo afmeerey wasiirka arimahadibada s/land dr
maxamed c/laahi cumar wa xaanu yidhi ‘’xisbiga kulmiye waxaa lagu
yaqaana xirfada,waayo aragnimo,wadanimo,aqoon dheer oo uu uleeyahay
baahida dalka taala xisbiga kulmiye waxa uu ku hanwayn yahay inoo
waxbadan kusoo kordhiyo wadanka.waxaan idinku boorinayaa inaad
taageertaan musharax iintaa xulka ah ee la idiin soo xuley oo aanu
aamin sanahay inay waxa weyn ka tari doonaan baahiyaha dhanta ahee
kajir gobolka,degmada,iyo wadankaba si aynu ugaadhno horumarka aynu
hiigsaneyno’’
Waxkale oomagaalada wajaale khudbad ka jeediyey wasiirka wasaarada
warfaafinta abiib dii riye nuur oo dadweynaha reer wajaale kula
dardaarmey in maalinta codka ay la habsaamin ee ay ugu deeqaan
musharaxiinta xisbiga kulmiye u sharaxan .
Sidoo kale oo halkaasi ka hadley xildhibaan c/laahi xuseen cige iyo
xildhibaan xasan cawaale cayanaan oo soo bandhigay waxyaabihii iyo
guulihii xukuumadu ka sameysay magaalada waj aale iyo waxyaabaha u
qorshaysan dadweynaha kula dardaarmey ilaalinta nabadgalyada iyo in
maalinta codeynta ay u codeeyaan xisbiga kulmiye
Cabdiraxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland
|