WARSAXAAFADEED
Hargeysa (TNN)-"Somaliland oo 20 jirsatay waxay ka soo gudubtay
marxalado badan oo adag. Somaliland Shacbigeeda wuxuu ILLAAHAY
talada toosan waafajiyey shirkii Burco 1991, Markii ay lasoo noqotay
Qaranimadeedii.Taariikhda ayaa marag u ah taladaasi inay ahayd mid
dhaxal gal. Bal ufiirso dabka ka holcaaya Soomaaliya (Koonfur) iyo
Nabada, Dawladnimada iyo Horumarka ka jira Somaliland.
Intii aynu dhisaynay Qaranimada Somaliland,Intii aynu dhisaynay
Dawlada, Golayaasha sharci dajinta, Xukuumada,Garsoorka,Ciidamada
Qalabka Sida, Asxaabta Qaranka waxa jiray kooxo Somaliland diid ah
oo ku foogan carqaladaynta dhismaha Qaranka Somaliland. Cadawga
Somaliland waxa uu u qaybsamaa laba qaybood:-
A. Mid waxaynu la wadaagnaa mandaqada Geeska Afrika iyo guud ahaan
dalalka caalamka waa, Ururo diidan nuxurka dawladnimo, waxay kasoo
horjeedaan kala dambaynta talana waxay ka yaqaanaan dil iyo dumin
caalamkuna wuxuu u yaqaanaa Argagixiso, waana ku Qaraxyada ka
gaystay Hargaysa, Madaxtooyada, Saafaarada Itoobiya iyo UNDP.
B. Cadawga labaad waa askhaas Somaliland u dhashay oo kasoo horjeeda
Qaranimada Somaliland.
Dhacdadii Ceerigaabo wuxuu ahaa shirqool ay soo maleegeen Kooxda SSC
oo kasoo horjeeda Qaranimada Somaliland, Xisbiga KULMIYE wuxuu
Qaranka iyo Qoysaskii ay ka baxeen ka Tacsiyadaynayaa dadkii ku
dhintay Shirqoolkaas. Marka aynu dhuuxno ujeedada Shirqoolkan wuxuu
lahaa laba ujeedo.
1. Inay iska horkeenaan Beelaha walaalaha ah ee dagan Sool iyo
Sanaag.
2. Inay iska horkeenaan Beelaha Bariga Somaliland iyo Xukuumadooda.
Hase yeeshee waxaa ILLAAHAY Mahadiiya in shacbiga Gobolada Bari iyo
Dawlada siiba Ciidamada kala duwan ee Qaranku ay si fiican u fahmeen
ujeedada Shirqoolkaa si wada jir ahna uga hortageen.
Xisbiga KULMIYE wuxuu ku bogaadinayaa shacbiga Gobolada Sool iyo
Sanaag, Maamulka Gobolka Sanaag, Waftiga Dawlada ee heer Qaran iyo
Ciidamada Qaranka ee sida Xilkasnimada iyo geesinimada leh ee ay uga
hortageen Shirqoolkan iyo sida ay u sugeen Amaanka Gobolka.
Maalmahan waxa Warbaahinta ka arkaynay koox dibad yaal ah, oo usoo
tafo xaydatay sidii ay qas uga abuuri lahaayeen Gobolka
Awdal.Xisbiga KULMIYE waxa uu ogyahay in reer Awdal yihiin kuwii
qaybta Libaax ka qaatay dhismaha Somaliland iyo adkaynta
Nabadgalyada. Waxaa la hubaa in Gobolka Awdal ku talaabsaday Horumar
balaadhan intii Somaliland jirtay. Awdal waa Gobolka hormood ka ah
dhinaca Nabada,Waxbarashada iyo Horumarka.
Sidaa darteed Xisbiga KULMIYE wuxuu aaminsan yahay in Shacbiga reer
Awdal si wad jir ah uga hortagi doonaan cidkasta oo ku soo duusha
Nabadgalyadooda, Horumarkooda iyo Qaranimada Somaliland.
Dhinaca kale baryahay dambe waxaa dhacday in ciidamada Dawlad
Goboleedka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay Deegaamo xadka dhicana
Somaliland ah usoo gudbeen.
Somaliland marnaba ma faro galiso arimaha dalalka jaarka .
Somaliland waxay diyaar u tahay in ay Nabada iyo Horumarka iska
kaashakaadaan dawladaha Jaarka la ah, Xisbiga KULMIYE sida uu ka
warqabo Xukuumadu way kala Xidhiidhay dawlada Itoobiya dhacdooyinkan.
Waxaanu ku talinaynaa in dhinac waliba ka feejignaado wixii
Nabad-galyada iyo Jaarnimada wax u dhimi kara si aanay ugu soo gaban
Kooxaha Nabad diidka ahi.
Dalka waxaa kusoo fool leh Doorashooyin, Doorashooyinku waxay
leeyihiin Xumadooda, Xamaasadooda iyo Loolan afkaareed taasina waa
Dimuqraadiyada waxaana loo baahan yahay in laga feejignaado in aanay
u gudbin heer Qalalaase iyo Fawdo ah.
Dawladu iyada oo fulinaysa Barnaamijkii Xibsiga KULMIYE waxay
ogolaatay furashada Ururo Siyaasadeed iyo in Da’da Xildhibaanada
dawladaha hoose laga dhigo 25 sanno.
Si aanay doorashooyinku dib uga dhicin wakhtigooda Golayaasha Sharci
dajinta waxa laga codsanayaa in ay dhamaystiraan Xeerarka
Doorashoyinka .
Komishanka Doorashooyinka iyo Guddida Diiwaan galinta waa in ay
dar-dar galiyaan hawlahoodii kaga aadanaa Doorashooyinka.
Xukuumadu waa in ay ku talo gashaa dhaqaalihii Doorashooyinka ku
bixi laaha.
Ururada Siyaasadu waa in ay noqdaan kuwo dhisa Qaranimada, xoojiya
Nabada, adkeeya midnimada Somaliland waa in aanay noqon Ururada
Siyaasadeed kuwa ku kooban Koox gaara ama Qof, waa inay la yimaadaan
Barnaamijyo Horumarineed.
Dhalin-yarada oo maanta In badani jaamacado ka soo baxeen waxaa laga
sugayaa in ay waxt ar iyo Aqoon ku soo kordhiyaan Saaxada Siyaasada
Somaliland.
Xisbiga KULMIYE wuxuu ku kalsoon yahay in shacbiga Somaliland u
bisil yahay Xamaasada Doo rashooyinka,Loolanka Asxaabta iyo Tartanka
Ururada Siyaasadeed."
ALLAH MAHAD LEH.
Muuse Biixi Cabdi.
Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye.
|