Xisbiga
KULMIYE Oo Ku Adkaystay In Golayaashu Doortaan
Dawlad Ku Meel Gaadh Ah

Xisbiga KULMIYE ayaa mar labaad
ku celiyey in aanay aqbalayn doorashada oo dib loo dhigo, haddii aan
la helin dawlad dalka gaadhsiisa xiliga Doorashada la qabanayo.
Sidaana wuxuu xisbigu ku sheegay warsaxaafadeed uu xalay soo saaray
Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE, Md. Kayse Xasan Cige kaasi oo u
qornaa sidan:
“Haa Doorasho. Maya kordhin.
(Yes Election) (No xtension)
Shirkii 28/02/2009 ee saddexda Xisbi Qaran iyo komishanka
doorashooyinka Qaranka, Hay’ada inter peace waxay sheegtay;
1. in aanu qalabka server-ku sidii la rabay u shaqaynayn ilaa hadda.
2. in Miisaaniyadii doorashada ee deeq-bixiyeyaashu ku xidhan tahay
tiro sugan oo cod-bixiyeyaal ah.
3. tiro sugan oo cod-bixiyeyaal ah, waxa laga sugayaa inuu soo saaro
server-ku. Sidaa darteed, ilaa hadda Komishanku ma hayo wax dhaqaale
ah oo deeq-bixiyeyaashu soo gaadhsiiyeen.
4. qaybtii dhaqaalaha doorashada ee Xukuumaddu bixin lahayd
komishanku mahayo sida shirka laga caddeeyey.
Halkaa waxa ka muuqata wakhti dheer oo dib-u-dhac ku keenaysa
doorashada. Warwarka ugu weyni wuxuu ka jiraa server-ka, oo sida uu
u shaqaynayo aan la hubin oo aan lagu kalsoonaan Karin, sida ay
tibaaxeen cidii gacanta ku haysay.
Xisbiga KULMIYE, wuxuu aqoonsan yahay, xaqdhawrayaa in guddida
doorashadu sharciyan muddayso maalinta doorashada la qabanayo. Sidaa
awgeed, Xisbiga KULMIYE wuxuu diyaar u yahay doorasho ammin kasta oo
ay farsamo ahaan iyo sharci ahaan suurtagal u tahay.
Xisbiga KULMIYE, wuxuu ku doodayaa in muddada ka horeysa 6 April,
2009, ay sharciyan komishanka iyo Xisbiyadu ay qorshayn karaan in
doorasho la galo.
Wixii ka dambeeya 6 April 2009, waxaanu u aragnaa in sharciyada
dalku isbedelayso, sababtoo ah, waxa dhammaanaya cimrigii sharciga
ahaa ee dawlada maanta. Sidaa daraadeed, waxaanu aaminsannahay
haddii maalinta doorashadu sida muuqata ay dhaafayso 6 April, waxa
mudnaanta koowaad leh goleyaasha sharci-dejintu inay ogolaadaan
xukuumad dalka gaadhsiin doonta doorasho.
Xisbiga KULMIYE isagoo dhawraaya Distoorka iyo xeerka doorashada,
waxa uu ka qaybgali karaa shir lagaga doodayo doorasho ku siman ilaa
6 April.
KULMIYE kama doodi karo muddo kordhin ka dambaysa 6 April 2009.
Xisbiga KULMIYE isagoo xeerinaaya wax badan, u dulqaadanaya
dhibaatooyin badan oo kaga yimid dhinaca xukuumada, isagoo indhaha
ka qarsaday sharciyo badan oo xukuumaddu ku geftay, ayaa waxa uu
hore u ogolaaday muddo kordhin sanad ah, oo xukuumadda si xeer jajab
ah loogu kordhiyey, maanta waxa noo cadaatay in aanay xukuumadu
diyaar u ahayn inay doorasho fuliso.
Sidaa daraadeed, waxa aanu u soo jeedinaynaa Goleyaasha
sharci-dejinta 06 April 2009, inay keenaan xukuumaddii Dalka
doorasho gaadhsiin lahayd.
Komishanka Qaranka waanu ogolnahay muddada uu qabtaa haday waafaqsan
tahay Distoorka, farsamo ahaana qalabkeedii iyo dhaqaalaheedii
diyaar yahay.
Komishanka wada shaqayntiisa ma diidanin, ee waa in laga heshiiyaa
hadba ajandaha laga wada hadlaayo.
Ugu dambayn, Komishanka Qaranku yuu u muuqanin inuu si dadban muddo
kordhin u wado.
Xisbiga KULMIYE wuxuu doonayaa doorasho, nabadgalyo, garnaqsi sharci
ah, wuxuu diidan yahay muddo kordhin jujuub ah.
Md. Kayse Xasan Cige
Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE
|