Xisbiga KULMIYE oo sheegay inay iska Talaaleen Fayraska Khilaafyada ka dilaacay Xisbiyada qaranka
 

 



Hargeysa (TNN)-Xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE ayaa sheegay inay iska talaaleen fay raska khilaafka ee asiibay labada xisbi mucaarid ee UDUB iyo UCID.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cigge ahna Xildhibaan k a tirsan Golaha deegaanka Hargeysa, ayaa sheegay inay xisbigoodu ka wada hadleen sidii lo ogu diyaar garoobi lahaa doorashada Goleyaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoo nto bilaha fooda inagu soo haya, waxaanu yidhi “Sadexda xisbi qaranba marka hore fayras w areegayay ayaa soo galay labadii xisbi ee kale (UDUB iyo UCID) wuu ku dhacay, anaguna (KU LMIYE) shalay baanu iska gaadhnay oo iska tallaalay fayraskii. Waxa uu ahaa fayras muran ka dhex dhaliya xisbiyadda dhexdooda ka dibna dadkii kala jajabinaya oo waxyaabo aan macno lahayn lagu murmaayo oo aan waxba uga taraynin siyaasiyadii xisbiga iyo marxalada maanta la marayo. Markaa anigu cudur uun baan u arkayay anigu.”

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cigge waxa uu tafaasiil ka bixiyay kulan balaadhan oo ay shalay madaxtooyadda ku yeesheen Madaxweynaha, Madax weyne Ku xigeenka, Hoggaanka xisbigaasi iyo Xildhibaanadda kaga jira Goleyaasha qaranka, w axaanu yidhi “Kulanka shalay ujeedadiisu waxay ahayd waa tan doorashadii Goleyaasha deeg aanku soo socota, hawlo badan oo naga qabyo ahina way jireen, waxa uu kulankaasi ahaa sidi i loogu diyaar garoobi lahaa doorashadan, wixii kalena xiligan dhulka loo dhigi lahaa. Waayo ha ddii aad doorashadan soo bixi waydo dee wax aad ka hadashaaba ma yaalo. Waxa laga wada hadlay in olalaha doorashada lawada galo.”

“Xisbiga dadka laga soo doortay waxa weeye Madaxweynaha, Madaxweyne Ku xigeenka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka intii ayaanu shalay isu keenay, xubnaha Baarlamaanku waxay qabeen cabasho ay u arkayeen inay xaq u leeyihiin, sidaasi ayaanu markaa kulanka ku qaban ay waana laga wada hadlay arrimahaa doorashada la xidhiidha,”Ayuu yidhi Md. Jaamac Shabeel oo maanta u waramayay TV-ga Horn Cable TV.

source:somaliland.org