Xisbiga Kulmiye Oo Maanta 14 Xafiis Kalla Wareegey Cali Gobanimo iyo Taagarayashiisa

 

Hargeysa (TNN)-Xisbiga Kulmiye Ayaa Maanta 14 Xafiis Kalla Wareegey Mudane Cali Gobanimo Oo Katirsanaan Jirey Saraakiisha Sarsare Ee Xisbiga Udub oo Dhawaan Kubiirey Xisbiga Kulmiye.

Taageerayaasha Xisbiga udub Ee 14 Xafiis oo uu Horkacaayey Mudane Cali Gobanimo Ayaa  Maa nta ku wareejiyey masuuliyiinta gobolka maroodijeex ee xisbiga kulmiye oo uu horkacaayey  Mud ane Axmed Maxamed X.C/laahi {Xamarje}.

Dhamaan 14 Xafiis oo kuyaala Degmooyinka 26juun iyo Koodbuur Ayaa Waxaa lawareegey  gudo omiyaha gobolaka maroodijeex ee xisbiga kulmiye .

Xaflad kooban oo lagu wareejinayey xafiis walba oo katirsan 14 xafiis ee maanta xisbiga kulmiye kalla wareegey mudane cali gobonimo ayaa waxaa maanta lagu qabtey xafiisyada hortooda  iyad oo halkaasi ay kahadleen mudane cali gobonimo oo katirsanaan jirey xisbiga udub oo dhawaan  k usoo biirey xisbiga kulmiye waxaanu shaaca kaqaadey in dhamaan 14 xafiis oo ay kireysteen  taa geerayaasha Xisbiga udub Ee Degmooyinka 26juun iyo Koodbuur Uu Maanta Ku Wareejinaayo   Xi sbiga Kulmiye Ee Uu Katirsan Yahey. waxaa uu intaasi kudarey inaan ayna habayaraatee  masuul iytiinta xisbiga udub aaney kireynin xafiisyadan lakiin ay taageerayaasha xisbiga udub ay  kireys teen waxaanu raaciyey in xisbiga kulmiye uu katirsan yahey uu kusoo dhaweynaayo  taageeraya ashiisa xisbiga udub oo maanta xafiisyadooda kuwareejiyey masuulityiinta gobolka maroodijeex ee xisbiga kulmiye waxaanu aad ugu dheeraadey in xisbika kulmiye uu hormood u yahey Isbadel Ku dhisan Horumar cadaald iyo sinaan waxaanu dhamaan shacbi weynaha ugu baaqey iney si  na bad ah codkooda u dhiibtaan maalinta doorashada oo kubeegan 26juun oo hadda ay inaga xigaan muddo 4 cisho ah…

Waxaa kalle oo isna halkaasi kahadley mid kamid ah taageerayaasha xisbiga udub ee maanta  ku soo wareejiey Xafiisyadoodii iyo taageerayaashoodiiba xisbiga kulmiye waxayna ay shaaca ka qaadeen in Xisbigii udub ee ay katirsanaayeen uu burburey sidaasi daraadeed ay isku qanciyeen in xisbiga kalliya ee bedellikaraa uu yahey xisbiga kul;miye.

Waxaa kalle oo iayagun halkaasi kahadley qaar kamid ah masuuliyiinta xafiiskaasi wareejinaayey oo sheegey iney dhamaantood kabaxeen xisbiga udub oo ay xafiisyadoodii ku wareejiyeen  xisbi ga kulmiye.

Waxaa Isna Madashaasi Kahadley Md.Xuseen Caydiid Oo Katirsan Qorbajooga Reer Bristol Ee  Xis biga kulmiye waxaanu sheegey in dal iyo dibadba uu dalku ubaahan yahey isbedal dhab ah oo  da lkani kadahca waxaa uu xusey in ka qurbajoog ahaan ay aad ugu dadaaleen in xisbiga kulmiye ay la barbar istaageen tageero laxaadleh si uu talada dalka u hanto bulshadana u gaadhsiiyo  isbe del dhab oo ay bulshadeenu u oomaneyd muddo badan….

Ugu Dambeyntaa waxaa xafladahaasi xilwareejinta 14ka xafiis ee maanta mudane cali gobanimo iyo taageerayaashiisu ay ku wareejiyeen Masuuliyiinta xisbiga kulmiye ka hadley Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ee Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed X. C/laahi {Xamarje}.waxaa uu ugu horeyn uga mahad celiyey taageerayaasha xisbiga udub ee degmooyinka 26juun iyo  koodb uur ee 41kaasi xafiis kusoo wareejiyey waxaanu sheegey in maanta uu aad ugu faraxsanyehey in cali gobanimo iyo taageerayaashiisu ay 14kaasi xafiisku wareejiyaan waxaanu ugu baaqey dhamaan tageerayaasha kalle ee xisbiga udub ee Hadhey in in kusoo biiraan saaxiibadooda kalle mudda 24ka sacadood ah ee kahadhey wakhtigii ololaha ee komishanku ugu tallo galey Xisbiga Kulmiye.

Waxaa uu Ku Dheeraadey Mudane Xamarji In Xisbiga Kulmiye Uu Soo Dhaweynaayo Dhamaan  Da dweynaha Somaliland Markasta uu diyaar u Yahey inuu homar gaadhsiiyo meelkasta oo ay  jooga an oo ay usiman yihiin xisbiga kulmiye waxaa uu dadweynaha somaliland ku gubaabiyey in ay  ilaa liyaan Nabada Si ay Ugaadhno Horumarka Aynu Hiigsaneyno oo ah in Aynu Helno Doorasho Xor Ah Oo Xalaal.

Waxaanu Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ugu BAAQEY Iney Iskugu Soo Baxaan  Dham aan Beerta Xoriyada Ee Magaalada Hargeysa Iyada oo ay tahey Maalinta bari ah maalintii ugu  d ambeysey Ololaha Xisbiga Kulmiye.

Talaabadani oo ah mid dhabar jab aad ubaaladahan ku ah Xisbiga Talalda Haya Udub Mudo 4  Cis ho Ay naga Xigaan Doorashadii Madaxtooyada ayaa waxay soo jiidatey indhah dadweynaha  so maliland waxay aad u hadal hayaan in xisbga udub ay udhamaatey…
 


Axmed Maxamed Shaqalle
Hargeysa Somaliland