WAR-SAXAAFADEED
Xisbiga Midnimada, Nabadda iyo Horumarka Jamhuuriyadda ee KULMIYE,
waxa uu si wayn u soo dhawaynayaa go’aamada qiimaha leh ee ka soo
baxay shirkii Awr-boog ays ee ay wadayeesheen xukuumadda Somaliland
iyo beelaha Maxamuud Garaad, Hi njiinle iyo Kaskii Qabe ee kala dega
Gobollada Sool, Sanaag iyo Xaysimo ee dalka Jam uuriyadda
Somaliland.
Go’aamada ka soo baxay shirka ka qabsoomay degmada Awr-boogays ee ka
tirsan Gobolka Sanaag (19 ilaa 20 July 2016) oo ay kala saxeexdeen
Wasiirrada xukuumad da ee Madaxweynaha Somaliland u igmaday iyo
oday-dhaqameedyada beelahaasi, waxa nuxurkiisu ku qotomaa xoojinta
midnimada, wadajirka iyo nabadgalyada dadka iyo dalka Jamhuuriyadda
Somaliland, wax-wada lahaanshaha iyo ka wadashaqaynta horumarka
ummaddiisa.
Xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisu waxa uu u arkaa natiijada shirka
Awr-boogays mid muhiimad wayn
u leh Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland oo kaalin mug leh ka
qa adanaya taabbogelinta midnimada iyo wax-wadalahaanshaheeda guud
ahaan umma dda Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaasi darteedna, xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo ay caado u
tahay ka midh o-dhalinta wax kastoo dan u ah dalka iyo dadkiisaba
waxa ka go'an in si buuxda loo hirgeliyo heshiiska lagu gaadhay
shirka Awr-boogays.
Wadahadalka, is-qancinta iyo isu-tanaasulku waa wax caado u ah
Jamhuuriyadda S omaliland oo ay ku soo caano-maashay muddada 25 sanno
ah ee ay ahayd qaran ma daxbannaan, isla markaana ay ku soo gaadhay
heerka ay marayso maanta ee ah na badgalyada, xasilloonida, horumarka
iyo dawladnimada ku salaysan nidaamka dimuq raadiga ah, waxaanay
KULMIYE iyo xukuumaddiisu mar walba diyaar u yihiin oo ay soo
dhawaynayaan in wadaxaajood iyo is-faham lagu qanciyo cid kastoo wax
taban aysa gudaha dalkeenna, wixii aan ka horimanayn Qaranimada
Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH.
Xasan Siciid Yuusuf
_________________________________
Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE
|