Xisbiga Kulmiye oo Munaasabad Balaadhan u Sameeyay Musharax utartamaya Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Taageerayaasha Musharaxa oo Dhoolatuskii ugu Balaadhnaa Ku Muujiyay Cududooda.

 



Munasaabadaasi oo ay ka soo qayb galeen kumanaan ruux oo isugu jira Masuuliyiin, Haween iyo Dhalinyaro .............Daawo Sawirro badan


Hargeysa (TNN)- Munaasabad Balaadhan oo lagu Soo Bandhigay Musharax Ismaaciil Aw Xas an X. Aadan ,oo u sharaxan Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa ayaa Xaflad dhoolatus ah loogu Sameeyay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Munasaabadaasi oo ay ka soo qayb galeen kumanaan ruux oo isugu jira Masuuliyiin, Haween iyo Dhalinyaro ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii ka soo qayb galay Gudoomiyaha xisbiga kulmiy e mujaahid muuse biixi cabdi, gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga mujaahid maxamed kaahin axmed, Gudoomiye ku Xigeenka labaad ee Xisbiga Xildhibaan Waabeeye, xildhibaan ada golaha wakiilada somaliland oo ay ka mid ahaayeen xildhibaan c/laahi xuseen cige (blac k), xildhibaan xasan cawaale caynaan, xildhibaan ibraahim axmed haybe, xildhibaan cali mare exaan, Lataliyaha madaxwaynaha ee arimaha siyaasada Abiib diiriye nuur, wasiirkii hore ee boosaha iyo isgaadhsiinta Dr: Axmed Xaashi oday, gudoomiyihii hore ee hay,ada shaqaalaha muxumed aw cabdi, Salaadiin, Waxgarad, Culimaa-udiin, haween Iyo Dhalinyaro Tiro Badan.

Maxamuud Jaamac Warfaa oo ku hadlay Afka Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex ee Xisbiga kulmiye ayaa sheegay in Beesha Musharaxani ka soo jeedaa maanta sameeyeen Dhoolatus wayn oo soo jiidasho leh, Isaga oo Si wayn usoo dhaweeyay Musharaxa Mahad-naq balaadh ana usoo jeediyey beesha musharaxa waxaana hadaladiisii Kamid ahaa “Waxaan filayaa inay maanta beesha yoonis jibriil halkan dhoolatus weyn ka muujinayso maxaa yeelay codkii gola ha wakiilada ee barigii ka khasaaray inaanu codkaa cabdilaahi (Black) waayin ee uu codkaasi meel kale maray ayaa maanta halkan ka muuqata” Ayuu yidhi Maxamuud Jaamac Warfaa.

Caaqil Cabdi Cumar Warsame oo ka mid ah Cuqaasha Beesha Musharaxa oo isaguna hadal kooban ka jeediyay halkaasi ayaa Sheegay in Musharax ismaaciil awxasan ay Codkooda iyo Maalkoodaba la garab taagan yihiin isaga oo Xusay in Dhoolatuskaasi ay sameeyeen noqon doono mid u quus gooya cid kasta oo kalsooni darro ka haysay soo bixida musharaxa

Marwo Canab muxumed oo ka mida Golaha dhexe ee xisbiga kulmiye oo madashaasi ka hadas hay Ayaa Faahfaahin ka bixisay Awooda taageeradda musharax ismaaciil aw xasan oo ay ku tilmaantay mid kalsoonideeda leh, waxaana hadalkeedii ka mid ahaa “ Aamina muuse weheli ye ayaa tidhi bari asaybaan sidaa inta Somaliya ay is haysato anagu hadaanu nahay hawee nka ku abtrisanaya xisbiga kulmiye asaybaanu sidnaa ilaa uu soo boxayo xildhibaan Ismaaciil Aw xasan X. aadan oo aanun codkayaga u huri doono anagoo ilaahay kaashanayna awooda y adana muujinayna waxaanu hiil iyo hoo iyo lagarab taaganahay Ismaaciil Aw xasan X. aad an” ayay tidhi Canab muxumed.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka hadashay marwo xaliimo cabdi obsiiye oo kamida qurba joogta reer soomaaliland ee Wadanka Holland waxaanay ugu baaqday dadwaynaha ka soo qayb galay munaasibadaasi inay codkooda la garab istaagaan musharaxa Ismaaciil Aw xasan waxaanay tidhi “ waxaan maanta halkan ka iclaaminaynaa oo aanu cid walba u sheegaynaa ismaaciil aw xasan oo ka sharaxan xisbiga kulmiye inuu yahay nin u qalma jagada uu isku sha raxay inuu leeyahay karti, dulqaad iyo samir, inuu yahay nin aqoon u leh jagada uu iskusoo sharaxay, sodoo kale waxaan halkan idiinka cadaynaynaa ismaaciil aw xasan inuu yahay nin ka hananaya jagadiisa oo aynu halayn karo jagadaasi” ayay tidhi marwo xaliimo cabdi obs iiye.

Xildhibaan ibraahim axmed haybe oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somalialnd oo hadal kooban munaasibadaasi kasoo jeediyey ayaa sheegay inaanay soo sharaxayn rag kaliyaata ee ay dumarna soo wadaan soona sharixi doonaan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa“Halkan anuu umaan kicin inaan soo dhaweeyo dadkayaga halkan fadhiya, dadka halkan fadhiyaa waa dadkii ku abtirsanayey kulmiye, muuqa iyo magacaba sidaa awgeed waxa kaliy een u kacay maanta waxa la yidhi hadii lagu sheego waa lays shaalaa hadii lagu shareerana waa lays sheegaa waxaan u kacay inaan sheegto faan aan leeyahay oo aanay cidna ila laha yn cidina igula murmaynin cidina igagasoo horjeedsanaynin faankaan sheeganayaana gudoo miye muuse hortaaduu ka muuqdaa waxaanu maanta halkan ku sharaxaynaa oo aanu soo gudbinay murashaxayagii koowaad hadaanu nahay beesha jibriil abokor ee deegaanka harge ysa oo ah ismaaciil aw xasan X. aadan, musharaxani waa musharixii labaad ee dadka kasoo jeeda degmeda gabiley ay usoo sharexeen golaha deegaanka ee hargeysa kanasoo sharexe en xisbiga kulmiye hadii aan dib ugu noqdo taariikhda doorashadii ugu dambaysay ee madaxt ooyada deegaanka gabiley konton iyo waxoogaa baa ka codeeyey afartan kun waxaa lahaa kulmiye toban iyo waxoogaana waxaa lahaa dadka kale halkaa waxa ka muuqata oo marag madoon ah in lixdii qof ee meel wada joogayba shan kulmiye ahaayeen anagoo faankaa leh oo aanu xaq uleenahay inaanun isa sheegno waxaanu maanta soo ban dhignay kii labaad ee aanu u sharaxaynay golaha deegaanka ee hargeysaad waxaan intaa ku darayaa inaanu diy aar unahay inaanu inaanaan inamo kaliya keenine hablana waanu wadnaa waananu keenaynaa ” ayuu yidhi xildhibaan ibraahim axmed haybe.

Lataliyaha madaxwaynaha ee arimaha siyaasada Abiib diiriye Nuur (Abiib Timacade) oo mun aasibadaasi hadal kooban kasoo jeediyey ayaa Aad usoo dhaweeyay musharaxa hambalyee yayna dhamaan dadka kasoo qayb galay xaflada waxaanu yidhi “maanta waa maalin weyn waa maalin farxadeed waxaan aad idiinku hambalyaynayaa guusha qiimaha leh ee sharafta leh ee aad gaadheen waxaanan ahay ninka koowaad ee idinku hambalyaynaya ee idin agtaagan waxaa maanta muuqata barigii aynu halkaa joognay qaaxo nimankii aynu awliyada ku tilmaanay cali bayle waxaa lagu tilmaami jirey waa milatari maanta ismaaciil inuu fuushan yahay taangigii cali bayle waa xaqiiq, ismaaciil wuu ku guuleystee maantaba haku bishaaray sto”ayuu yidhi Abiib diiriye Nuur.
Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige (Black) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Cudu da taageerada musharaxu maanta si fiican uga muuqato madasha isaga oo xusay in ay kalso oni fiican ku qabaan, musharaxa ay soo bandhigeen.

Xildhibaan C/laahi Black waxa uu Dhaliilay hadal uu shalay Gaboose Saxaafada u mariyay Xuk uumadda Somaliland, isaga oo sheegay in Gaboose aanu cid kale ku dhaliili Karin Musuqmaas uq iyo cadaalad darro waxaanu sheegay in Muddadii uu Wasiirka ahaa Dr.Gaboose ku kacay Tii ugu waynayd isaga oo sheegay in uu jabiyay qodobo ka mid ah dastuurka Somaliland.

Waxaa isaguna munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye Mujaahid maxamed kaahin axmed isaga oo sheegay inuu xisbiga kulmiye qirsanyahay taageeradii ay la garab istaageen dadwaynaha reer gabiley waaxana hadaladiisii ka mid ahaa “waxaan jeclahay inaan tilmaano, anaga laftayadu gobolka gabiley xisbigu taageeradii uu ku lahaa baaxadiisu intay leegtahay, anaga laftayadu dee macluumaadkiisa waxbaanu ka haynaayoo kolay anuu qaar badanoo gobolka kasoo jeedaan ka aqaanaa markaa musharixiintii hore ee la sheegay ee uu xasan shahar kamid yahay hodan oo xafladeedii aynu qaban doonaa ay ka mid tahay maantana halkan ismaaciil aw xasan uu musharax inoogu yahay aad iyo aadbaanu ula soconaa hadaanaan intaa qadarinaynin intaasoo musharaxa dee anaguba markii hore kumaanaan sii talaabsaneen arintani markaa waa dhab xiligii ugu horeeyay ayaa ree gabiley musharixiintooda magaalada hargeysa lagasoo sharaxayaa waxa markaa loo baahanyahay inaad muujisan inaad awoodiina u leedihiin tiradiina u leedihiin” Ayuu Mujaahid maxamed kaahin axmed.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi hadalo aad u qiimo badan oo iskugu jira mahad celin iyo balanqaad kasoo jeediyey Musharax Ismaaciil Aw xasan X. aadan oo ah musharaxa xaflada loo qabtay waxaanu yidhi “Marka hore waxaan aad ugu mahad naqayaa madaxda xisbiga kulmiye oo si xushmadi ku jirto iiga aqbalay codsigaygii aadna iigusoo dhaweeyey inaan kamid noqdo musharixiinta golaha deegaanka ee hargeysa waxa kale oon salaamayaa dhamaan marti sharafta kasoo qayb gashay xafladan, runtii arintani maanta waxay kor u qaadaysaa shucuurtaydii run ahaantiina siday dadkaygii ii taageereen, waxay igusii riday inaan meel aan gaadho iskala garan waayo, taasina waa wax aniga ii sharafa, waxaanan halkan idiinka balan qaadayaa iyadoo masuuliyadu ay tahay wax adag, hadii ilaahay yidhaa oo aynu xilka ku guulaysano inaan ahaado mid daacadnimo iyo hufnaan ku shaqeeya oo anan ahaanin mid dadkiisa kasii jeesta insha allah”ayuu yidhi Musharax Ismaaciil Aw xasan X. aadan.

Wasiirkii hore ee Boosaha iyo isgaadhsiinta Dr.Axmed Xaashi Oday, Xildhibaan Xasan Cawa ale Caynaan iyo Gudoomiyihii hore Hay’adda Shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi oo iyaguna halkaasi hadallo ka soo jeediyay ayaa aad usoo dhaweeyay Musharaxa Golaha Deegaanka Caasimadda hargeysa Ismaaciil Aw Xasan X.Aadan.

Gebagabadii munaasibadaasi ayaa waxa hadal kooban kasoo jeediyey gudoomiyaha xisbiga kulmiye mujaahid muuse biisi cabdi isaga oo sheegay ismaaciil Aw xasan inuu hore u ahaa xisbiga kulmiye waxaanu yidhi “ waxaan halkan uga mahadnaqayaa dadwaynaha rag iyo dumarba leh ee maanta cududooda xisbiga kulmiye u muujiyey waxaan hubaa inta ismaaciil wada iyo inta dooran doontaba codkoodu inuu hore kulmiye u ahaa, mudanayaal iyo marwooyin kulmiye waa gabiley, gabileyna waa kulmiye, horena waynu isku mahadinay, mid waxaan ka odhan kulmiye, midna waxaan ka odhan hawlaha doorashadee taagan, walaalayaal kulmiye waad doorateen xilbaad u dhiibteen hawshii aad u dhiibteena sidiibuu ugu fooganyahay hadii aynu waa bil rabadaane xaqiiqo u qiyaasno dawlad aan dhaqaaleheeda cidi taageerin oo tamarteeda aynu ognahay hadii aynu xaq u miisaano halkii kulmiye uu kan bilaabay ama xukuumadaa maanata joogtaa waxa marag madoon ah oo aan nina dambi ka raacayn in intii loogu talo galay in ka badan mudadaa ay qabatay xukuumada kulmiye, qodobka labaad doorashada maanta joogta ragii xisbiyada halafuro ku qasbayey dawlada ragii u tafa xaytay xisbiyada halafuro lama gaadhin kaambaynkii iyo wakhtigii lawada hadli lahaa sidaa darteed kahordhicimaayo waxaanse leeyahay waa bilowe goormaad durba qaylinaysaan waatii xisbiyto laydiinka taaglahaaye adygeeda lahaada hawshu waa bilowe tartankana waa lagalayaa markaa yaan lasii qaylin ayaan leeyahay, ninka kulmiye aamini wayey ee xisbi ka furtayoow ardaaga aad wadataa yuu kula yaraanin maanta oo haka calaacalin wali laguma gaadhine” ayuu yidhi mujaahid muuse biixi cabdi.
P8046059 - Copy
Musharaxan ayaa Madasha ku soo bandhigay Taageerayaashii ugu badnaa ee Xisbigu Xaflada u sameeyo tan iyo intii Dabarka laga furay Ururadda Siyaasada Somaliland.



Guuleed Muxumed Ibraahim (Guuleed Yare)
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somalilad