Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Hadal Haynta Muddo Kord hinta Iyo Heshiiska Shirkada DP World Ee Dekedda Berbera

 


Hargeysa (TNN) :- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Ja amac Shabeel), ayaa ka hadlay wararka muddooyinkii ugu dambeeyey soo baxayey ee ku sa absanaa muddo kordhin loo sameeynayo Xukuumadda iyo dib u dhac ku yimaada Doorashad a,waxaanu sheegay in ilaa hadda aanu ogeyn muddo kordhinta la sheegayo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shab eel), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidii sa ku waajahan heshiiska Dekadda Berbera, waxaanu ku tilmaamay heshiiskaasi inuu dalka ku soo kordhin horumar, waxa kale oo uu ka hadlay hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Safiir ka Turkiga ee Somaliya, waxaanu sheegay in hadalkii Safiirka ee ahaa in aanay aqoonsayn Ba saboorka Somaliland ay tahay dhab, waxaanu tilmaamay in aanu marnaba Turkigu aamisayn madax banaanida Somaliland, ee uu u haysto inay Somaliya ka mid tahay, waxaanu yidhi isa ga oo ugu horeyn ka hadlaya muddo kordhinta la hadal hayo, "Wax la yidhaahdo muddo kord hin iyo Doorashada oo dib u dhacda ma ogi, Madaxweynuhuna wuu sheegaya oo wuxuu yidhi maalin la igu dari maayo, Doorashaduna wakhtigeeda ayey ku dhacaysa, ee garan maayo muddo kordhinta la sheegayo halka laga keenay, haddii aanu nahay Xisbiga Kulmiyena mar walba Doorashada diyaar baanu u nahay, waana isku kalsoonahay”.


Mar aanu wax ka weydiinay siduu u karo heshiiska Dekadda Berbera ayaa yidhi "Heshiiska D ekadda Bebera, waxaan u arkaa inay tahay talaabo horumar ah oo dalkeena u soo kordhay, wixii faa’iido ah ee dalka u soo kordhana maaha in la carqaladeeyo ama la siyaasadeeyo si kalena loo turjumo, markaas anigu waxaan aamisan nahay in heshiiskaasi wax badan inoo tari doono”.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa mar uu ka hadlaayey hadalkii ka soo yeedhay Safiirka Turkiga wuxuu yidhi "Dalka Turkigu inama aqoonsana, Basaboorkeenana ma aqoonsana, Wadan ku aqoonsan baana Basaboorkaaga aqoonsanaya, waxaanu Turkigu inoo haysta naynu nahay Gobol ka mid ah Soomaaliya oo ka cadhooday, ninka leh Turkigu dhex dhexaad buu ka ahaa wada hadalada waa nin iska hadlay, marnaba dhex dhexaad kamuu ahayn mar walba wuxuu u jan-jeedhay dhinaca Soomaaliya, waxaana aan soo jeedin lahaa kuna talin lahaa in dib Somaliland u eegto wada hadalada, oo go’aan ka gaadha”